Baroor-diiqda Ruugcadaa Ka Baxay Bahda Qalinka Iyo Warbaahinta Somaliland

0
46

Hargaysa (Hubaal) – Alle ha u naxariistee waxaa magaalada Hargeya ku geeriyooday Maxamed Maxamuud Kastam oo ka mid ahaa suxufiyiinta ruug caddaaga ah ee dhidibadda u taagay warbaahinta Somaliland isla markaana ka mid ahaa qorayaasha waaweyn reer Somaliland.
Alle ha u naxariistee MM Kastam waxa uu ka soo shaqeeyay warbaahin kala duwan, isagoo ka mid ahaa hawlwaddeennadii aas-aasay saxaafadda Somaliland, gaar ahaan Wargeysyadii bilowga ahaa. Waxaana uu markii danbe ka mid noqday qorayaasha Wargeyska Jamhuuriya iyo Maandeeq waxa kale oo uu wax badan ku soo kordhiyay Telefiishanadda, SLSC, HCTV oo uu ka soo noqday madaxa barnaamijyada.
Marxuum-kastamKastam Imikana waxa uu ka mid ahaa La-taliyayaasha sar sare ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, gaar ahaan Telefiishanka Qaranka.
Alle ha u naxariistee MM Kastam waxa uu ahaa qoraa iyo suxufi xigmad badan oo soo saaray buugaag sheekooyin u badan oo bulshadu aad u xiisayso kuwaasoo ay ka mid ahaayeen KA FOG SIYAASADDA,BUSTAANKA XIGMADDA iyo qaar kale oo badan, ILLAAHAY ha u naxariisto Maxamed Maxamuud Kastam ehelka,qaraabada ,asxaabta iyo bahda saxaafadda iyo qorayaasha reer Somaliland ee uu ka baxayna Illaahay Samir iyo iimaan ha kal siiyo.
Dabeecadii iyo Noloshii Marxuunka ka baxay Bah’da Qallinlayda iyo Warbaahinta Somaliland.
Marxuun Kastam ayaa ahaa Saxafi iyo qoraa aan Qalinkiisa quud ku raadsan jirin cid gaarana uguma qabbaani jirin. wuxu ahaa saxafi ummadeed oo samaanta iyo anshaxa suubban dadka ku wacyi geliya.
qoraalka iyo saxaafada kumuu urursan maal, kumuu doonan mansab, magaciisana kamuu qaadin isla weyni iyo qab,qofka ugu hooseeya iyo qofka ugu sarreeya nin si isku mid ah u wada tixgeliya oo aanay ku beerayn u habrashada derejada iyo ka han-weynida danyaraha ayuu ahaa.
Wuxu ahaa saxafi waayo og ummadiisa, ku werwer toosintooda, waqtigiisiina u huray waaninta faca soo koraya,Nin alla ka cabsi badan oo salaad xaafida, af-gaaban oo aan cidna eed ka gelin ayuu ahaa. shaqsi dad jecel, kal xaadhan, isla markaana kalsooni badan ku qaba naftiisa ayuu ahaa, qof kasta oo uu arko wuxu ula talin jiray sidii oo uu dhalay.
Bah’da HUBAALayaa Tacsi Tiiraanyo leh u diraya Qoyskii,Asxaabtii iyo Guud ahaan Saxaafada Somaliland ee uu ka Baxay naxariistiisii Janno alle ha ugu deeqee MM Kastam.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here