Khudbadii Garnaqsiga Sul. Cumar, Hujuumkii Xirsi, Jawaabtii M. Siilaanyo, Suurihii Warancadde

0
29

 “Hadalkii cali warancadde waxa ku jirtay madaxda waa la godliyaa, waa la maalaa, waxaanse raacinayaa, weliba anaga qoladayadda reer bari waxa nalagu xantaa inyar oo booda ah, ee taana xisaabta halagu darsado” wasiir xirsi

 “Arrinkaa Wershada waa in laga noqdaa,Tabashaa Ka Jirta Dhinaca Reerka, Waxaanay Tabanayaan Wixii Deegaankooda Ku Yaalay Oo Aan Laga Qayb Gelin” Sul. Cumar Sul. Maxamed

“Wershada Ciddii soo doonatay baanu siinay, idinkuna maydaan soo doonan..”

 Suldaan-Cumar-150x150

Hargeysa, (Hubaal)-Suldaan Cumar Sul. Maxamed Sul. Faarax oo hormood u ahaa madax dhaqameed iyo waxgarad kulan kula yeeshay magaalada Baligubadle MadaxweynahaMd. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo isaga iyo weftigiisu ay habeen u hoyden halkaa,  ayaa farta ku fiiqay dhaliilo badan  oo maamul ahaan loo baahan yahay inay xukuumaddu saxdo.

Dooddii Suldaan Cumar

Suldaanka guud ee Beesha Arab Sul.Cumar Sul. Maxamed, hadalkii uu madashaa oo ay fadhiyeen madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisu, isla markaana ay xaadir ahaayeen madaxda kale ee dhaqanka beesha iyo waxgarad iyo aqoonyahanba, wuxuu u dhacayay sidan;

“Wasiirka arimaha guduhu waa kaa ku garab fadhiya madaxwayne, malaha isagaa wata barnaamijka  diiwaan gelintee tuulooyinka laga xukumo gobolkan Baligubadle masaafo dheer ayay qaarkood isu jiraan, dad baan soo gaadhi Karin goobaha la dhigay sanaaduuqda, goobahan la dhigayna qaar baan internetkoodu shaqaynba inaad ku tala gasheen iyo inay sidan idinka noqotayna ma kala garanayno, ,taana waxaanu jecelahay in la saxo oo dadku dee xuquuq isku mida ayay leeyihiin, oo qofka Somalilanderka ahi wuxuu helo ka kale ee la midka ahina dee waa inuu helaa.

Waxaan soo socday 600KM(Lix boqol oo kiiloo miter) madaxwayne markii aan maqlay inaad gobolka imanayso, waxaan ka soo noqday meesha layidhaa  QARAADH deegaanadaa aan marayayna duruufahan oo kale uun baa hasyta, Abaaraa haysta ,dhibaatooyin kale oo badan baa  haysta, caafimaad xumaa haysata,Iskuul la’aan ayaa  haysata ,biyo la’aan ayaa haysata ,waa isku wada mid uun , malaha dadku waxay jecelyihiin in la ammaano uun, laakiin in qaladaadka la sheegaana meesha way ku jirtaayoo sixida ayay kamid tahay, oo idinka (Wafdiga madaxwaynaha) laftiinu waa u baahan tihiinoo dee waad qoraynaysaan waxyaabaha aad dadkiina uga baahan tihiin si aad u saxdaan , dhibaatooyinkaasi kuwana way qabaan, kuwaas aan tagayna way qabaan, qaar kaloo reer Somaliland ahina way qabaan.

dee dalka amni ayaynu ku haysanoo waxaynu lahayn nabadgelyaanu ku jirnaaye waatan imika buuraha la inoo galay ee imtixaanadu ka soo kordheen, kuwaana waxaan ilaahay ka baryayaa inuu iyagana soo hadeeyo dee inaguna dadaal badan ka galno. Dhibaatooyinka  kale ee ay dadku tabanayaan, inta badan runta la idiinma sheego oo waxay laydin yidhaahdaa waad wanaagsan tihiin oo horaa u socotaan,  wax qabadku wuu jiraa oo wax la qarin karo maaha oo isagaaba iska muuqanaya, waajibna dee ummadu way idiinku leedahay inaad wax u qabataan, laakiin waxaa mihiima in la idin tuso waxa aydaan qaban ama waxa ay dadku tabanayaan.

