Hargeysa (Hubaal)- Xubno ka mid ah madax-dhaqameedka degaannada Saaxil ilaa Gabiley (Subeer Awal), ayaa koox dhallinyaro ah oo ka soo horjeeda barnaamijka weji-ku-macaash gacanta ula tageen, kadib markii ay ka cadhoodeen qorshe abaabulan oo ay doonayeen inay ku taageeraan go’aankii Guurtidu ka soo saartay khilaafkii KULMIYE iyo murrashaxnimada Madaxweyne Siilaanyo.
Odayaal isugu jiray salaadiin iyo cuqaal tiradoodu ahayd ilaa tobaneeyo xubnood, kuwaas oo damacsanaa inay shir jaraa’id ku qabtaan huteelka Maansoor maanta si ay taageero ugu muujiyaan murrashnimada Madaxweyne Siilaanyo iyo go’aankii Golaha Guurtidu ka soo saartay khilaafkii xisbiga KULMIYE.
Haseyeeshee, koox dhallinyaro ka mid ah beesha salaadiinta oo ka soo horjeeday ujeeddada madaxdhaqameedku wateen, ayaa iska hortaagay inay la hadlaan warbaahinta, iyagoo waxyar ka hor waqtigii shirka jaraa’id bilaabmi lahaa ka dalbaday in aanay qaban karin shirkooda ee ay joojiyaan, maadaama aanay go’aankooda ku metelin beesha.
Dalabkaasi ayaa inta badan salaadiintu u hoggaansameen, kana dareereen hoolkii ay islahaayeen shirka jaraa’id ku qabta, balse doodo iyo hadallo barxadda huteelka ku dhexmaray dhallinyarada iyo xubno salaadiinta ka mid ah ayaa keenay in gacanta la isula tago, halkaasna cumaamihii lagaga qaado salaadiinta badhkood.
Xiisadda ayaa markii dambe degtay, kadib markii dhallinyaradaasi lagu qanciyey in aanay madaxdhaqameedku wax hadal ah madasha ka jeedin doonin, isla markaanna halkaas lagu fasaxay suxufiyiintii warka doonayey.
Dhinaca kale, kulamo iyo is-urursi kale kadib ayaa tiro kooban oo madaxdhaqameedkaasi ahi la hadleen warbaahinta dawladdu maamusho maanta gelinkii dambe, halkaas oo ay ka sheegeen inay beel ahaan soo dhawaynayaan go’aankii ay Golaha Guurtidu ka gaadheen xallinta khilaafkii xisbiga KULMIYE iyo sidoo kale aqbalaadii go’aankaasi ee madaxweynaha iyo guddoomiyaha xisbiga.
Salaadiinta hadlay oo kala ahaa; Suldaan Xuseen Ismaaciil Geelle, Suldaan Axmed Cabdillaahi Samaale, Suldaan Xuseen Aw Muuse Cirday, Suldaan Maxamed Daahir Cilmi iyo Suldaan Axmed Cabdillaahi Dawaale, kuwaas oo sheegay in ay soo dhawaynayaan go’aankii Golaha Guurtidu ka gaadheen xallinta khilaafkii KULMIYE iyo inay taageersan yihiin murrashaxnimada Madaxweyne Siilaanyo.