Siilaanyo Oo Shan Sanadood Ka Dib Ku Soo Laabtay Degmo Dugsiyadii Caruurtu Qarkood Xidhanyihiin,Dadka Iyo Dugaaguna Meel Ka Wada Cabaan

0
39

Sabawanaag,(Hubaal)- Madaxweyne Siilaanyo ayaa maanta shan sanadood ka dib dib ugu soo laabatay degmada Sabwanaag oo la daalaa dhacysa biyo la’aan iyo mid waxbarasho iyo mid caafimaad-ba.

Madaxweynaha Ayaa Maanta Halkaasi Loogu Sameeyay Qado Sharaf, Waxaana Uu Xadhiga Ka Jaray Aqal Laba Sanadood Ka Hor La Dhisay Oo Loogu Talo Galay Martida Oo Ka Kooban Saddex Qol oo Jiif Ah.

SabawanaagIskuul4-300x187 SabawanaagIskuul2-300x189Dadka degan degmada Sabo-wanaag ayaan soo dhawaynta madaxweynaha ka qayb qaadanin iyada oo dadkii soo dhaweynayay madaxweynaha laga soo guray Bariga Hargeysa iyo xaafadda Qudhac-dheer oo ilaa shalay lagu soo daabulayay halkaasi, waxana ilaa maalintii doraad dhibi ka taagneyd dadka deegaanka oo sheegay in ay madaxweynaha u diyaarinayaan mudaharaad ay ka hor dhigaan weftiga madaxweynaha eek u soo fool-lahaa degmadaas oo sababtuna tahay iskuuladii uu madaxweyne Siilaanyo ugu yimid iyaga oo shaqynaaya in ay ilaa hada xidhan yihiin sidoo kalena ay xukumadiisu ku guuldaraysatay in ay hal Riig oo biyo nadiif ah ka hirgaliso degmada xaga uu madaxweynahu uu deegaano kale oo gobolka iyo ka uu ka soo jeedaba riigag ka qoday.

sabowanaag sabowanaag1Waxa ay dadka deegaanku ku tilmaameen aqalka saddexda qol ee jiifka ah ee degmada looga hirgaliyay mid lagu qarinayo oo daaha lagu saarayo baahiyaha aas-aasiga ah ee ka jira degmada Saba-wanaag oo ay ugu horayso biyo la’aan ay dadka degmadaasi sheegeen in dadka iyo dugaagu ka wada cabaan baliyada ku yaala degmadaas

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here