SHIRKA MAGAADO: – Waa Maxay Ujeeddada Shirka Mag-gaado,  Yaase Awood U Leh Agaasinka Qabashadiisa? W/Q:  Marwo Yurub Abiib Cabdi Oo Ka Mid ah Haweenkii Mujaahidiinta SNM

0
24

Waxaan Taageerayaa Maqaalkii uu Qoray Hassan Yusuf Faarax (Burhaan) ee uu ku lahaa (Shirka Magaado Cid aan Ayuub Sh.Isaxaaq aheyni Ma Qaban Karto).

Sida aynu ka warqabno waxa baryahan hadalhaynteedu inagu badatey Shirka Magaado ayaa la qabanayaa waxaana runtii aad aan ugu farxay sida wanaagsan ee Hassan Yusuf Faarax ugu macneeyay in aanay cid kale xaqa ugu laheyn in ay shir noocaas ah ay qabato waana sharci waanan ku raacsanahay haddii aan ahay Mujaahidiintii dalkan dhiigooda usoo shubay.

Waxa aad aan ula yaabanahay manta oo aynu marayno 23 sanadood oo aynu dawladnimo ku soo gaadhney in aynu dib ugu laabano Habar habartii laysku muquuninayey ee siyaasadeysneyd, waxaana dalkan lagu hagaamiyaa Sharci aynu dhiganay oo ah in Cod lagu kala guuleysto balse waxa manta ii muuqata in shirka Magaado ee la leeyahay waxa lagu qabanayaa Jiidali in ujeedadiisu tahay in Madaxweynaha dalka oo kazoo jeeda beesha walaaladeen ah ee Habarjeclo lagaga qaado kursiga Habar Magaado taasna ogolaan meyno cod xalaal ah ayaanu ku dooranay markii aanu dooranaynayna maynaan lahayn reer reer ee Somaliland-nimo ayeynu ku dooranay markaas anagu haddii aanu nahay Beesha Ayuub oo ah Curadkii Magaado ogolaanmeyno Shir Magaado oo Dalka khalkhal lagu galinayo.

yurub-FooreDalkan aynu joogno waxa usoo dhintey malaayuun Mujaahidiin ah oo aan laheyn Habar iyo Oday toona Mujaahidiintaas dhimatey balantii aynu u qaadney waxa ay aheyd in aynu guushii ay u shahiideen aynu ku maalno Nabad iyo Cadaalad waanan damqanayaa marka aan maqlo Shirka Magaado iyo SHirka Xabusho ma manta ayeynu labadaas kala noqoney dalka ma waxa la rabaa in la khayaameeyo mabda’ii aynu usoo halganey ee aynu Somaliland ku dhisney? Waa Maya Ninkii doonaya dalkan inuu Madaxweyne ka noqdow SIfaha sharciga ah ayaad ku noqoneysaaye soo tartan laakin magaado anagu cidna ku dooran meyno Xabushana ku dooran meyno ee Somaliland-nimo iyo Mujaahidnimo ayaanu ku dooranaynaa.

Haddaba aniga oo ah Mujaahidiintii dalka kana dhashey Curadkii Magaado waxaan si tos ah ugu raacsanahay beeshaydu halka ay ka taagan tahay Shirkaas Magaado ee la leeyahay waxa lagu qabanayaa Jiidali waana wax aaney xaq u laheyn kuwa leh waanu qabanaynaa cida xaqa ulihina waa beeshayda Ayuub Sheekh Isaxaaq umana baahnin manta Shir noocaas ah waayo dalkeenii ayaa nabad ah oo aynu ku maaleynaa Maandeeq markaa in look ala abtiriyo uma baahnin ee aynu gacmaha iswada qabsano xukuumadeenana yeynaa ka hor imanin haddii kale talaabada kaga haboon shirkaas ayey ka qaadi doontaa waana in laga waantoobaa.

Waxaan Xukuumada Somaliland u sheegayaa in Shirkaasi aanu aheyn SHir Magaado ay leedahay balse waa shir siyaasadeysan oo dano gaar ah laga leeyahay beeshayaduna ma ogolaaneyso in magaca noocas ah loogu  yeedho Habar Magaado maadaama ay beeshaydu xaq u leedahay go’aan ka gaadhida arrimaha Magaado.

Muj. Yurub Abiib Cabdi

Hargeysa, Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here