DADKA INTA XUN INAGAA BEERANA OO HADANA BERITO KA OOYNA. Qalinkii Aden Deeq

0
50

KULMIYE maanta waynu wada arkayna oo wataa sidii loo kala jeclaa maanta HAL HAL looga daadanaayo.

Indho la’aantii lagu taageeray KULMIYE ayaa maanta dhashay qoomamo ku qotonta fiiro xumi, ka timi siyaasiyiin xun, OO waatuu HADRAAWI hore u yidhi ” Marka wiil ku guro Naarta iyo, godadka Yaahuuda

Aaden-deeq

Ayay kii Jannada geyn lahaa, dayasho goobtaaye

Marka uu galaa buu iyaga, guba yidhaahdaaye

Markay raar guraysaba nin bay, gudub tidhaahdaaye

Gabno ugubi way quusisaa, gaawe Cumarowe

Garab-daar ninkii lagu bokhraa, geedad sare waabye

Gar-ma-qaatayaashiyo dadkaa beera, ruux gudhane

Ganbo nimaan la soo bixin haddii, guulo lagu waabo

Markuu dhaawac geystaba haddii, loo gargarateeyo

Isagoo canaan lagu gudbiyo, gaarran filanaaya

Giblo iyo haddii sacabbo lulan, loogu gogol-xaadho

Keligii inuu guurti yahay, maalintaa gunudye”

Waxaa tixdaas koobsatay xaalada maanta taagan iyo jaha wareerka haysta siyaasiyiin teeni oo runtii markaad eegto mid walba aad nacayso, sababtuna aay tahay qorshe xumidooda iyo maalinba dhan u yaacooda, xil jacayl kooda, maalinka xilka laga wareejiyona degdeg u mucaarid kooda, dhaliil iyo xukumad dhaleecayn degdeg ula soo boodkooda.

Intaaso tilmaamo ah waxaa ku caan ah siyaasiyiin teena iyo haldoorka kuwa aaynu u naqaan oo runtii maanta hadii aynu is waydiino hal su’aal oo kaliya, midhaas oo ah; Maxaay siyaasiyiin teenu JIILKAN maanta dhaxal uga tagayaan? Jawaab teedu ma adka oo aad bay u fududahay oo waxa weeye ” XIN, Xasad, Faji iyo Hunguri” intuba waa dhaqanka maanta aay leeyihiin siyaasiyiin teenu iyo hab dhaqan kooda, dhaxalkay JIILKAN uga tegeyaana waa kaas. Markaad eegto umada waxaad arkeysaa in aanay jihaba haysan waayo kii shalay wasiirka ahaa ee xukumada ahaa EE intaa magaceeda ku hadlayay EE dhalilaheeda daboolaayay ayaa marka xilka laga qaado odhanaya, dawladu sidan bay ahayd oo waay xuntey. Saad arkeysaa umadii oo warkiisa xiisayneysa oo qaarkood odhanayaan run buu sheegay. Halkay runtu joogta, hadii run jirto waxaynu arki lahayn wasiir is casila isagoon xilka laga qaadin oo waliba sababeeya waxa ku kalifay inuu is casilo, taasina wali kama dhicin SOMALILAND.

Saxaafada ayaa iyana laba garab ah garab xukumada u daloola iyo garab shaqadooda wata. Saxaafada u janjeedha xukumada ayaa malinka jalka laga jaro laga fadhiyi waaya oo wax kale dhaafo umadii arkeysay markii hore in aay halka jeebka warkoodu ahaa hadana ku odhanayaan XAQ DARAa lagu xidhay iyo freedom of expression ma jiro. Dalka noocaasi ah EE dadkiisa xun umadu taagerto ayaynu ku noolnahay ee inta ugu afka xun uguna xishoodka darayd maanta xilalka hayaan kuna heleen Marwadii qaranka caydeeda.

Hadalkayga waxaan kusoo koobayaa dadka inta xun inagaa beerana oo hadana berito ka ooyna oon marnaba garan waxa inoo DAN ah umad ahaan, laakiin mar walba nin dantii uun ku daala inagoon marnaba wax ka dheefayn.

 

ADEN DEEQ

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here