“Hunguri Wax Ka Weyn La mariyaa Wuu Dilacaa,Raga Iibsanaya Wershadda Leydhka Waxaan Leeyahay Lacagtiina Ha Iskaga Khasaarinina Meel Cidla Ah”

0
33

Hargaysa(Hubaal) Keyse yuusuf oo Ka mid ahaa Masuuliyiintii sar-sare ee urur siyaasadeedkii Xaqsoor ayaa ka dareen celiyay Shirkada Leydha Ee Magaaladda Hargaysa oo Lagu wareejiyay Ganacsato.

waxa uu soo jeediyay Masuuliyiintaas iibsaday inaanay lacagtooda iskaga qasaarin Hanti umadda Somaliland oo dhan ka dhaxaysa waxaana uu bulshada ugu baaqay inay ka dareen celiyaan falkaas ay Xukuumaddu Ku wareejinayso wershadda korontada ee magaaladda Hargeysa

keyseKayse yuusuf ayaa waxa uu nasiib daro Soo wajahday ku tilmaamay In Xukuumaddu iibiso Hantidii umada,Waxaana uu sheegay in ay taagan tahay xiligay Ay shadaafaha laaban lahayd Xukuumadani.

Kayse yuusuf oo Ka mid ahaa Masuuliyiintii sarsare ee urur siyaasadeedkii Xaqsoor ayaa isaga oo arintani ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi.

“Waxaan Dadwaynaha uga Digayaa Ay arintani Khusayso inaanay Aqbalin in Shirkada Laydhka Lagu wareejiyo Gacan Shakhsi,waxaana Gacanta ka baxaya wixii umada ka dhaxaysay oo Hanti qaran Ahayd,Markaas Qofkii Lagu wareejiyaa Bulshada Dagta Xaafada Axmed Dhagax iyo 26juun Kama Aqbali Doonaan,Tana Maaha Hantidii ugu Horaysay ee ay Cuntay Xukuumadan Aan Moodayn In ay Bari Jiridoonto,Xukuumadani waa tii ugu Liidatay Dalka Somaliland soo marta.

kayse yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyay.”Xukuumadani Dalkii Waxa aty ka dhigtay Maamul Goboleed ka tirsan Dawlada somaliya,Markhaatiguna waa Badan yahay,waxaanan soo jeedin lahaa in ay umadu si Dhaw ula socoto Xukuumadan Aan cidna Dan Ka lahayn,Golayaashan Guurtida iyo wakiilada wax aamusiiyay waanu garan waynay shacabkuna waa inuu la xisaabtamaa Xukuumadan Hantidii Umada ku tarki fashay.

waxa uu sheegay kayse isaga oo hadalkiisa siiwata in masiirkii shacabka somaliland ee lama taabtaanka ahaa xukuumadan uu hogaaminayo madaxwayne siilaanyo siisatay shilimaan khiyaantayna sida uu cadeeyay Shacabkii Goostay dalka somaliland.

Xukuumada Waxa uu sheegay in Hantidii shacabka siday doonta ka yeelayso taas oo uu usoo jeediyay shacabku in ay Ka Gil-gishaan Arimaha Lidka ku ah ee ay Xukuumadu ku Carinayso “Warshada Xooga Koronta waa warshad soo jireen ah shacabka axmed dhagax aqbali maayo hantidii dadka ka dhaxaysay in dad gaar ah loo logo lanasiiyo Xukuumaduna cid ay Rabto kula Shuraakowdo,lama yeeli Doono”

Masuulkan oo ka hadlaya ganacsatada la sheegay inay xukuumaddu ku wareejinayso wershadda korontada magaaladda Hargeysa ayaa yidhi”Masuuliyiinta Iibsaday Shirkada laydhka ee Magaalada hargaysa waxaan u sheegayaa inay ka noqdaan arrintan kuna Noqdaan Ganacsigooda waxaanan idin leeyahay Hungri wixii lamirayaa wuu dilacaa.” Ayuu yidhi Keyse

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here