Wasiirka duulista Iyo hawada Oo Hortagay Mudanayaasha Golaha Wakiiladda, Sharaxaadna ka Bixiyey Xeerka Duulista madaniga ah ee Somaliland

0
23

Hargeysa (Hubaal)-Wasiirka Wasaarada duulista hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo maanta hortagay Golaha Wakiiladda waxa uu faahfaahin ka bixiyey Xeerka Duulista madaniga ah oo golaha wakiillada hor yaala.

golaha wakiilada
Fadhiga maanta oo ay marti ku ahaayeen wasiirka Duulista iyo agaasimihiisa waxa shir Guddoominayey Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),markii uu furmay fadhigu ayaa waxa lagu soo dhawaayey Wasiirka Wasaarada duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaasi ka akhriyey khudbad ku saabsan Muhiimada uu leeyahay Xeerka Duulista madaniga ah ee Somaliland oo Wasaaradiisu ay soo curisay,isla markaana Golaha Wasiirada ay hore u ansixiyeen, haddana Golaha Wakiilada hor yaala

wasiir maxamuud xaashiWasiir Maxamuud Xaashi ayaa hadalkiisa ku bilaabay “ Mudane Guddoomiye, mudanayaal, waxaan ugu horayn idiinka mahad celinayaa, yeedhmada uu goluhu noo yeedhay taasoo ku jirta nidaamkeena wada shaqayneed, farxad wayna way noo tahay inaanu golaha hor nimaadno aniga iyo Agaasimaha wasaaradda duulista, si aanu sharaxaad kooban ugu bixino, xeer golaha hor yaala, kaasoo nuxurkiisu uu yahay in lagu aasaaso hay’ad madax banaan oo qarankani uu leeyahay oo isu duwda, Agaasinta hawlaha duulimaadyadeena madaniga ah.

“Qarankan Somaliland ee aynu soo yagleelnay wakhti dheer ka hor, maantana baarka ka jaray dhawr iyo labaanka gu’ ilaa iyo hadda ma laha hay’ad shaqadaas inoo qabata, sidoo kalena ma laha Xeer lagu maamulo hay’adaas. hay’adaha noocan oo kale ah digreeto iyo wareegto midna laguma sameeyo, waxay u baahan yihiin xeer nidaamsan oo waafaqsan shuruucda caalamka aynu la shaqaynayno, iyo xeerka hay’ada duulimaayada adduunka, waxa kale oo uu u baahan yahay xeerkaasi in hay’ada sharci dajinta ee qarankani ee aad idinku aad kow ka tihiin inay ansixiso.”

Wasiir Xaashi oo ka hadlaya ahmiyada xeerka duulista madaniga ah ee golaha horyaala ayaa sidoo kalena yidhi “ Waxaanu rumaysanahay in baahi weyn loo qabo in la abuuro hay’adaas, waxa kale oo aanu rumaysanahay in xeerkaas la dajiyo in baahi weyn aynu u qabano, waxa ku jirta sumcadeena qaranimo, waxa kale oo ku jirta wada shaqaynta aynu dunida la shaqyanayno. Qarankii aynu ka go’nay ee Soomaaliya la odhan jiray waxa loo sameeyey xeer Number 13 oo September 1965-kii soo baxay oo maamuli jiray duulimaadyada madaniga ah, ee waddankii Soomaaliya la odhan jiray. Wax ka dambeeyey oo aynu samaynayna ma jirto, meel marinta xeerkan oo aad habaysaan iskuna duba ridaan, kana gudataan waajibkiina dastuurriga ah, wuxuu dhidibada u adkaynayaa qaranimada dalkan iyo meel marka sumcadiisa.”

Wasiirka Duulista Somaliland ayaa sidoo kalena waxa uu intaasi ku daray “ Dunidu waxay leedahay Hay’ado u qaabilsan shaqooyinkaas halka inaga ay imka Wasaaradi ka maamusho shaqadaas, imika waxaanu ku maamulnaa anaga oo hay’ada fulineed ah, dunida shaqadaas Wasaarado ma maamulaan duulimaadyada madaniga ah, ujeedada looga madax banaaneeyo waxa weeye, waa inay noqoto hay’ad ka madax banaan hay’adaha fulinta, oo madax banaani leh, waa inay noqoto mid si madax banaan u baadhi karta shilalka iyo dhibaatooyinka ka dhaca hawadeena iyo muranada ka soo baxa, baahidaas anaga oo ka duullayna waxaanu kaashanay dawlada Ingiriiska oo aanu waydiinsanay inay naga caawiyaan samayntii xeerka, baahiduna ay tahay awood badan oo aynaan u lahayn xaga aqoontaas, waayo rageenii hore ee aqoontaas duulimaadyada madaniga ah bartay hadda way gaboobeen, waxaynu u baahan nahay dad dhiig cusub ah in la baro aqoontaas, dawladda Ingiriiska anigoo hortiina ugu mahad celinaya, gaar ahaan Wasaarada Arrimaha dibada (FCO), waxay lacag badan ku bixisay in Xeerkan ay khabiiro u soo kirayso, ilaa laba nin ayey u soo kireeyeen, labadaas oo mid uu maalin halkan golaha uu ila socday, waxay ahaayeen rag ku takhasusay duulimaadyada madaniga ah, waxay ahaayeen rag in badan ku soo shaqeeyey, iyagaa xeerkan isku soo duba riday.”

