Mar aan weydiiyay heesta uu heesihiisa ugu jecel yahay, wuxu iigu jawaabay:
“Heesahayga hadba heestii iigu danbaysa ayaan ugu jecelahay, sida hadba carruurta ka uugu dambeeya loo jecel yahay.”
Maxamed Axmed Kuluc, 11/12/2005tii, Hargeysa
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Hargeysa, 19/1/2015ka,
Qormada: 2aad
Waa Qormadii 2aad ee taxanihii aynu kaga sheekaynaynay taariikh-nololeedkii iyo sooyaalkii faneed ee Maxamed Axmed Kuluc. Aan hakad yar gelinno oo cabbaar is-dul-taagno aaskii maanta loogu sameeyay Hargeysa.
Salaaddii duhur ayaa meydka lagu tukaday Masjidka Tabliiqiyiinta ee ku yaalla Bariga Hargeysa. Xabaasha waxa laga qoday qubuuraha Naaso-hablood u xiga. Hayiin iyo dayiin Hargeysa mudankeedii halkaas ayuu maanta ku sugnaa iyaga oo sii gelbinayay shakhsiyad siyaabo badan dalkan iyo dadkan ugu soo halgamay.
Tiro iyo cadad ma ay lahayn baabuurta meesha maraysay iyo dadka saarnaa. Nuur iyo Naalleye looma kala hadhin, usha circa loo tuuraana dhulka kuma ay dhacayn. Xusuus badan ayuu aaskani igu lahaa. Mar waxaan xusuusanayay aaskii Muuse Galaal ee Muqdisho iyo siddetanaadkii. Waxa kale oo aan soo xusuustay Macallin Gaarriye. Waxa igu soo dhacay odhaahdiisii ma-hadhada reebtay ee Aroos-qaran iyo Aas-qaran. In aas-qaran loo sameeyo wuxu ka jeclaa in isaga oo nool aroos-qaran loo sameeyo, sidaana waa kii maansada ku tiriyay ee lahaa:
“Horto dhimo af maahee,
Ifkaan kaaga baahnahay,
Wax yar oo aqoonsiya,
Oo weliba eegay,
Aan aad u buurnayn,
Oo igu amaahoo,
Akowntkayga laga jaro,
Ayaantaan xabaal galo”
Maxamed Xaashi Dhamac wuxu halhays u lahaa: “Aasi-og.” Waa marka uu sifaynayo tilmaamaha ma-guuraanka ah ee mujtamacan aynu ka tirsan nahay. Maxamed Axmed Kuluc maalmihii ugu dambeeyay oo dhan waa uu xanuunsanayay oo marna Cisbitaalka Guud, marna guriga walaashii Caasha ayuu yaallay isga oo lala dabo-joogay ‘Oxygen’. Maalmahaa noloshiisa ugu dambeeyay dadkan badan ee aaskiisa ka soo qayb-galay ma ay joogin. Waxay ila tahay in aynu joogno waqtigii iyo xilligii aynu dhaqankaa taban ee inala hadhay aynu iska deyn lahayn. Ilaahay ha ina soo hadeeyo, idinkuna aammiinta igu daray. Ilaahayna ha inaga aqbalo.
Ku soo noqo taariikh-nololeedkii iyo taariikh-faneedkii Maxamed Axmed Kuluc oo maanta lagu aasay magaalada Hargeysa.
Maxamed Axmed Kuluc, fanka wuxu ku bilaabay heesaa ku caan-baxay codadkii qaraamka. Waa beryihii la odhan jiray: “Qaraamka in ay ku qiirooto, an qaado qasiidadeedii.” Cabdillaahi Qarshena waxa laga hayaa: “Naftaydana hoo naftaadana keen, ha la isku tumee tib ii keen.” Dhaantadan cusub ee Galbeedka ka curatay oo ay Balwadii iyo Heellooyinkuba ka soo jeedaan ayuu Budulna yidhaahdaa: “Naf iyo nafteed ma noqonnaa.”
Maxamed Axmed Kuluc, wuxu ku soo caan-baxay Heellooyin badan oo Qaraamigii ahaa. Heellooyinka sida aadka ah loogu majeerto ee aan ilaa maantadaa la joogo aan ka tirmin xiska iyo xusuusta dadka waxa ka mid ah: Raaxeeye, Ciil, Carwo, Laac iyo qaar kale oo badan. Codka Raaxeeyaha Burcaawiga ah ee ay sida xarragada leh ugu luuqayso uguna leexaysato Faadumo Cabdillaahi Maandeeq, waxa iska lahaa Maxamed Axmed.