Dhaqaalaheena ama ka xukuumada ha noqdo ama ka guud ee dalka, waynu ognahay sida aynu u noolnahay,  iyadoo dadku iska liito ayaad madaxwayne maciishada cashuurtii aad ku kordhiseen,  waa la tudhaa oo dadka waa loo tudhaaye , qodobkaasi waxaan odhan lahaa dib haloogu noqdo oo bal waxa kale ee soo dega cashuurta halagu kordhiyee, macal jaadka laakiin bal maciishada halaga daayo cashuurta. dadku waa iska wada danyar , way wada shaqo la,yihiin, duruufo faro badan baa haysta, halkaa waxaan odhan lahaa qodobkaas dib haloogu noqdo. markaynu ka hadlayno deegaanka in badan baynu halkan isugu nimi ama aynu xafiiskaaga  isugu nimi, waxyaabo badana waynu kawada hadalnay oo dadka horumarkiisa, danihiisa iyo daryeelkiisaba waynu kawada hadalay, waxaad qabateen dee waad ku mahadsantihiin laakiin waxa jira waxyaabo badan oo aydaan qaban,  imika waxaanu ka xiiqaynaa ama aanu ka soo daalaynaa inaanu codsiyo soo gudbino oo aanu nidhaahno dadkii waxaas ayay u baahan yihiin, markay intii hore waxba ka nagaga soo noqon waayeen, balanqaadyo faro badan ayaad samayseen, qaarna waad fuliseen laakiin barnaamijkii waddada oo dadka badankiisu filanayeen way fadhidaa”. Halkaa markuu marinayo suldaanku hadalka, ayaa sida la sheegay wasiirka madaxtooyadu soo dhex galay oo u sheegay inay lacagtii ay xukuumadu balan qaaday ay u soo dhiibeen nin xildhibaan ah, hase ahaatee waxa la sheegay, in suldaanku u celiyay in aanay lacagtaasi soo gaadhin.

Hakadkaa kadib Sul. Cumar wuxuu sii watay hadalkiisii waxaanuu yidhi, “biyihii iyaguna way fadhiyaan oo wasiirka biyuhu ceel keliya ayuu yidhi waan idiin qodayaa,  malaha waxa lagu yidhi dhulka Arabka riigu ma karee, imika wuu karayaa,  waanad ku mahadsantihiin ceelkaa inkastoon u baahnayn ceelal intaa ka badan. Biyaha Hargaysa, inanka  wakaalada biyaha haystaa wuxuu nagu yidhi qorshaynta magaalada Hargaysa  (master plane) nooguma jirtaan inaanu biyo idin siino, bal hadalkaas u fiirasada,! Biyahana xaqbaanu u leenahay oo dadka deegaanka ku nool ayaanu ka mid nahay, siday iyaguba u cabayaan inaanu u cabno ayaanu doonaynaa ama kuwa bari laga keenayo ha noqdaan ama kuwa Geed deeble ha noqdaane.

Dalka wax badan ayaa intaa is laba rogaya, kolba waxbaa cusbaanaya, imika xaalada dalka ka jirtaa waxaa weeye, in meelo badan oo dawladu gacanta ku hayn jirtay lagu wareejinayo shakhsiyaad gaara, waxaana ka mid ah meelahaasi warshadii laydhka Haragysa oo xaafada ku taalay, lama tixgelin dadkii deegaanka ahaa ee xaafada ku noolaa, arinkaa warshada tabashaa ka jirta, dhinaca reerka waxaanay tabanayaan wixii deegaankooda ku yaalay oo aan laga qayb gelin, wax kaloo badan oo reerku tabanayaana way jiraan”.

Halkaa markuu marinayo Suldaanku hadalka, ayaa siduu goobjooge shirka fadhiyay u sheegay wargeyska Ogaal, waxa soo dhex galay wasiirka madaxtooyada Xirsi oo ku tiraabay, in wershada la siiyay ciddii soo doonatay, dhinacoodana aanay ciddi ka soo doonan. Hase yeeshee Sul. Cumar ayaa la sheegay inuu markiiba u qadimay jawaab nuxurkeedu ahaa,  “waa la soo doontay oo madaxweynaha waxa loo sheegay wershadu inay dan guud tahay oo sideeda loo daayo”, hase ahaatee buu xusay markan danbe suuq madow lagu iibiyay, halkii ay ka ahayd buu yidhi, in la bandhigo oo dadka reer Somaliland u tartamaan haddii laga fursan waayo. waxa kale oo uu sii raaciyay, in imikana laga noqdo barnaamijkaa.

