Siilaanyo Oo Socdaalkii Soohdintu Saddex Wadiiqo Ku Jiheeyey

0
54

Weftigii  Siilaanyo oo Maanta afka saaraya Jiiddaha Cagaaran ee Kalshaalle iyo Irrido xidhan

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo  miino hor dhigay iyo  Xaglo-toosiye  Buuhoodle kaga dhuuntay

 Maxaa sabab-bay in Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland  Mashaariic ka dhagax-dhigaan Deegaamo Geel-foof isu jira iyo Dhankaalnimada  Xaglo-toosiye?Silaanyo-iyo-dhagax-dhig

Bali-dhiig(Hubaal)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camay, ayaa booqasho daasha-daashood ah ku marayey Maalmihii u dambeeyay Deegaamada hoos-taga Degmada Buuhoodle ee Somaliland gudaheeda, si aan gabasho ku jirina ugu soo xad-gudbay khariirada dhuleed ee Somaliland la wadaagto Soomaaliya iyo Itoobiya.

Masuulkan Puntland iyo xubno ka mid ah Xukuumadda uu Madaxweyne ku-xigeenka ka yahay ee Garoowe, ayaa dhaqdhaqaaqoodu ka dambeeyey, ka qayb-galkoodii  Caleemo-saarka Garaadka Buuhoodle oo ay wefti Somaliland ka socda ka wada qayb-galeen, loona arkayay safar dhaqan oo aan wax siyaasad iyo faro-gelin dhibaato abuuri kartaa ku lamaanayn, hase ahaatee waxa taa bedelkeeda uu bilaabay inuu tuulo-tuulo u dhex mushaaxo Gobolkan oo aan wax taageero ah looga haynin Maamulka uu madaxda ka yahay, iyadoo deegaamada qaar lagaga mudaharaaday, qaarna maleeshiyaadka Khaatumo xoog kaga saareen.

Cabdixakiim Cumar Camay oo dhalasho ahaan ka soo jeedda Gobolka Buuhoodle, isla markaana ay tahay markii ugu horaysay ee uu socdaal ilaa xadkan gaadhsiisan uu Gobolka ku yimaado tan iyo markii sanadka ka hor loo xulay Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaas, ayaa gudaha Buuhoodle iyo meelaha kale ee uu tagay ka dhagax-dhigay Mashaariic kala duwan oo uu sheegay in maamulkiisu ka fulin doono halkaasi, isagoo qaarna xadhiga ka jaray.

Degmooyinka uu Galaa-baxayay labadii maalmood ee ugu dambeeyay, waxa ka mid ah, deegaanka Kulmiye , Degmada Xadha-dhan, Tuulada Shan-galle iyo Balli-Docol , Degmada Widh-widh iyo Tuullooyin kale oo jiidaas ah, waxaanu shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Deegaanka Balli-Docol uu ku sheegay in dhamaan deegaanada uu booqday ay ka mid yihiin Puntlad cid kale oo sheegan kartaana aanay jirin, isagoo fariin u dirayay Dawladda Somaliland oo ay Wasiirro ka tirsani ku suganyihiin Magaalada Buuhoodle ee uu ka soo kicitimay.

Geesta kale, Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleeban Ciise Axmed oo ku sugan Buuhoodle sidii uga qayb-galay Xaflada Caleemo saarka, ayaa moodaa inuu dhulka dhigay Calankiisii Somaliland-nimada ee uu Magaaladaas kaga baani jiray marka uu tago, waxaana moodaa inuu sidii Atoor uu Aar ku hamaansaday beerka dhulka dhigay, haddii aanay jirin siyaasad hoose oo uu heshiis kula yahay Mr Camay, taasoo ah “Ninba waa mar ee maanta waa Camay”.

Wasiir Saleebaan Xaglo-toosiye oo aad loogu diirsaday hadalkii badheedhaha huwanaa ee uu ka jeediyay Xafladii Caleemo-saarka Garaad Soofe,  sidoo kalena xilfatan siyaasaddeed oo ka dhexeeya awgeed Cabdixakiin Camay iyo bulshada reer Buuhoodle mar walba kala ilaalin jiray, ayaan la ogayn sababta uu uga aamusay Ololahan Taageero raadiska ah ee uu Deegaamadaas ka wado Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland ee sheegtaa  Gobolka ku metelaa Somaliland, ugana hamranayo inuu talaabo ka qaado Mashaariicda raad-baabi’inta ee uu ka dhagax dhigay labadii maalmood ee u dambeeyay Degmooyinka aan  kor ku xusnay.

