Inalilaahi Waa Ina Illahay Raajicun
Hargeysa (Hubaal) -Sheikh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xasan-rakuub ayaa waxa uu tacsi u diray ehelada,asxaabta iyo Dhammaan bulshada Somaliland geeridii naxdinta lahayd eek u timid ganacsade Xuseen Maxamuud Gacmadheere oo shalay galab u geeriyooday rasaas uu ku furay askari ka tirsan boliiska Somaliland,sheikh Cabdirisaaq Xasan-rakuub oo nuqulka tacsida uu dirayo na soo gaadhsiiyay ayaa u dhignayd sidan:
Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub waxa uu tacsi tiiraanyo leh u diraya geeridi naxdinta lahayd ee ku timid marxuum Ganacsade Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmadheere). Waxa uu marxuumka Illahay SWT uga baryaya inu naxariistii janno ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadi u ka tagayna samir iyo imaan ka siiyo. Waxa uu tacsidaa si gaar ah u gaadhsinaya Eng Cabdisamad Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmadheere) oo u ahaa aabihi Marxuumku.