Tiyaatarka: Hawlaglkii Subaxnimo, Fal Celiskii Duhurnimo, Isku Dhacii Galabnimo, Dayaankii Rasaasta Iyo Amaradda Isku Dhufashada

0
39

Hargeysa, (Hubaal)-Abaara 5:00 galabnimo ee shalay ayaa dhawaaqa rasaas badi laga maqlayay magaaladda Hargeysa ka dhacday xarunta tiyaatarka oo dhanka bari kaga dhegen xarunta dawladda Hoose, halkaas oo muran ka dhashay dhulka barxadda Tiyaatarku sababay isku dhac rasaas laysku waydaarsaday.

tiyaatarkaSubaxnimadii hore ee shalay ayaa ciidanka amaanku fuliyay amar loogu banaynayay niman la sheegay in madaxtooyadu siisay dhul kooban oo ah barxadda tiyaatarka ah, iyadoo horena dhulka Tiyaatarkii hore dawladdii Rayaale uga iibisay ganacsade Cumar Caydiid, halkaasna uu ka dhisay tiyaatar iyo guryo dabaqyo ah oo weli dhismahoodu socdo, isla markaana ciidanku waxay subaxnimadii burburiyeen xayndaab jiingad ah iyo aqal yar oo la sheegay in qoyska waardiyuhu gelayay. Wararku waxay intaa ku dareen, in ciidankaa lagu amray, in nimanka la siiyay dhulkaa loo baneeyo, isla markaana nimanka madaxtooyadu siisay bogcaddaa ayaa la sheegay in qaarkood la socdeen ciidanka.

Warku wuxuu intaa ku daray, dhacdadaa hore kadib gelinkii dambe ay halkaa tageen niman hubaysan oo ka cadhaysan falkaa, isla markaana ay fuuleen dabaqyada sare ee dhismaha halkaa ka socda, kuwaasoo la sheegay inay ka cadhaysnaayeen dhulkaa Baarkinka ah oo la sheegay in hore looga iibiyay Ganacsade Cumar Caydiid, in haddana cid kale isla madaxtooyadu siiso. Talaabadaasina waxay sababtay inay halkaa ka dhacdo rasaas. Mid ka mid ah ayaa wararku sheegeen in dhaawac fududi lug ka gaadhay, kaasoo ka mid ahaa kuwa dhismaha saaraa, balse lama sheegin cid kale oo wax ku noqotay.

Hase yeeshee fiidnimaddii xalay ayaa odayaasha, taliska booliska iyo wasaaradda daakhligu, wadajir uga hawlgaleen, isla markaana nimankii hubaysnaa nabad lagaga saaray dhismaha, xaaladdana dib loogu soo dabaalay nabad. Warku wuxuu intaa ku daray in iyana la sii daayay sadex nin oo labada dhinac laga xidhay, kuwaasoo mid ka mid ahi ahaa ninka la doonayay in loo baneeyo dhulka barxadda tiyaatarka, labana la sheegay inay ka soo jeedeen dhinaca ganacsadaha mashruuca dhismayaasha iyo tiyaatarka ka dhisay halkaa.

Dad badan oo ka mid ah bulshada ayaa ku dhaliilay xukuumadda inay madaxa isu gelinayso shacabka. “arrintan xukuumaddaa ku ceebaysan oo dadkii madaxa isu gelinaysa” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadkii goobtaa ka ag dhawaa oo la hadlay Ogaal. Dhawaaqa rasaasta ayaa ah mid dhegaha dadku ilaaween, sidaa darteed laba haween ah oo waayeel ayaa markii ay maqleen rasaasta, is waydiiyay waxa dhacay. Mid ka mid ah ayaa ku tidhi tii kale, “heblaayooy maxaa dhacay?”. Kadibna haweenaydii kale ayaa ugu jawaabtay, “waxa la yidhi, xabadba haddaad maqasho Siilaanyaa muddo kordhin doonaya, markaa waa ruxrux baan u malaynayaa”. Badi qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa da,ahaan la socda hadba heerka xarraarada siyaaasadu marayso.

xigasho:wargeyska ogaal

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here