Hargeysa(Hubaal) Laba nin ayaa geeriyooday kadib markii sida lasheegay uu ku dumay ceel ay qodayeen oo ku yal tuulada uudaan, dhinaca waqooyi bari ka xigta degmada Arabsiyo.
Alle hawnaxariisteeLabada marxuum ee geeriyooday ayaa magacyadooda la odhan jiray Salebaan ciise xasan iyo Mawliid cabdi ciise.
Mid ka mida ah Ehelada labadda nin ee u geeriyoday ceel ka ku dumay, oo lagu magacabo caaqil Muuse ciise oo khadka telifoonka Himilomedia uga waramay geerida naxdinta leh eek u timid labada marxuum, islamarkaana sheegay in labada marxuum hal qoys ka soo wada-jeeden adeerna isku ahaayeen.
Caaqilka Muuse ciise waxana uu intaasi ku daray in labada nin ee geeriyooday maydkoodii laga soo saaray ceelkii ku dumay abaaro 5 galabnimo balse ilaa hadda aan la aasin