RADIO HUBAAL: Muran  U Dhexeeyay Xukuumadda Somaliland iyo Ciidammada Qaranka Oo Mar Kale Qarxay+ Wasiir Maxamuud Xaashi Oo   Markii U Horreysay Ka Hadlay Musuq Lagu Eedeeyey  

0
25

“Su’aasha Uu Inankaasi [Weriyuhu] I Weydiiyey, Guddida Golaha Wakiilladu Imay Weydiinin…Lacagta Wasaaraddu Qaaddo Ee Parking-kuna Waa Mid Sharci Ah Oo…”

Hargaysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,ayaa markii ugu horraysay ka hadlay muran dhul oo u dhexeeya Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka iyo Ciidanka Qaranka Somaliland oo ku muran san Xeryo Ciidanka Qaranku leeyihiin oo u dhaw madaarka Hargeysa oo la sheegay in xayn daab madaara loo samaynayaa uu ku beegmay isla markaana Wasaaradda Duulista iyo Ciidanka Qaranku isku khilaafeen qaabka loo xayn daabayo Madaarka Hargeysa.

Wasiirka Duulista iyo MadaarkaWasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi waxaa uu qiray in muran dhul u dhexeeyo Wasaaradiisa iyo Ciidanka Qaranka isla markaana ay arrintooda gacanta ku hayaan Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisu isla markaana la filayo in ay dhakhso u soo afmeeraan  muran dhuleedka xukuumadda dhexeeya.

Cusaame“Dawlad ahaan Ciidanka Qaranka iyo Wasaaradda Duulistu waa isku xukumad.ma qarinayo in is-fahan darro soo baxday  oo runtii been la sheegi maayo, haseyeeshee anagu dhul ma kala lihin.Anagu meeshan aanu xidhayno dee Maxamuud Xaashina Xidhan maayo wasaaraddina xidhan mayso ee Madaarkeenii ayaynu u xidhaynaa. Xeryaha Ciidamada qaranka lagu xad gudbi maayo xerooyinkana la xidhi maayo.” Ayuu yidhi Wasiirka Duulista

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Ciidamada Qaranka ee M Gaasta iyo Ciidamada qaranka ee Kamaandowsta labaduba way ka baxsan yihiin xayndaabka.Xerada Ciidanka Cirku waligeedba wasaaradda duulista ayay ka tirsanaayeen oo gudahay ku jirayaan, hadiii Isfahan daro soo baxdayna gacantaa arintaas lagu hayaa oo Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka  iyo Raggii Masuulka noo ah ayaa isku kaaya toosinaya oo wax dhiilo ahi ma jirto ee wax wanaagsan baa inoo socda” Ayuu yidhi Wasiirka Duulistu

Mobile-kaaga Ja Dhegeyso Muran U Dhexeeyay Xukuumadda iyo Ciidammada Qaranka Oo Mar Kale Qarxay+ Wasiir Maxamuud Xaashi Oo Markii U Horreysay Ka Hadlay Musuq Lagu Eedeeyey

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here