Shirkii Urur Goboleedka IGAAD Uga Socday Muqdisho Oo Lasoo Gaba Gabeeyay Iyo Qodobadda Ka Soo Baxay.

0
19

Muqdisho(Hubaal) – Shirkii wasiiradda arrimaha  debadda IGAD oo saaka ka furmay Muqdisho ayaa lasoo gaba-gabeeyay goor dhawayd, kaas oo muddo saacado ah ka socday Hoteelka SYL oo ku dhaw xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid ayaa shirka soo xidhay, isagoo ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay muhiimada shirkan uu Soomaaliya iyo dalalka Bariga Afrika u leeyahay, isagoo ku tilmaamay inuu yahay mid ay soo dhaweynayaan oo ah mid taariikhi ah.

igadSharma’arke ayaa si gaar ah uga mahad-celiyay ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay inay si wanaagsan u sugeen amniga intii uu socday shirka, wuxuuna caddeeyay in dawladda Soomaaliya ay xoogga saari doonto xoojinna doonto amniga iyo hirgelinta nidaamka federaalka.

Wasiirrada IGAD iyo xubihii kale ee ka qaybgalay oo iyaguna hadlay ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid taariikhi ah oo Muqdisho lagu qabto tan iyo sannadkii 1985-kii, iyagoo sheegay in Soomaaliya ay kaalinteedii hore dib ula soo laabatay.

Dhanka kale, war-murtiyeedka shirka kasoo baxay oo labaatameeyo qodoob ka kooban ayaa intiisa badan ku saabsan horumarada ay Somalia gaadhay, sida maamullada gobollada oo qaarkood la dhisay, amniga, qorshayaasha soo socda ee ay ka mid yihiin doorashooyin dhaca 2016-ka iyo dib u habeyn lagu sameynayo dastuurka.

Ugu dambeyn, wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Tedros Adhanom oo ah guddoomiyaha golaha wasiirrada IGAD ayaa xidhaankii shirka ka akhriyay war-murtiyeedkii laga soo saaray, wuxuuna xusay in Somalia horumar ku tallaabsatay, isla markaana ay garab-taagan yihiin.

Wasiirrada arrimaha dibadda ururka IGAD ayaa lagu wadaa inay goor-dhow Muqdisho ka dhoofaan, iyadoo weli ay xiran yihiin waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

somalilandtoday

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here