Miisaanka Maansada: Maqalkaygii Kowaad iyo Madashii Norway!‏

0
130

Qormooyinkani waxa ay faaqidayaan aqoontii suugaaneed ee uu ifka kaga tegay Marxuum Gaarriye oo ahaa Daah-duraha Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. Waxa dhow xilligii la xusayay sannad-guurada labaad ee geerida abwaanka, mufakarka, macallinka iyo halgamaagii weynaa ee 01dii Oktoobar 2012ka ku xijaabtay magaalada Oslo, Dalka Norway.

Ugu horreyn waxyaabaha lagu xasuusto waxa ka mid ahaa daahfurka miisaanka maansada. Goorma iyo sidee ayaan u maqlay anigu?

Dabayaqaadii gu’gii 2005ta ayaan markii koowaad yeeshay koor-gacmeed (mobile) ii gaar ah. “Haa, waa inaad tijaabiso adeeggiisa togan ” ayaan ku fekeray. Dadka aan aminihii horeba wacay waxa ka mid ahaaa Macallin Cali Axmed Balayax, maamulaha dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali oo markaas ahaa madaxii goobtayada shaqo iyo barahaygii mudnaa ee Xisaabta iyo Fiisigiska!

Waa gu’gii iigu horreeyay macallinimada, sidaas darteed ayaan xiise badan ugu qabay in aan aqoon korodhsado.

“Asalaama Calaykum”

“Wacalaykuma salaan”

“Adeer waa nabad. Waa Siciid Maxamuud Gahayr”

“Haa adeero, ii warran. Saw nabad ma aha?”

“Waa khayr iyo wanaag. Waxa aan doonayay in aan ka qaybgalo aqoon-korodhsiga bisha Jenewari loo qabanayo bareyaasha dugsiyada sare ee Somaliland”

“Haa waa hagaag. Maaddada suugaanta ayaan ku labayn doontaa Macallin Maxamuud Budul (Qallaaf) ee iigu kaalay bar-maamuleedka (xafiiska) haddii Alle idmo”

“Haye iyo hawraarsan. Mahadsanid”

“Hagaag. Adiga ayaa mudan”

Sidaas ayaan kaga qayb-galay kulan-cilmiyeed ay isugu yimaaddeen bareyaasha suugaanta iyo afka ee dugsiyada sare ee Somaliland oo ka kala socday lix gobol oo kala ah Awdal, Maroodijeex, Saaxil, Togdheer, Sanaag iyo Sool. Malaha da’ ahaan iyo waayo-aragnimo ahaanba aniga ayaa ugu hooseeyay ruug-caddaagii madashaas isugu yimi 16kii illaa 23kii bishii koowaad ee sannadkii 2006da. Sidaas darteed ayaan u ahaa arday aqoontiisa gaaban ku kaaba aamus! Sagaal beri oo aanu isu nimi mar keliya ayaan istaagay si aan u jeediyo faallo-wadareed ay sameeyeen koox ka koobnayd shan macallin oo aan ka mid ahaa! Kobta aanu sooryada garaadka isugu gudbin jirnay waa dugsiga maanta la yidhaahdo Sheekh Ibraahin Sheeh Yuusuf Sheekh Madar (Gacan-libaax) oo ku yaalla faras-magaalaha Hargeysa.

Golahan waxa daaddihiye iyo shirguddoon ka ahaa Cabdirisaaq Axmed Geeddi (Aakhiro). Isaga oo ku jira mid ka mid ah abbaarihii aanu faaqidaynnay ayuu macallinku si guudmar ah noogu sheegay Miisaanka Maansada iyo in ay soo saareen Abwaan Gaarriye iyo Bare sare Carraale oo labaduba ka shaqayn jiray Jaamacaddii Lafoole. Xogtu bilaw ayay ii ahayd, kanshadaasina kuma filnayn in aan habsami gunta ugu dhaadhaco oo aan laaska ka soo darsado xareed aan ku harraad baxo. Biniixintaas kaddib waxa aan saadaasha ku daray in aan ka salgaadhi doono baadidoon aan dhexda ugu xidhay kor u qaadista aqoontayda ku aroorta miisaanka iyo jaadadka maansada Soomaalida!