Sul. Cumar jawaabtaa uu Xirsi u dedejiyay ka sokow waxa la sheegay inuu ku abhiyay, in aanuu hadalka ka soo dhex galin, intaa kadibna wuxuu sii watay hadalkiisii, waxaanuu yidhi;  “markaa waxa fiican in marka wax la qorshaynayo dadkan qorshaha lagu daro. Intaasi waxay iga tahay inaan idin xasuusiyo tabashada dadka. haddii waad wanaagsan tihiin uun la idin yidhaa, halkana laga khuukhleeyo dee ma wanaagsana Madaxwayne  adoo mahadsan oo aan filayo inaad deg degsan tihiin oo aad meel kale ku sii socotaan.

Diiwaan gelintaa aan soo sheegay, Saddex tuulo oo xeebta yaala oo isku reer ahina wax walba way haystaan, mid kastana sanduuq diiwaangelineed ayaa yaalay, kaw iyo tobon tuulo oo masaafo ahaan isu jira 75KM oo  dadka kale ee gobolka saaxil degen yihiina midna male, xabadi ma taal, inaad wax isku yara dhawaysaan ayay ahayde halkaa dib ugu noqda , tuulooyinkaasi aan soo sheegay madaxwayne,biyo malaha, Caafimaadna malaha, laba galaas oo keliya ayay leeyihiin wax iskuul ah, adiguun baana u madaxwayne u ah iyaguna sidaas ayay wax kaaga tabanayaan kaagana sugayaan” .

Jawaabtii Xukuumadda

Dhinaca xukuumadda waxa ka mid ahaa xubnihii ka hadlay kulankaas Cali warancadde. Wasiirku waxa la eegayay inuu ka jawaabo dhaliilaha dhinaca diiwaangelinta ee suldaanku sheegay, laakiin, siday goob joogaashu Ogaal u sheegeen, cali warancadde wuxuu u leexday humaag kale oo uu ku sawirayay siduu u arko in madaxda loola hadlo, taasoo ka dhignayd madaxda waa la godlaa, af macaan, amaan iyo baashiraad kadibna laga dalbaa hadba wixii looga baahanyay. Wasiirka Madaxtooyada xirsi  ayaa isna sida la sheegay kulankaa garnaqsiga ee Baligubadle hadal kooban oo uu ka jeediyay, ku sheegay inay u arkayeen arrinta wershada horumar soo kordhay, hase ahaatee uu xusay in suldaanku ku canaantay waxay u arkaan waxqabad lagu faani karo. Xirsi wuxuu hadalkiisa sida la sheegay hordhac uga dhigay, sheeko ka soo jeeda nin ay isku reer yihiin iyo xilligii sucuudiga loo dhoofi jiray, markii danbena isagoo ku halqabsaday hadalkii cali warancade ee qaabka madaxda loo maalo, wuxuu ku khatimay weedhihiisa,”hadalkii cali warancadde waxa ku jirtay madaxda waa la godliyaa, waa la maalaa, waxaanse raacinayaa, anaga qoladayadda reer bari waxa nalagu xantaa inyar oo booda ah, ee taana xisaabta halagu darsado”.

Gunaanadkii kulankaas oo la sheegay inay fadhiyeen konton xubnood labada dhinacba, isla markaana saxaafadu dibad joog ka ahayd, waxa hadal kooban ka jeediyay madaxweyne Siilaanyo. Madaxweynuhu wuxuu ka mahad celiyay sidii loogu soo dhaweeyay Baligubadle, isla markaana wuxuu sheegay in wixii awoodu noqoto ay xukuumaddu wax ka qaban doonto baahiyaha iyo tabashooyinka deegaankaa ka jira. suldaankana waxa la sheegay inuu u muujiyay, inuu dooddiisa u arko nasteex.

xigasho:Ogaalnews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here