Hargeysa [Hubaal]-Dhawaan waxaa magaalada Buuhoodle lagu caleemo-saaray Garaad Cabdirisaaq Garaad soofe oo kamida Garaadad beesha Dhulbahante waxaana munaasibadii caleemosaarkiisa ka soo qaybagalay wufuuf kaladuwan oo ka kala socotay maamulada Somaliland iyo Puntland waxaanay dhinaca Somaliland waftigii ka qaybgalay hogaaminayay Gudoome ku xi geenka 1aad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Cabde waxaana xubnaha waftigaasi kamid ahaa Waiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Xaglotoosiye,wasiirka hawlaha guud iyo guriyeynta Cabdirisaaq Khaliif,waiir ku xigeenka warfaafinta iyo wacyigelinta Cabdiwaaxid iyo oday dhaqameed kale oo kafarabaddan.
Hadaba masuuliyiintii waftiga Somaliland uga qaybgalay xafladaasi ayaa la sheegay inay ku kala qaybsameen qaabkii ay uga hadli lahaayeen munaasibadaasi kadib markii ay daadihiya yaashii xafladaasi wajahadda hore ee loogu tago galay inuu isa soo taago qofka hudbaynayaa lagu dhajiyey calan wayn oo lagu muujiyey Calanka xigta 4 ta geesleh ee Somaliya ee Buluuga ah sidaa darteed-na ay xubnihii hogaaminayay waftiga Somaliland isla qaateen inaysan isa soo taagin masraxa lagu dhajiyey calanka Buluuuga ah ee Somaliya taasoo ay u argayeen hadii ay isaga oo daba taagaan Calanka Somaliya inay taa macnaheedu noqonayso inaysan waxba ugu kaladuwanayn Calanka Somaliya iyo calanka Somaliland sidaa darteed waftigii Somaliland waxay isla qaateen inaysan waxba ka soo jeedinin khudbadihii madashaasi calanka lagu dhajiyey darteed.
Hasa yeeshee markii ay sidaa isla qaateen xubnihii Somaliland uga qaybgalayey xafladda caleemo-saarka Garaadka islana qaateen inay iskaga soo wada baxaan xafladda maadaama aanay qorshaha ugu jirin inay wakhtigan xaadirka ah is hor qotomiyaan Calanka Buluuga ah ee Somaweyn waxay xubnihii waftigaasi go’aansadeen inay ka soo baxaan xafladda iyada oo aanay cilad kalejirin oo aan ka ahayn inay diidanaayeen in lagu sawiro Calanka Somaliweyn hasa yeeshee wararku waxay sheegayaan inuu waftigaasi Somaliland madashii kagaga hadhay wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye kaasoo markii hore la qaatay xubnaha Somaliland ka socday inaanay masraxa ka khubnaynayn inta uu ku dhaganyahay calanka Somaweyn ee Buluuga ahi.
Waxaanu Mr Xaglo Toosiye ku khilaafay waftigii Somaliland ka socday balankoodii ahaa inay madasha kaso baxaan hadii ay joogaana aanay ka hadlin munaasibadaasi waxaanu Mr Xaglo-toosiye halkaa ka jeediyey khudbad dheer isaga oo aan waxba ka soo qaadin inuu is hordhigay Calanka Buulga ah ee Somaliweyn oo lagu buufiyey wajahada hore ee loogu talo galay inuu isa soo taago qofka hudbaynayaa ama xafladaasi ka hadlayaa.
Waxaanay warbaahinta kaladuwani soo bandhigeen Wasiirka Caafimaadka Somaliland Mr Xaglo-toosiye oo xaga dambe ka taagan astaanta calanka Buluuga ah ee Somaliweyn waxaanay dadka arimaha Somaliland falan qeeyaa leeyihiin wasiirku waxa uu jabiyey siyaasadii Somaliland-nimada maadaama uu khilaafay xubnihii kale ee waftigii uu kamid ahaa ee Somaliland taasoo muujinaysa inuu markii hore la qaatay inay arintaasi dhaawacayso Madaxbanaanida Somaliland hasayeeshee uu markii dabe go’aansday inuu isdaba taago Calanka Buluuga ah ee Somaliweyn taasoo waftigii kale ee la socday ay khudbadahoodii ay madashaa ka jeedin lahaayeen uga gaabsadeen inaan lagu sawirin calanka Buluuga ah ee xidigta 4 gees ku leh daba taagan maadaama ay Somaliland isu aqoonsan tahay Dawlad ka madax banaan Somaliya inteeda kale.
Hasayeeshee Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye ayaan ay kala cadayn inuu sidaa u yeelay inay munaasibadaasi ka madax banaanayd wax la yidhaado siyaadad-ba sidaa darteed aanay jirin cilad keenaysa inuu dhibaato u arko inuu sdabataago Calanka Buluuga ah ee Somaliweyn madashuna ay ahayd uun madal dhaqameed lagu caleemo saarayey Oday Somaliyeed.Saleebaan Ciise Xaglotoosiye waxa uu ahaa horjoogihii kooxdii Somaliland ka soo horjeeday ee la baxday khaatumo kahor intii aanu heshiiska la qaadanin Madaxweyne Axmed Siilaanyo markii ay sanado ka hor ku kulmeen dalka isku tagga Imaaraadka Carabta halkaasoo ay ka dhalatay inuu wasiir ka noqdo Somaliland.
dhanka kale wararku waxay intaa ku darayaan inay jiraan ciidamo gaadhaya ilaa 200 oo Gobalka Buuhoodle jooga oo ku magacaaban inay yihiin Somaliland ciidamo hoosyimaada hasa yeeshee la shaagayo inaanay ciidamadaasi ahayn ilaa hadda waxjira lagana waayey hal -askari oo kaliya oo ciidan u ah Somaliland taasoo la sheegayo inuu isagu coodsaday in loo qoro ciidamadaasi maadaama uu qaatay mabda-ahaan inuu taageero Somaliland taasoo ay dadkii halkaa dhaawaan u tagay caleemo ka qaybgalka xafladii caleemo-saarka Garaadku indhaha kudhufan waayeen wax ciidamo Somaliland oo leh astaamaha Somaliland oo lagu waday in lagu arko munaasibadda xafladaasi sida ay uga dhex muuqdeen kuwii dhigooda ahaa ee ka socday Puntland ee uu watay Madaxweyne ku xigeenka Cabdixakiim Xaaji Cumar Camay oo la arkayey iyaga oo ku lebisan astaanka ciidan ee Puntland.
dhanka kale waxaanu isku daynay inaanu arintaa wax ka waydiino wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Xaglotoosiye hasa yeeshee way noo suurto galiwayday inaany khadka ku helo.
xigasho:Baadiye.com