Mudanka kale ee aan madashaas goobjoogga u wada ahayn waxa ka mid ahaa:

· Ismaaciil Yuusuf Cabdi (Jiheeye) (MAROODIJEEX

· Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan (MAROODIJEEX

· Macallin Ladane (MAROODIJEEX)

· Macallin Khadra (MAROODI-JEEX)

· Macallin Yuusuf (MAROODIJEEX)

· Macallin Shardi, (AWDAL)

· Macallin Abokor (SANAAG) IKK

Dayaxaasi waxa uu ahaa iftiinkii ii caddeeyay inaha aan ka bawsaday cilmiyada suugaanta ee aan maanta ku tamariyo, waa damal iyo dooyo aan bogaadiyo oo aan dhaqan, maahmaah, murti, halqabsi iyo hummaagaynba ka korodhsaday. Aniga oo guraaga mariyay miid aan lagu margan iyo casharro malab ah oo maanka degay ayaa la soo af-meeray tayo-kaabkii loogu tala-galay tarminta tacliinta macallimiinta dugsiyada sare oo ay maaddo weliba gaarkeeda fagaare gooni ah ugu aloosnayd!

Haddaba jidkee ayaa loo maray in la caddeeyo Aabbaha Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. Waxa aynu soo qaadan doonnaa qoraallo aan hore ugu baahiyay Diiwaanka Culuumta Maansada oo 2012kii lagu daabacay dalka Sweden.

4.6.2 MIISAANKA MAANSADA

Miisaanka Maansadu waa furaha lagu kala saaro qaybaha Maansada. Miisaanka Maansadu waa hal-beega lagu cabbiro dhererka tixaha kala gedisan sida: gabayga, geeraarka, shiribka IWM. Miisaanka Maansadu waa cilmiga fududeeya kooxaynta Maansada iyo in Maansada loo qaybiyo bado kala gadisan.

Miisaanka Maansadu waa cabbiraha sheega maansada uu laaxinku ku jiro ama aanay meerisyadeedu u allifnayn sidii saxda ahayd, inkasta oo dhawaaqa Maansadu yahay ka markiiba lagu garan karo Maansada laaxinka leh. Miisaanka Maansada waxa ay dad badani ku tilmaamaan in uu yahay, daah-fur suugaaneedkii ugu qiimaha badnaa ee ay Soomaalidu samaysay Qarnigii Labaatanaad.

Yaa daah furay Miisaanka Maansada Soomaaliyeed? Su’aashaas jawaabteeda waxa ka taagnayd dood aad u kulul. Labada aqoon yahan ee Professor Cabdilaahi Diiriye Guuleed “Carraale” iyo Abwaan Professor Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” ayuu mid kastaaba warbaahinta, iyo goobaha cilmiga ahba gaarkiisa uga sheegay in uu yahay “Daahfuraha koowaad miisaanka maansada”. Meelaha ay dooddaasi ka soo farcantay waxa ka mid ah

· Maqaalo ka hadlaya Miisaanka Maansada oo uu Gaarriye ku daabacay wargeyskii Xiddigta October 17/January/1976.

· Buug la yidhaahdo “Gorfeynta Gabayga”, oo uu Carraale sheegay in uu dhamaystiray 1976.

· Buug la yidhaaho “Miisaanka Maansada” oo uu Carraale sheegay in uu dhameeyay 1977, labadaas buugba waxa uu Carraale sheegay in ay ka iibsatay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed. Labada buug waxa uu Carraale isugu geeyay buug la yidhaahdo “ Miisaanka Maansada Soomaaliyeed”, oo la daabacay 2003, oo uu Cismaan Xamari googol-dhiga buugga ku xusay in Carraale yahay daah-furaha koowaad ee Miisaanka Maansada.Daabacaadda buuggan miisaanka maansada waxa lagu tilmaami karaa sababta u weyn ee sii hurisay doodda labada aqoonyahan, intaas kadibna waxa jiray maqaalo iyo hadallo la isku weydaarsan jiray saxaafadda, hadaladaas iyo maqaaladaas saxaafadda la isku weydaarsanayayna waxa ay sii huriyeen muraankii ka taagnaa qofka loo aqoonasanayo “Daahfuraha koowaad ee miisaanka maansada Soomaaliyeed”.

