Sidaynu hore u soo xusnay, shidaalka wadanka la keeno tayadiisa waxa lagu tilmaamaa inuu yahay ka ugu jaban, isla markaana waxa la sheegay in iibkiisa lagu helo habab kala duwan. Socodku talaabuu ka bilowdaa, isla markaana wax kasta oo la qabanayaa wuxuu u baahan yahay qorshayn, hormayn iyo kala horaysiin baahiyaha jira. Haatan maamulka haamhuhu wuxuu sheegay inay soo iibiyeen laab ama shaybaadh lagu koontaroolayo tayadda shidaalka. Intaynaan gelin xaddiga lacagta ay sheegeen inay ku baxday laabkaa, bal marka hore aan is waydiino waxa ka horeeya.
Qalabku haddaanu haysan aqoontii iyo khibraddii rasmi ahaan ka shaqaysiin lahayd, waxba ma taro, isla markaana wuxuu qalabkaasi ku dambeeyaa xitaa haddii uu tayo leeyahay daxalaysi iyo inuu bartaa la dhigay ku baaba,o. Marka la milicsado dhaqamadda hanti lunsiga, somaliland waxa la tilmaamaa inay caado noqotay, in masuulku ka fekero abuurista hadba mashruuca wax lagula bixi karo. Taasina ay tahay ta Somaliland ka dhigtay dal wax is daba marinta iyo musuqu ka yahay wanaag iyo ragganimo.
Inkasta oo xirfadaha iyo xeeladaha lunsiga hantida umaddu Somaliland la dhasheen, maamul kastaana ka sii daro kii ka horeeyay, haddana, haatan waxa loo arkaa in musuqu gaadhay meeshii ugu saraysay. Laabka ama shaybaadhka uu maamulka haamuhu sheegay inuu soo iibiyay, waa tusaale wayn oo sumad u ah heerka lunsigu marayo.
Maareeyaha haamaha shidaalka Sheekh Saleebaan mar uu dhawaan Madaxeynaha oo socdaal ku tegay Berbera, isla markaana booqday haamaha warbixin ka siinayay shaybaadhka ay soo iibiyeen, wuxuu sheegay in laabka lagu soo iibiyay lacag dhan 1,500,000.00(hal milyan iyo shan boqol oo kun) oo doolar. Sida laga dheehan karo muuqaalka laga duubay, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu u jaleecay maareeyaha sidii u qaadanwaa la yaabay xaddiga lacagta uu carabka ku dhuftay.
Keli kuma aha daymaddaa ee dad badan oo u dhuun dalloola xaaladda maamulka haamaha ayaa la yaabay lacagta xaddigaa leh ee lagu sheegay, in lagu soo iibiyay mishiinkaa. Maareeyuhu si fudud ayuu ugu dhawaqay, laakiin waxay is waydiintu tahay runtu ma sidaasaa?.
Dunidda maanta ma jiraan wax qarsoomaa. Waa qoys wada yaal oo si walba waxaad u baahantay aad si fudud u ogaan karto, adigoon ku dhibtoon. haddaad kombiyuutarka hor fadhiisato, oo barnaamijyadda adeega iyo xidhiidhka ganacsiga ee internetka waydiiso, waxaad doonayso waxaad helaysaa kumanaan nooc oo tayo ahaan kala duwan oo ah shaygaad u baahnayd. Muuqaaladdooda, qiimayaashooda, dalalka soo saaray, sidaad ku iibsan karto, tayadooda iyo akhbaar kasta oo la xidhiidhaba.
Haddaba marka la eego qiimayno hore loo sameeyay maamulkan ka hor, iyo haddii aynu toos u eegno qiimayaasha dhabta ah oo aynu internetka ka doonanaba, qiimaha ugu sareeya ee laabkaasi mishiin ahaan waa 250,000.00(laba boqol iyo konton kun) oo doolar. Qiimayaasha kalena way ka hooseeyaan, isla markaana waxay u kala hooseeyaan sida tayadoodu u kala fiican tahay. Taasi waxay muujinaysaa qiimaha maamulku sheegay iyo qiimaha dhabta ah waxa u dhexeeya lacag cadadkeedu dhan yahay, 1,250,000.00(hal milyan iyo laba boqol iyo konton kun). La yaab malaha in lacag la dul saarto qiimaha runta ah, balse waxa maangad ah in lacag intaa le,eg la dul saarto. Laakiin aan su,aal kale is waydiino, oo nidhaahno maxaa sababay in sidaa loo dhiirado oo masuulku siduu doono iska yeelo?.
Dabcan, xisaabtan la,aan iyo cabsi aanuu qabin masuulku, ayaa sababta in sidaa la yeelo, isla markaana dhaliilaha ugu waawayn ee loo jeediyo maamulka Siilaanyo, waxa ugu wayn in masuul kastaaba u dhaqmayo sidii aanay ciddi ka dambayn. Midda kale, haddii aanuu xishoodku xagga sare jirin, hoostana ma jirayo, waayo duq baa geel loo tumaa, oo inta kalena daba gashaa, marka meel uu ka soo maagay lagu hagaajinayo. Haddii taasi meesha ka baxdo, qofka iyo damiirkiisa ayaa xilku saaran yahay.
Guud ahaan isugaynta xaddiga lacagaha shuraakadda mashaariicdaasi loo tirinayo, qorshaha shirkad loo samaystay maamulka haamaha, sida loo adeegsaday lacagahaa, safaradda iyo dalxiiska, gacmaha wadaaga ku ah maamulka, xidhiidhka shaqaalaha iyo maareeyaha
la soco…………
xigasho:wargeyska ogaal