(Xukuumad aan Xakame iyo Xeerba qaban)
“Feedhaha xidhiidhsamay lafahan, xuubku ka idlaaday,
Jidhkaygii xariirta u ekaa, xaaluf quruxdiiye,
Hadduun baan xaraarugay sidii, xamil-gab awryaale,
Xafta waxaydin ii laba-listaan, xooxda lay maalye,
Cidluun baan xayuugnahay sidii, xuunshadii Gubane,
Waxba yaanu xeerkay I marin, xoolana I siinne,
Xaasha e’ nin libin kaa xistiyay, xumihi waa yaabe,”
Maansada, Abaal-laawe, Salaan Maxamed Xirsi (Salaan-carabey)
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmai.com, www.dharaaro.com,
Qormadii: 3aad
Hargeysa, 19/1/2015ka,
Qabcaddii Gu’-roon-jire:
Laba qabcadood oo Miyuusig ah ayaa beryahaa loo duubay oo loo diray BBC-da. Qabcadi waxay ahayd Miyuusig Baar-cadde ah oo kaman ama cuud lagu tumayay. Waxa gacantiisii xariirta ahayd ku garaacayay Al-Ustaad Maxamed Faarax Siciid oo loo yaqaannay Gu’-roon-jire ama ku caano-maalayba. Baar-caddaahaasi, wuxu ahaa heesta ay midhaheeda ka mid ahaayeen:
“Hoo hoo u googgooyay, giblada,
Caasha-Gini u googgooyaay, giblada,”
Miyuusiggaasi, in badan ayuu ka socday ama ay adeegsan jirtayba BBC-du. Waxaan filayaa in aan wax cawil-naq ah laga siinnin Maxamed Faarax Siciid ee Miyuusiggaa la iska saari jiray. Miyuusiggaasi wuxu khadka ama hawada BBC-da ka baxay intii uu joogay Yuusuf Garaad. Intii uu ninkaasi xilka hayay ayaa Miyuusiggaa Gu-roon-jire tumayay la joojiyay iyada oo lagu beddelay mid qalaad oo aynaan Soomaali ahaan ab iyo isir midnaba u lahayn. Eedi iga raaci meyso haddii aan idhaahdo Yuusuf Garaad wax kale uma beddelin Miyuusiggaas oo aan ahayn naxli iyo nacayb uu u qabay halka uu ka soo jeeday.
Qabcaddii Cabdillaahi Qarshe:
Qabcaddii labaad ee Miyuusigga ahayd ee loo duubay BBC-da beryahaa la furay waxa iska lahaa Macallinkii, Hal-abuurkii, Miyuusigyahankii, Heesaagii Cabdillaahi Maxamed Maxamuud Xirsi oo loo yaqaannay Cabdillaahi Qarshe. Waa qabcadda miyuusigga ah ee ilaa maantadaa aynu joogno ay BBC-du ku soo gasho hawada. Hees ahaan waa hees waddaniya, bal se Cabdillaahi Qarshe si uu u liqsiiyo gumeysigii Ingiriiska wuxu ugu wan-qalay “Socodkii Arraweelo.”
Hees ahaan waxay ahayd hees waddaniya oo ay midhaheeda ka mid ahaayeen:
“Dadkaa dhawaaqaya,
Dhulkooda doonayaa,
Hadday u dhiidhiyeen,
Allahayow u dhiib,”
Qabcaddan miyuusigga ah ee uu curinteeda iska lahaa Cabdillaahi Qarshe, qudheeda waa la isku dayay in laga saaro hawada, bal se aad ayaa looga qayliyay. Labadaa qabcadoodba waxay ahaayeen curintii iyo hal-abuurkii foolaadkii fanka Soomaaliyeed ee reer Somaliland.
Astanta Qaranka ee Soomaaliya:
Markii xornimadii la qaatay ee la isku daray labadii gobol ee ay Ingiriiska iyo Taltaanigu kala gumeysan jireen, waxa samaysantay Jamhuuriyaddii Soomaalida (Somali Republic). Calanku wuxu ahaa kan buluukiga ah ee xiddigta shan-geesta ah ee caddi ku taal. Waxa loo baahday astaantii qaranka oo miyuusig ah. Berigaa waxa la qaatay qabcad miyuusig ah oo uu sameeyay nin Talyaani ahaa oo la odhan jiray Guiseppe Blanc oo aan hees lahayn bal se ka koobnayd oo keliya miyuusig. Qabcaddaas ayaa ahaan jirtay astaanta miyuusigga qaran ee Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed.