· Maqaal uu dooddan Jan/2006 ka qoray Cabdiraxmaan Faarax Barwaaqo, oo uu ciwaankiisu ahaa Kuma ayaa loo aqoonsanayaa Aabbaha miisaanka maansada Soomaalida ? Ma Carraale mise Gaarriye”

4.6.1.1 ARAGTIDA CARRAALE EE AABBAHA MIISAANKA MAANSADA

Waraysi ay mareegta Wardheernews.com la yeelatay Carraale 20/May/2008, ayaa mar kale xamaasadda dooddan ku saabsan daahfuraha koowaad ee Miisaanka Maansada sare u qaaday. Wareysigaas waxa uu Carraale ku sheegay in uu yahay Aabbaha miisanka maansada, wareysigaas waxa uu nuxurkiisu noqonayaa mid ka waramaya in uu Professor Carraale yahay daahfuraha miisaanka maansada, waana kan wareysigii oo u dhigan qaab warbixin ahi:

Cabdilaahi Diiriye Guuleed Carraale, waxa uu dugsigiisa hoose/dhexe ku qaatay gobolka Togdheer 1958-1965, dugsiga sarena waxa uu ku qaatay National Teacher Education College “NTEC’, shahaadada Jaamacada ee BSC waxa uu ku diyaariyay kulliyadii macalimiinta ee Lafoole, shahaadada MA waxa uu Carraale ku diyaariyay University of California and Los angels “UCLA”, imakana waxa uu dagan yahay dalka Demark.

Carraale oo ay waraysi la yeelatay mareegta Wardheernews.com, ayaa sheegay in uu yahay daahfuraha miisaanka maansada, Carraale waxa uu tibaaxay in sanadkii 1972-kii loo dhigay meter-ka gabayga Ingiriisiga, isaguna uu ku fakaray in uu helo miisaanka maansada Soomaalida.

Carraale waxa kale oo uu caddeeyay in ay u suurogashay helitaanka miisaanka maansadu, isaga oo miisaanka maansadana u dhigay saddex xeer, sanadkii 1975-kiina uu dhameeyay buug magaciisu yahay “Gorfaynta Gabayga”, 1976-kiina uu wargeyska xiddigta Oktoober ku daabacay maqaalo ka hadlaya miisaanka maansada, 1979-kiina uu aqoon iswaydaarsi ka dhacay Jubba Hotel uu ka akhriyay warqad ka turjumaysa miisaanka maansada.

Mar Carraale la waydiiyay su’aal ku saabsanayd in dad badani Gaarriye u aqoonsan yihiin daahfuraha miisaanka maansada, iyo sida uu arrinkaas u arko, waxa uu Carraale ku jawaabay “Kolkii aan “Gorfaynta Gabayga” dhameeyey, ayaa Faarax Abokor Khayrre (Faarax-askari) oo qoraalkayga la socdey, Marka-na ka wada shaqayneyney, ayaa Xamar inta uu tegey, hawshayda warkeedii faafiyey. Isaga ayaa markaa u sheegay Gaarriye in aan helista miisaanka ku guuleystey. Isla toddobaadkaa dhexdiisii, waa 1976, ayaa Gaarriye jariidaddii Xiddigta Oktoobar qoraalkiisa ku bilaabay. Anigu marka qoraaladaasi soo baxayaan waxaan joogaa Marka oo Xiddigta Okboobar ma heli jirin”.

Carraale waxa uu intaas raaciyay magacyada dad uu ku tilmaamay in ay goob ka ahaayeen daahfurkiisa miisaanka maansada kuwaas oo ay ka mid yihiin;

Faarax Abokor Khayrre- bare

Faadumo Axmed Caalin “Cureyja” (agaasimihii qaybta maaliyadda ee Jaamacadda Ummada Soomaliyeed)

Xasan Aw Daahir Qaalib – bare(maamulihii xafiiska manaahijta)

Siciid Saalax Axmed – bare (Maamulihii Kooxda Iftin ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta),

Maxamed Ibraahim Warsame – Hadraawi

Prof. John William Johnson

Dr. Xuseen M. Adan

Si kastaba ha ahaatee Carraale waxa uu aad u xoojiyay in uu yahay daahfuraha miisaanka maansada Soomaalida, oo uu diyaar u yahay dood lagu kala saaro muranka ka taagan cidda daahfurtay miisaanka maansada ee u dhexeeya isaga iyo Gaarriye, iyo waliba tayada labada miisaan ee ay soo kala saareen isaga iyo Gaarriye.

