WAR Deg-deg Ah: Ilaalada Madaxweyne Geelle Ee Republican Guard-ka Loo Yaqaanno Oo Rasaas Is Weydaarsaday Xilli Uu Madaxweynuhu Ku Sugnaa Madaarka Jabbuuti+Korneyl Dhaawac Halis Ahi Soo Gaadhay

0
20

HUBAAL KA AKHRISO WAR Deg-deg Ah Oo Ku Saabsan Ilaalada Madaxweyne Geelle Ee Republican Guard-ka  Loo Yaqaanno Oo Rasaas Is Weydaarsaday Xilli Uu  Madaxweynuhu Ka Duulayay Madaarka Jabbuuti

Jabbuuti (Hubaal)- Illaalada madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geele ayaa maanta xili uu madaxweynuhu ka dhoofayay garoonka duyuuradaha Jabuuti isku rasaasadeeyay gudaha Garoonka.

ilaalada madaxweyne Geelle ayaa la sheegay in rasaasta ay isweydaarsadeen ay sababta dhaawaca saraakiil ka mida ilaalada madaxweynaha Jabuuti.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar ayaa xilga shaqaaqadu dhacday ka duulayay gegida duyuuradaha Jabuuti kiyoo ku sii jeeday shirka madaxda IGAD.

ilo wareedyo ku sugnaa gegida duyuuradaha xiliga rasaasta la isweydaarsaday ayaa xaqiijiyay in sarkaal sareoo ka tirsa ilaalada madaxweye Geele oo magaciisa la yiraahdo Col Idris uu dhaawac culus soo gaadhay.

ilaalada madaxweyne Geele ee Republican Guard ka loo yaqaano ayaa ah qaar si gaar ah ay madaxtooyada dalku noloshooda u kafaalo qaado.

Ilaalada madaxweyne Geele oo u badan qaraabadiisa ayaa markii u horeysay ay tahay isku dhacooda.

Waxaana la isla dhex marayaa in dagaalkan manta dhexmaray Republican Guards ku uu salka ku hayo gabaabsiga xukunka madaweyne Geele ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti.

GUJI HALKAN SI AAD U AKHRISATO WARKAN ILAALADA MADAXWEYNAHA

kkkk

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here