Wariyeyaasha Wargeyska Yool oo isku dayay inay la xidhiidhaan Wasiir Xaglo-toosiye si ay dhacdadan Fool-xumaddeeda leh , sababta uu wax uga qaban waayay, wax uga waydiiyaan, ayaanay u suurto-gelin, kaddib markii uu xidhay Telefoonkiisa gacanta oo aanu dhowr jeer ka wacnay.

Geesta kale, dadka Deegaanka ayaa ku waramaya in socdaalka Mr. Camay uu  ka cadhaysiiyey qaybo ka mid ah Bulshada Gobolka oo aan raali ka ahayn joogitaankiisa iyo howlaha uu ka wado toona.

Dhanka kale warar ay baahiyeen habeenkii xalay Mareegaha Kooxda Khaatumo ee aaminsan Maamul-goboleedka Federaaliga ah, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Puntland iyo weftigiisa Ciidamada Somaliland ee Jiidaha Gobolka Sool ka caydhiyeen Deegaanka Banyaal oo ka tirsan Degmada Widh-widh.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Somaliland ee Jiidaas, hase ahaatee afhayeen u hadlay Kooxda Khaatumo ayaa sheegay in C/xakiin Camay markii ay soo gaadheen  Deegaankaasi ay weerar ku kediyeen  Ciidanka Somaliland, kaddibna uga baxsaday dhanka Buuhoodle.

Waxa kale oo ay intaas ku dareen in weftiga madaxweyne ku-xigeenka Puntland shalay gelinkii dambe amar lagu siiyey inay iskaga baxaan Magaalada Buuhoodle,hadii kale talaabo cad laga qaadi doono.

Dhinaca kale, Weftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo safarkooda soohdinta Itoobiya raacayaa galay habeenkii shanaad oo guul ah iyo Maalintii lixaad ee baqoolaha iyo Galab-carowga, ayaa xalay ku hoyday Degmada Bali-dhiig oo  masaafo aan ka badnayn Geel-aroor u jirta Degmada Xadhadhanka oo uu maalin ka hor Madaxweyne Puntland Cabdixakiin Camay  cagta sii mariyey, isla markaana xaflad dhagax dhig mashaariic ah ku qabtay.

Weftiga Madaxweyne Siilaanyo oo aan socdaalkiisu lahayn bar-tilmaameed mucayim ah oo laga tix-raaci karo Jadwalka marba meesha uu ku wajahanyahay, balse halbeega qudha ee calaamada u ahi uu  yahay, mid ku wajahan degmooyinka ku teedsan Diilinta Xuduudka u dhexeeya Somaliland  iyo Itoobiya, ayaan la ogayn meesha  uu afka saari doono maanta marka uu dhamaysto booqashadiisa Bali-dhiig.

Laba jiho midkood ayaa la filayaa inay midkood u dhaqaaqaan: kuwaasoo kala ah inuu sii raaco xuduudka,  isla markaana uu sii maro Deegaamada Coodanle iyo  Xadhadhanka,  dabadeedna uu halkaa ka galo Buuhoodle, sida marinkiisu noqon karo hadii ay qorshaha ugu jirta , ama inuu foodda saaro dhanka Degmada Qorulugud iyo deegaamada hoos-yimaada, kaddibna uu hoosta ka qabsado Laamiga dheer ee Laascaanood.

Lama oga labadan waddo mid ay jaanta saari doonaan Weftiga madaxweynuhu, waxaase wararkii ugu dambeeyay  ee uu xalay Wargeyska Yool ka helay sheegayeen inay aad ugu dhowdahay inay maanta gelinka hore ku sii sugnaan doonaan Magaalada Bali-dhiig, una saan-saan eegyahay socdaalka xigaa dhinaca jiida Qorulugud.

Midka ay doontaba ha ahaatee, wali fari kama qodna geediga Weftiga Madaxweynaha ee Ban iyo Buurtu, hadii uu sii raaco Xuduudka, balse taasi ku dhaceeda xilligan waxa caqabad ku ah dhibaatooyinkii jiidaasi ka dhacay afartii shantii talada hayay, taasoo ay dadka reer Buuhoodle sababteeda wax badan ka saarayaan sababteeda, isla markaana kaga sii fogaadeen Somaliland.

xigasho:GNA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here