Maxamed Axmed Kuluc wuxu ii sheegay in uu laxanka Heelladan iska lahaa Halac oo ka tirsanaan jiray kal-kaaliyayaashii ka shaqayn jiray Cisbitaalka Guud. Heellooyinka ama Qaraamiga hadba midhihii la doono ayaa la gashadaa. Qaraamba haddaad maqasho, buyuuddu waa Dhaanto oo waa isku wada mid, laakiin codadka ayaa kala duwan. Taa macaheedu waxa weeyaan sirta Qaraamku in ay halkaas ku jirto oo ah: In aad beyd Qaraamka ah aad ku wada qaadi karto laxannada ama codadka Qaraamka oo dhan.
Maxamed Axmed Kuluc, wuxu aamminsanaa in ay Heellooyinka markii hore midhaha oo kala qaafiyad ah la qalin-daraalayn jiray, bal se beryihii dambe hal-abuur keliya oo xaraf keliya raacaya midhaha curin jiray, Arrintan waxaad ka dheehan karaysaa Heellooyinka Qaraamiga ah oo qaarkood waa sidaa uu Maxamed Axmed sheegay oo waa qalin-daraale qaarna waxa sameeyay hal-abuur qudh ah, waxaanay ku socotaa xaraf-raac keliya.
Sidii aan hore idiin ku soo sheegay, Maxamed Axmed waxaan gurigayga Hargeysa la fadhiistay 11/12/2005tii, inta badan qormooyinkan aan idiin soo qorayana waxaan raad-raac iyo tix-raacba uga dhiganayaa wixii maalintaa aan ka qoray oo ku keydsanaa ‘computer-ka’.
Maxamed Axmed, waxyaabihii badnaa ee uu maalintaa iiga sheekeeyay, waxa ka mid ahaa taariikhdii Riwaayadaha oo uu goob-joog ka ahaa sidii ay u curteen iyo waayihii ay ku curteenba.
Maalintaa, maalmaha ka tilmaannayd wuxu ii sheegay in Riwaayaddii ugu horreysay ee la dhigaa ay ahayd ama magaceedu ahaa: “Inanta Majeerteen.”Riwaayaddaa ugu horreysay waxa iska lahaa Cabdillaahi Qarshe. Waxay ka sheekaynaysay wiil reer Somaliland ah oo ay is-jeclaanayaan gabadh reer Boosaaso ah. Intii aanay heshiin ayaa la bixiyay Hawd iyo “Reserve”-kii. Waxay ahayd 1954kii. Heesihii ku jiray ee Maxamed Axmed Kuluc, qaadayay waxa ka mid ahaa:
“Intay adigiyo arliga tahay,
Asaanay laabi laba ahaanayn,”
Waxa Riwaayaddaa ku xigay: Cartan iyo Ceebla’ iyo Isa-seeg oo 1956kii ahaa oo uu iska lahaa curintooda Xuseen Aw Faarax Dubbad. 1956kii markii ay Riwaayadahaa Isa-seeg iyo Cantar iyo Cabla’ Jabuuti geeyeen, waxa ka soo raacay laba hablood oo reer Jabuuti ahaa oo mid la odhan jiray Sacaada bal se heesihii la qabsan kari waayay.
Maxamed Axmed kuluc, wuxu maalintaa ku hakaday Riwaayadihii ugu horreeyay Cali Sugulle Dun-carbeed oo qudhiisu saamayn la yaab leh ku lahaa guud ahaanba fanka Soomaaliyeed, waxaanu ku sheegay Riwaayadahaas:
- Yarad baaqsay: 1961kii,
- Himiladeenna: 1961kii,
- Indho-sarcaad: 1963kii, waxaanay ku saabsanayd khiyaamdii lagu wareejiyay NFDii oo ka mid ahayd shantii Soomaaliyeed ee la isku dari jiray, waxaana xiddigo ka ahaa: Kuluc iyo Caneb Aadan oo aan fanka ku raagin oo xaasowday bal se kaalin la yaab leh ka qaadatay,
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)