“Waran-cadoow, Ka hadalka Turkiga waxaa ka dhow Tiyaatarka Hargeysa” Jamaal Cali Xuseen

0
26

Hargeysa (Hubaal) musharaxa madaxweyne ee xisbiga cadaaladda iyo daryeelka ee UCID mudane Jamaal Cali Xuseen ayaa wasiir Waran cadde ku tilmaamay mid aqoon daro ka hayso hawalha loo igmaday oo uu sheegay Jamaal Cali Xuseen inuu maamul xumo ku hayo shaqada uu qaranka u hayo,oo waajibaadkiisa aan u gudan si haboon,Jamaal Cali Xussen waxa uu sidan ku sheegay qoraal uu soo dhigay barta Facebook-giisa,waxaana uu ku bilaabay sidan:

Caawa waxaan la yaabay wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland mudane Cali Maxamed Warancadde isagoo ixtiraam iga mudan in aan arko isagoo ka hadlaaya shirka ka dhacaaya Turkiga ee wadahadaladda Somaliland iyo Somalia. Waxaan filaayey inuu Wasiir Warancadde ka hadlo arrinta Tiyaatarka Hargeysa ee cakiran ee qoryaha laysla hortaagan yahay ee gondahiisa ka dhacaysa maadaama uu yahay wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland.

jamaal cali xuseenShirka Turkiga weftina wuu inoo jooggaa; dadkii kale oo dhamina waa u jooggaan ka hadalkiisa, hadday tahay mucaarid iyo muxaafidba. Arrinta Tiyaatarka ka dhacaysaa nasiib daro waxay sababtay khasaare dhaawac leh; welina ay xaaladdii taagan tahay. Shaqaaqadan ka taagan Tiyaatarkii oo ku yaalla caasimaddii Somaliland ahna muraayadda laga dheehdo dalka. In maanta ay tan oo kale ka dhacdaa dalka miyaa la filaayey? Xiisaddaa ka jirta Tiyaatarkana waxaa masuuliyadeedda leh Madaxtooyadda. Maamul xumaddani waxay muujinaysaa sida layskaga hor keenayo bulshadda walaalaha ah ee wada deggan caasimadda si loo sameeyo xaalad abuur.

Hadalka Warancadde ee ka hadlaya wadahadalo ka socda Turkiga iyo qaaradda Yurub waxaa uga dhow inuu ka hadlo oo wax ka qabto xaaladda Tiyaatarka Hargeysa. Taasoo muujinaysa maamul xumidda iyo aqoon daradda ka haysa shaqooyinka iyo waajibaadka loo igmaday masuuliyiinta iyo kuwii ku ilaalin lahaa oo meesha ka maqan. Waxaan ugu baaqayaa madax dhaqameedyadda iyo waxgaradka bulshadda deggan magaaladda Hargeysa in ay u guntadaan oo wax ka qabtaan xaaladda cakiran ee Tiyaatarka magaaladda Hargeysa. Adkaynta amnigana meel looga soo wada jeesto..Ilaahay ha dhowro Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here