Waqti aan filayo in uu ahaa 1985kii, ayuu nidaamkii Maxamed Siyaad Barre go’aamiyay in astaantaas la beddelo isla markaana la soomaaliyeeyo. Waa beryihii aanu ku jirnay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Waxaan xusuustaa in aan joogay xaruntii maamulka SNM ee Diri-dhabe. Waxa kale oo aan si fiican u xusuustaa in aan dareemay oo ogaaday in la beddelay astaanti miyuusig ee qaranka Soomaaliyeed ee Talyaaniga ahaan jirtay. Berigaas ayaa la qaatay heestan ilaa immika astaanta qranka u ah ee: “Soomaaliyeey Toosoo.” Waxa kale oo aan si aan mugdi ku jirin u xusuustaa in aan ka qoray maqaal ku soo baxay wargeys toddobaadle ahaa oo ay SNM lahayd oo la rogi jiray. Waxaan ka sheekeeyay Heestaas Soomaaliyeey Toosoo iyo waayihii ku xeersanaa.
Heesta, waan maqli jiray. Waxa se sheekadeeda iiga dhacay, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’, Yuusuf Xaaji Aadan Cilmi Qabille. Waa 1976kii. Waxaanu wada joognay magaalada Muqdisho. Waxaanu ka wada tirsanayn beryahaas Guddi Qaran oo Qabanqaabo. Laba bandhig ayaanu qabanqaabinayay: mid waddaniya iyo mid caalamiya. Ka waddaniga ah waxa la odhan jiray Bandhigga Fanka iyo Suugaanta (BANFAS) oo gobolladii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ayaa ku tartamayay. Bandhigga labaadna wuxu ahaa kii Beelaha Madow ee adduunka oo lagu qabanayay magaalada Lagos ee dalka Nigeria. Waxa bandhiggaana la odhan jiray FESTAC-77.
Guddida Qabanqaabada ee qaranku waxay ahayd: Yuusuf Xaaji Aadan, Maxamuud Cali Kaariye, Xuseen Sheekh Axmed Kaddare, Siciid Saalax Axmed iyo aniga. Berigaas ayuu sheekadan ii marinayaa Yuusuf Xaaji Aadan, waxaanu ii sheegay in uu heestaas midhaheeda ku tiriyay Dugsiga Sheekh oo uu macallin ka ahaa. Wuxu intaa ii raaciyay in ay laxanka iyo codkaba ku sameeyeen dalcadda Sheekh iyaga oo baabuur saaran. Sannadka wuxu iigu sheegay 1947kii. Qiyaastii waa hadihii aan dhalanayay oo walaalkay Axmed ayaa ku jiray Dugsigaa Sheekh. Yuusuf Xaaji Aadan wuxu intaa ii raaciyay in heestaas markii ugu horreysay laga qaaday Xaruntii Xisbigii SYL ee magaalada Gaalkacayo. Sidaas ayay Xamar iyo Xarumihii Xisbigii SYL ku tagtay oo ay u yeelatay baadi-soocdaa koonfureed.
Sidaas ayay heestaasi uga tagtay Hargeysa iyo Somaliland una tagtay Soomaaliya oo ka dhigatay astaan qaran.
Waxa jirta hees kale oo aan heestaas hore ka dhicin oo iyaduna ku dhawaatay in ay noqoto astaan qaran. Waa heesta: “Qolaba calankeedu waa caynoo, innagaa keennu waa cirkoo kale”. Ereyadeeda waxa iska lahaa Xuseen Aw Faarax Dubbad. Codka waxa raaciyay Cabdillaahi Qarshe. Waxaan is-leeyahay waa hees wadareedda labaad ee sida joogtada ah looga qaado Soomaaliya, weliba iyada oo la taagan yahay.
(La soco berri, haddii Eebbe idmo)