Somalia (Hubaal) Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta la filayaa in loo qeybiyo warqad uu xalay u gudbiyay Gudoonka Baarlamaanka, taasoo uu ku dalbanayo in muddo 14 cisho la siiyo, si uu is bedel ugu soo sameeyo Xukuumadii uu dhowaan soo magacaabay.
Sida ay sheegayaan warar ay heshay Jowhar.com warqada Ra’iisul Wasaaraha ayaa laga hor-aqrin doonaa Xildhibaanada, waxaana meesha ka bixi doonta ansixintii maanta loo balansanaa ee cod u qaadista Xukuumada, kadib markii maalintii Khamiistii ay Xildhibaanada diideen codsi ka yimid Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa in 22-ka bishan dib loogu dhigo.
Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xogheynada Baarlamaanka ayaa sheegay in kulanka maanta uu yahay in Ra’iisul Wasaaraha soo bandhigi doono is bedel ku timid Xukuumada, taasoo ah in la kala diray Xukuumadii uu todobaadkii hore soo magacaabay “Kulanka Baarlamaanka waa jiraa, sida horay loo qorsheeyay, Ra’iisul Wasaaraha waxaa laga sugayaa inuu soo bandhigo is bedel la filayo in Xukuumada ku timid, waxaa sugeynaa inuu yimaado ama qoraalka la sheegayo in laga hor aqriyo Baarlamaanka”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar oo saakay la hadlay warbaahinta.
Wararka ku saabsan in Ra’iisul Wasaaruhu ku laabanayo Xukuumadii uu soo dhisay ayaa ahaa mid aad u soo xoogeysanayay, si uu meesha uga saaro xubnaha la diidanaa iyo mucaaradadii ku hor-gudbanaa ansixinta Xukuumada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka, kuwaasoo isla gartay soo jeedinta Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in la kala diro Xukuumada, si is bedel loogu sameeyo xubnaha Wasiirada ah.
Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in Madaxweynuhu arrintan uu qaatay, isla markaana isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha ay isla og yihiin in dib loogu laabto Xukuumadii la soo dhisay 12-kii bishan.
Arrintan ayaa ka dambeysay markii Ra’iisul Wasaaruhu uu mucaarado xoogan kala kulmay Xildhibaanada Baarlamaanka, kuwaasoo durbaba ka soo horjeestay Xukuumadii uu soo magacaabay, waxaana loo arkaa tallaabada uu qaatay mid uu ku baajinayo in bilowga hore ee Xukuumadiisa cusub ay weyso codka kalsoonida, taasna ay noqoto culeys siyaasadeed uu kula kow-sado barnaamijkiisa Xukuumada.
Waa markii u horeysay ee la sheego in dib loogu noqonayo Xukuumad la soo magacaabay inta aan la horkeenin Baarlamaanka, waana arrin ku cusub saaxada siyaasada Soomaaliya.
xigasho:Baadiye.com