AF-HAYEENKA WW&S OO URURADA WADDANIGA AH UGU BAAQAY IN AY KU DAYDAAN URURKA GAAROODI
Hargaysa, Maarj-28-03-2019-(Hubaal)- Af-hayeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md. Cabdilaahi Ibraahim X. Xasan ayaa ugu baaqay ururada waddaniga ah ee ka jira Somaliland, in ay ku daydaan ururka waddaniga ah ee gaaroodi. sidaa waxa uu ka sheegay mar uu ka hadlayey munaasibad wasaaradda waxbarashadu kula wareegaysay masuuliyada dugsi hoose dhexe ah oo ku yaala deegaanka bali Ismaaciil Yoonis oo ka tirsan degmada Sabowanaag.