Wasiirka Wasaarada duulista hawada iyo Gaadiidka Somaliland isaga oo hadalkiisa sii ayaa yidhi“ Waddamada iyo hay’addaha aynu wada shaqaynaa dhamaantood waxay na waydiiyaaan ma leedihiin xeer Madax banaan, haddii aynu xeerkan dhamayno waxay ka baxsan doonaa su’aashaas waji gabaxa ahayd waxa aynu u heli doonaa jawaab sugan, isaga ayaana laga dheegayaa qaabka duulimaadyadeena madaniga ah. xeerkani wuxuu ka kooban yahay laba qaybood, qaybi waa Rukumada uu ku taagan yahay oo waxaynu raacanaynaa nidaamka Hay’ada ICAO, waana inaynu dunida uga ekaanaa, waa inay waafaqaan mabaadiida (Chicago Convention), ee ay dunidu ku heshiisay, waxyaabahaas waa inuu xeerkaanu waafaqayaa, arrimaha qaarkood dunidu way ku kala duwanataa, hab dhaqan gaar ah ayuu waddan waliba leeyahay, dunidu way ogoshay sida aad adigu u waafajinayso dhaqankaaga waa laguu ogowl yahay, laakiin waa inuu waafaqaa nidaamka caalamiga ah ee dunidu inagula shaqnayso, haddii uu xeerkaas mabaa’diidaas ka tago wuxuu noqonayaa xeer jaba oo bar kuma taal ah, si aaanu arrimahaas uga taxadirno ayaanu khuburadaas u waydiinsay dawladda Ingiriiska, khuburadaasi markii ay soo diyaariyeen xeerka waxaanu qaadnay laba talaabo oo kale, Hay’ada duulimaadyada caalamiga ah ee ICAO ayaanu waydiisanay nin kale oo khabiir ah oo aanu xeerkii u dirnay si uu isaguna u soo eego maadaama iyaguna ay naga doonayaan inaanu buuxino shuruudahooda, isaguna wuxuu qiray xeerkeenu inuu rukumadii leeyahay.

“Sidoo kale markii aanu intaas soo dhamaynay waxaanu u gudbinay Garyaqaanka Guud ee Qaranka Somaliland oo runtii hadii ay tahay turjimaadii iyo diyaarinta nuqulkiisa Soomaaliga ah-ba iyagaa diyaariyey, xeerka iyagaa turjumay nuqulkiisa rasmiga ahina wuxuu noqnayaa kaas Ingiriisiga ah, waayo duni ayeynu la shaqaynayaa wixi ka xumaada turjumaadiisa isaga ayaa loogu noqonayaa, iyagaa isku soo dubada riday sidaas ayaanu Golaha Wasiirada ku gaynay.”

Markaan soo koobo xeerkani wuxuu kala saarayaa shaqada Wasaarada duulistu ay imika hayso, wuxuu u kala saarayaa laba, Wasaarada wuxuu ku reebayaa samaynta siyaasada, Jaan goynta, Hilaadinta iyo wixii la mid ah, Hay’adana wuxuu ka dhigayaa inay noqoto qaybtii fulinta, way wada shaqaynayaan, xeerkani wuxuu qeexayaa awoodaha Wasaarada, kuwa Wasiirka, ka Agaasimaha hay’ada, boodhka ay hay’adu yeelan doonto iyo si la mid ah.” Ayuu yidhi wasiirku

Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu sidoo kalena sharaxaad ka bixiyey qaabka ay Xeerkan u sameeyeen waxaana isagoo ka hadlaya uu yidhi “ Dunidu qaabab badan oo kala duwan ayey u samaysataa, marka laga tago mabaadiisa ugu muhiimsan ee ay tahay in la wada adeeco, hay’adaha dunidu isku wada mid maaha, qaar waa kuwo si dhamaystiran u madax banaan oo u shaqeeya, oo waxa xukuumada Boodh awood leh, oo go’aamo iyo guddoono culus leh, qaarkoodna Wasaarado ama Hay’ado fulineed ayey Hoos tagaan, anagu waxaanu qaadanay qaybtaas ay Wasaarada Line Ministry-ga u tahay Hay’ada, waxaana uu nidaamkaasi la mid yahay nidaamka ka jira dawalada dariska ee Itoobiya iyo jabuuti, iyo waddamo badan oo carbeed, Maraykan iyo Ingiriis nidaamkooodu waa mid si dhamaystiran u madax banaan, maadaama aynu nahay dal yar oo curdin ah, oo wali nidaamkiisa dawladnimo aanu aad u adkeen, waxaanu dooranay nidaamkaas dadka aynu isku kabaha nahay ay leeyihiin in keenu uu jilo, lnaga oo ilaalinayna Rukumada guud ee aas-aasiga xeerkan u ah, Hay’adu sidaas ayey u dhignaan doontaa, waxaan rajnayaa inaad idinku akhriyi doontaan, ka doodi doontaan, toosin doontaan, ugu dambayna waxaan Golaha Wakiilada ka codsanayaa in Xeerkaas oo baahi weyn uu dalkeenu u qabo, culaysyo badan oo caalamiyana nagu haya, oo maalin walba nala yidhaa Xeer ma leedihiin, imika waxaynu ku jirnaa wadahadaladii maamulka hawada ee Soomaaliya, wuxuu xeerkani caawinayaa Meeqaamkeena, aynu ku doonayno in hawadeena ay gaar u maamulano, wuxuu jidanayaa inay nahay Qaran Madax banaan, wuxuu u quus gonayaa dadka uu muranku inaga dhaxeeyo, oo waliba iyaguna ku guda jira inay Xeer sameeyaan, Hay’adna sameeyey iyagoo xeerkiisa samayn.”

“Waxaan Golaha si xushmad leh ugu codsanaynaa in xeerkaas sida ugu dhakhsaha badan loo qabyo tiro, waxaan is leeyahay Qodaxda iyo shilintaba waanu ka soo idlaynay.Aad iyo aad baana u mahad san tihiin Mudanayaal.” Ayuu yidhi Wasiir Maxamuud.

Dhanka kalena waxa su’aal ku saabanayd in Wasaaradiisu ay wax wada tashi ah la samaysay shirkadaha Diyaaradaha ee Maxaliga ah wakhtigii ay Xeerka qabyadiisa diyaarinayeen ay mudanayaashu ka weydiiyeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan,waxaana uu agaasimuhu isagoo uga jawaabaya uu yidhi“Horta qoladan airline-nada, dhinacyada ay khusayso meel kuma kala maqnin, waayo Wasaaradayadu adeeg rasmi ah ma siiso dadka, iyagaa adeegii siiya, maalin kasta galinka hore iyo galinka danbe waanu is aragnaa, laakiin waxaa jira dano is khilaafaya masaaliix ay ilaashanayaan, maanta Dalka Jabuuti, Kiiniya, Iyo Dubai dhamaan dunidaa ay ka dhoofaan oo dhan Xeerkan oo kale ayaa ka jira, markaa way ka baqaan tusaale ahaan rakaabka hadaad subaxa keento oo kale, lanbarkii ganaaxayey iyo bahalkii ganaaxayey Jabuuti ayuu u yaalaa kiiniyana wuu u yaalaa markaa Berbera iyo Hargaysa waxay u arkaan meel aan shuruuc badan lahayn, markay doonaana ay shuruucda iska jabiyaan, markaa Xeerkani Ganaaxa uu wato ee fasilaada lagu samayn doono, ayey ka sii yara cabanayaan, laakiin wax toos u taabanaya oo shaqadooda dhibataynaya maaha.”

Agaasime Cumar Cabdilaahi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ qodobka labaad Xeer kani waxa uu soo jeedinayaa Diyaaradahii Caalamiga ahaa sidaa Wasiirku sheegay in ay Dalkeena yimaadaan, iyaguna suuqa way iska haysteen kaligood markaa taasina culays ayey ku keenaysaa, wasaarad ahaan anagu arrintaas siyaasad ayaanu ka leenahay, waxaanu rabnaa in diyaaradihii caalamiga ahaana yimaadaan, kuwanina aanay kicin oo aanay musalafin, ayaamaha loo xadido, oo suuqana waanu naqaana tiradda dadka dhoofaya ee ku jira, waxa la yidhaa Free Done 5 Iyo Free Done 6 in aanu ilaalino Diyaaradaheeniina ayaamo la siiyo, wixii tasiilaad Dawladu u sameyan karto loo sameeyo oo ay ka qiimo hooseeyaan.” Ayuu agaasimahu yidhi

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here