Carraale iyo Gaarriyeba waa laba aqoon yahan, oo hawl badan galiyay, wakhti badan, fikir iyo dadaalna u hurey soo saarista iyo horumarinta Miisaanka Maansada, cilmiga ay daahfureenna dadku waa ku intifaacay. Labadooduba waxa ay mudan yihiin in looga mahad-naqo hawshaas ay qabteen. Su’aasha taagan ayaa se ah kuma ayaa markii koowaad daahfuray miisaanka maansada?

Aqoonyahanno badan ayaa aragtidooda ka dhiibtay qofka daahfuray miisaanka maansada, dadkaas hadlay qaar ka mid ahi waxa ay rumaysnaayeen in Carraale daah-furay miisaanka maansada, qaar badan oo kalena waxa ay aaminsanaayeen in Gaarriye daah-furay miisaanka maansada.

Dad kooban oo faro-ku tiris ah ayaa arrintan uga hadlay si dhexdhexaad ah, hubsiimona leh, waxaana dadkaas ka mid ah Qoraaga Maxamed Xirsi Guuleed “Abdibashir”, oo aragtidiisa soo bandhigay

4.6.1.2 Aragtida Maxamed Xirsi Guuleed “Abdibashir” ee Aabbaha miisaanka maansada

Maxamed Xirsi Guuleed “Abdibashir”, waxa uu aragtidiisa ku soo bandhigay maqaal uu ciwaankiisu yahay “Yaa loo aqoonsanyahay Aabbaha miisaanka maansada Soomaaliyeed? Ma Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) mise Cabdillaahi Diiriye Guuleed (Carraaale)?”, maqaalkaas oo soo baxay 3/062008.

Maxamed waxa uu ugu horreyn qoraalkiisa ku caddeeyay in aanu Miisaanka Maansadu ahayn suugaantii koowaad ee lagu murmo cidda daahfurta ama allifta, isaga oo tusaale u soo qaatay suugaantan lagu muransan yahay cidda curisay:

· Gabayga uu tuducyadiisa ka mid yahay “ Qab qab dhaafay bay laba qabiil, Qaran ku waydaaye.

· Gabayga “ Muslinnimo nimaan kugu dhaqayn muumino khaas ah,

Gaal maxasta kuu dhawra ood, magansataa dhaama” iyo

· Heesta Calanka Soomaalida ee “Soomaaliyeey toosoo, toosoo isku tiirsada eey, hadba kiinna taag daraneey, taageera waligiineey”, heestan cidda alliftay waxa lagu kala sheegaa Yuusuf Xaaji Aadan Qabille, Qaasim Hilowle, iyo Cali Mire Cawaale.

Maxamed Xirsi waxa uu tibaaxay in uu ka war helay muranka ka taagan cidda daahfurtay Miisaanka maansada sannadkii 2004, xilligaas oo uu helay buugga ‘miisaanka maansada Soomaaliyeed” ee uu qoray Carraale, sanad kadibna waxa uu Maxamed la kulmay Abwaan Gaarriye oo safar ku marayay dalalka Yurub, xilligaas waxa uu Gaarriye xaqiijiyay muranka ka taagan daahfurka koowaad ee miisaanka maansada.

Maxamed Xirsi waxa uu caddeeyay in Gaarriye yahay mudduci, oo ah qof wax tabanaya, Carraalena uu yahay muddaacale, oo ah wax laga tabanayo, waxa la isku haystaana uu yahay daahfurka koowaad ee miisaanka maansada.

Maxamed Xirsi waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la kala saaro labada aqoonyahan ee daahfurka isku haya, iyada oo kala saaristana ay ka qaybqaadanayaan :

· Xeerbeegti kala saarta labada aqoonyahan

· Xeer ilaaliyeyaal, ilaaliya cidda jebisa xeerka

· Qareenno u hadla, afhayeenona u noqda labada aqoonyahan

· Caddaymo, ay soo bandhigaan labada halabuure oo raadraac ah, si guurtidu wax u xukumi karto

