Toorno Casriya Oo Lagu Farsamaynayo Biraha Gaadiidka Kala Duwan Oo Hore Aan Dalka Uga Jirin‏ Oo Laga Furay Magaaladda hargeysa

0
224

Hargeysa (Hubaal) Shirkadda Toornada ee MUBAARAK, ayaa Magaalada Hargeysa ka hirgelisay adeeg cusub oo casriya, kaasi oo lagaga maar mayo adeegyo loo doonan jiray dalka dibaddiisa isla-markaana wakhti dheer qaadan jiray.

Qalabkan ayaa loogu talo-galay Saldaranaha, Haydhka iyo noocyada kala duwan ee  biraha gaadiidka, waxaana qalabkan casriga ah ku shaqeynaya khuburo Ajaanib  badan oo loogu talo-galay inay u adeegaan dadweynaha gaadiidleyda ah ee reer Somaliland.

TOORNOMulkiilaha shirkadda Toornada ee MUBAARAK, Ismaaciil Cabdi Gaamilo, ayaa faahfaahin ka bixiyey noocyada qalabka shirkaddiisu soo kordhisay “Qalabkani wuxuu qorayaa nooc kasta oo bir ah, waxaan ka dhigayaa hadba inta la doonayo in laga dhigayo, ha weynaado ama ha yaraado” ayuu yidhi, waxaan intaasi ku daray “Waxaana lagaga maar-mayaa meelihii kale ee loo tagi jiray, shaqadiisuna waa casri, waxaana ka shaqeynaya rag kh, buro ah, markaa waxay inoo soo kordhineysaa deg-deg iyo baahidii loo qabey oo yaraata, markaa waxaanu rejaynaynaa inaanu shaqo badan  qabanno waddanka, wax badanna ku soo kordhinno, waayo lacag badan ayaanu gelinay, rag khibrad lehna dibadda ayaan uga keenay”

Mr. Gaamilo, waxa kale oo uu sheegay “Dadweynaha waxaanu ku soo dhaweynaynaa gacmo furan, waxaanuna ballan-qaadeynaa in hawshooda di deg-deg ah loog qabto”ayuu yidhi.

Xarunta shirkadda Toornada ee MUBAARAK, ayaa waxa ka shaqeeya dad badan oo hore aan shaqooyin u haynin, laakiin imika fursado shaqo ka helay. Halka kuwo kalena ay ka heleen

Halkan Hoose Ka Daawo Mulkiilaha Shirkaddan Oo Ka Waramaya Waxyaabaha Ay Qabanayso Toornadani

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here