Hargeysa (Hubaal):- Ciidanka la-dagaallanka Argaggixisada ee Somaliland ee RRU-da loo yaqaan oo ka tirsan Booliska, ayaa Xabsiga u taxaabay Xisaabiyihii xarunta Hargeysa ee Xawaaladda Juba Express Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo ay xalay gurigiisa kala baxeen, isla markaana waxay maanta muddo saacad iyo dheeraad ah xidheen xarunta Juba ee Caasimadda Hargeysa oo ay baadhitaan ku sameeyeen iyaga oo isana dabada ka wada, sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen Masuuliyiinta Shirkaddaaasi.
Xubno ka tirsan Masuuliyiinta Xawaaladda Juba Express xarunteeda Hargeysa, waxay Ciidammadu Xisaabiyaha Xawaaladda Juba Express oo ku yaallay magaalada Hargeysa, waxaanay iyaga oo wada Xisaabiyaha ay barqadii maanta yimaaddeen Xarunta dhexe ee Xawaaladda Juba ku leedahay badhtamaha Suuqa magaalada Hargeysa, gaar ahaan Dhismaha Jirde Xuseen.
HALKAN Guji Si aad Uga Bogato Warbixin ku Suntan Sababta RRU-du u gashay XAfiiska Xawaaladda JUBBA ee Caasimadda Hargeysa