“Xilka Guddoomiyaha Maxkamada Sare Yaynaan Innagu ISAAQA cunaha Isaga Duubine Ee Ha La Siiyo Beesha Dhulbahante Oo Xaq U Leh”

0
41

HALKAN KA AKHRISO: Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Kula Taliyay Madaxweyne SIILAANYO Inuu Xilka Guddoomiyaha Maxkamada Sare U Magacaabo Beesha Dhulbahante, Digniina U Direy Guurtida

Hargeysa(Hubaal):- Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdqiaadir ayaa ugu kula taliyay Madaxweynaha Somaliland inuu xilka Guddoomiyaha Maxkamada Sare u magacaabo masuul reer Laascaanood oo Dhulbahante ah, isaga oo sheegay inay booskaasi lahaan jireen waligood-ba imikana in loo magacaabo ay xaq u leeyihiin.

suldaan maxamedSuldaan Maxamed waxa uu ku dooday inay xilalkii oodhan ay wada-qaateen beeshii dhexe (ISAAQA), taasna inaan Somaliland lagu wada ahaanayn,sidii aad tabashadii reer Boorame uga jawaabtay ayaa loo baahan yahay inaad tabashada reer Laascaanood-na uga jawaabtid.

Sidoo kale, Suldaan Maxamed waxa uu u soo jeediyey Golaha Guurtida Somaliland muddo kordhinta ay sameynayaan inay waafajiyaan jadwalka ay soo saareen Komiishanka doorashooyinku ee ah in 1/6/2016-ka doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiillada inay ku dhacaan.

Sidaa waxa uu Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ku sheegay mar uu maanta u waramayay Shabakada Wararka ee Hayaannews.

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdqiaadir ayaa waxa uu yidhi“Tabashadii reer Boorame ee Saami qeybsiga ka muujiyeen arrinkoodii madaxweynuhu si wanaagsan ayuu ka yeelay,oo wixii ay ka cawdeen waa la dhameystiray.Dawladu waa saddex dhadhaaroo ka kala ah fulinta, sharci-dejinta iyo Garsoorka, booska Guddoomiyaha maxkamada Sare ee banaanaday had iyo jeer waxa loo dhiibi jiray beesha Bariga, gaar ahaan reer Laascaanood ama jiida kale ee ka shisheysa.Saamiga ay ka hadlayaan reer Laascaanood xaq ayay u leeyihiin, waxaan halkan ku hayaa qoraal ay soo qoreen Beesha Dhulbahante oo ay ku saxeexan yihiin 19- qof oo isugu jira rag odayaal ah, Xildhibaano, iyo Culimo oo lawada garanayo,  waxay yidhaaahdeen kol haddii xilka laga qaaday Guddoomiyihii Maxkamada sare waxaan maanta xaq u leenahay in annaga (Dhul-bahante) booskaas nala siiyo, waayo xukuumaddana kuma lihin xilal sar-sare. Arrinka guddoomiyaha Maxkamadda sare uu ku jiraa Saami-qeybsiga, waayo intii kale oodhan inaga (Isaaqa) ayaa heysana,umadda maxaynu kula shuraakoobaynaa ee Somaliland lagu noqonayaa? wax ayaa la is-weydaarsanayaa, oo wixii ay beeshu xaq u leedahay inay ka aamusto maaha inaguna inaynu indhaha ka qarsano waa inagu fool-xumo.  Markaa Madaxweyne waxaan u odhan lahaa tii hore ee Galbeedka (Reer Boorame) waan kugu hambalyeynayaa, tan ay maanta soo codsadeen reerkaasina (Dhulbahante) waa inaad u ajiibto, ayaan ka codsanayaa. Xaqna way u leeyihiin in codsigoodaa loo tix-geliyo.”

“Dalkani waxa uu Somaliland ku wada noqon karaa marka la isku dheeli tiro masuuliyiinta xilalka haya, haddii ay xilalkii oodhan ay wada-qaataan beeshii dhexe (ISAAQA) oo beelihii darafyada saamigooda la siin-waayo tabashadu way soo noqnoqonaysa…, waxaynu Somaliland ku nahay labada beelood ee darafyada, tabashadooduna waa mid jirta: Cadceeda sacab laguma qarin karo, Anigu waxaan leeyahay xilka guddoomiyaha Maxkamada Sare yaynaan maanta innagu (ISAAQA) cunaha isaga duubine ee ha la siiyo beesha bariga Somaliland ee Laas-caanood (Dhulbahante),”.Ayuu Yidhi Suldaaan Maxamed

Suldaanku waxa uu ugu baaqay Golaha Guurtida Somaliland inay muddo kordhinta ay sameynayaan waafajiyaan jadwalka ay soo saareen komiishanka doorashooyinku, waxaanu yidhi “Saddexda Xisbi qaran Iyo Komiishanku waxay ku heshiiyeen waa inay Golaha Guurtida Somaliland tix-geliyaan oo wax khilaafsan soo saarin, haddii kale waxay noqonaysa arrin fool-xumadeeda iyo ceebteedu dalka oodhan saameysa, Golaha Guurtida Somaliland arrintaasi aad iyo aad ha uga fiirsado oo jadwalka ay soo saareen Komiishanka doorshooyinku waa inay muddo kordhintoodana ku saleeyaan, Haddii jadwalka ay soos aareen Komiishanka doorshooyinku ay Golaha Guurtidu ka hor yimaadaan dhibaatadeeda ayay leedahay oo wax xal loo heli karo maaha,markaa inay dalka fowdo gelino waxa ka fiican inaynu wanaaga iyo tallada iskula nimaadno oo aynu isku biirino. Markaa waxaan leeyahay Golaha Guurtidu arrintaasi ha ka fiirsado oo si qoto dheer ha u darso oo yaanay dantooda uun ka eegin. Umaddu waxay leedahay muddo kordhinta ay sameynayaan Golaha Guurtidu waxa ku jirta mushahar kordhintooda, ayay leeyihiin. Wax baddan ayaad umadda u qabateen oo aad badbaadiseen, laakin Marxuum Maxamed Siyaad Barre wixii uu ina badday waynu ka goosanay, laakin weli waxaynaan dhaadin oo aynaan ka go’in wixii uu ina baray oo dabada la sii hayaa, taasina waa dhaliil innaga ina wada saaraan dhamaan reer Somaliland, waxaana loo baahan yahay wixii uu ina baray waa inaynu ka leexano,haddii aynu raynrayn ka dhigano waa wixii laga dagaalamay ee aynu ka soo halganay umadduna calanka iyo talada-ba waa la wada leeyahay, markaa waxaan madaxweyne kugu guubaaninaya in talada la kala qaato, dhamaantiina waan idiin duceynayaa”.

Mustafe-Janaale

Hayaannews/Office

Hargeysa/Somaliland

Email:janaale94@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here