· Markhaatiyaal, mawduucan waxa markhaati ka noqon kara qoraalada la hayo

Maxamed waxa uu sheegay in Abwaan Gaarriye uu sanadkii 2003-da goleyaal badan ka sheegay lahaanshihiisa daahfurka koowaad ee miisaanka maansada, iyo in uu daahfurkaas koowaad ku qabsaday Carraale, sanadkii 2006-na uu Cabdiraxmaan Faarax Barwaaqo, qoray maqaal ciwaankiisu yahay “Kuma ayaa loo aqoonsanayaa Aabbaha miisaanka maansada Soomaalida ? Ma Carraale mise Gaarriye”, qoraalkaasna uu ku ladhay nuquladii wargeyska xiddigta October ee uu Gaarreiye ku daabacay miisaanka maansada 17/01/1976, Carraalena uu ku daabacay 1978.

Maxamed isaga oo ka hadlaya maqaalkaas caddaymaha wata ee uu qoray Cabdiraxmaan Faarax Barwaaqo waxa uu yidhi “Marka aad si weyn u dhuuxdo qoraalka Cabdiraxmaan Barwaaqo, waxa inoo caddaanaya in aynu helnay qareen wax ku ool ah oo labada hal abuure mid ahaan u soo baxay. Taasi waa sidii la rabay –Marraa waaxid. Marka aad ka dheregto tabashadii Gaarriye iyo tafatirka qareen Barwaaqo, waxay indhahaagu eegayaan dhinaca macalin Carraale adiga oo leh: “Carraaloow soo gar bax ama Gaarriye u qir”.”

Guntii iyo gebagebadii waxa uu Maxamed Xirsi qoraalkiisa ku soo gunaanaday habkii loo kala saari lahaa labada aqoonyahan ee Carraale iyo Gaarriye, iyada oo caddaymo laga raadinayo qoraalada ay labada aqoonyahan sameeyeen.

Aragtida Abwaan Gaarriye ee Aabbaha miisaanka maansada

Wakhtigi waa socdaa, wali Gaarriye wax jawaab ah lagama hayo, dadka qaarba su’aalo ayaa maskaxdooda ka dhex guuxaya, su’aalahaas oo ay ka mid yihiin:

1.Miyaanu waraysiga Carraale bixiyay ee jawaabta u baahani gaadhin Gaarriye?

2.Muxuu Gaarriye u jawaabi waayay muddo dhan laba bilood?

3.Miyuu is dhiibay Gaarriye, illeen aamusku waa calaamad raali ahaansheed e?

4.Miyuu Gaarriye gaashaanka u daruuri doonaa hadalka Carraale?

5.Caddaymo iyo hadalo sidee ah ayuu Gaarriye bulshada tusi doonaa?

Wareysiga Carraale laba bilood kadib oo ku beegan 28/September.Ayuu Gaarriye waraysi siiyay shabakada wardheernews.com, wareysigaas oo uu Gaarriye si adag ugu difaacay hadaladii Carraale, isla markaana uu ku sheegay in uu yahay ninkii koowaad ee daahfuray miisaanka maansada.

Abwaan, Professor Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa, waxbarashadiisa dugsiga sarena waxa uu ku qaatay Sheekh, waxaanu ka qalin-jabiyay jaamacaddii Lafoole, waxa uu ka tirsanaa akadamiyaddii cilmiga iyo fanka, 1977-kii ayuu macallin ka noqday kulliyadii suugaanta Soomaalida ee Lafoole, wakhtiga ay dooddani socoto oo ah sanadka 2008-na waxa uu Gaarriye wax ka dhigaa jaamacadaha Hargeysa, Camuud iyo jaamacad ku taalla magaalada Oslo ee dalka Norway.

Gaarriye waxa uu ku sheegay waraysiga ay la yeelatay mareegta Wardheernews.com in sanadkii 1969-kii loo dhigay wasniga “miisaanka” maansada carabiga ah oo uu helay Khaliil Axmed Al-Faraahiidi, isaguna uu isla sanadkaas ku fakaray baadhitaanka iyo helista miisaanka maansada Soomaalida, laakiin taasi ay u suurtogali wayday Af-Soomaaliga oo aan xilligaas qornayn awgeed. Markii Af-Soomaaliga la qoray sanadkii 1972-kii, ayay Gaarriye sida uu sheegay u suurtogashay in uu helo miisaanka maansada Soomaalida, isaga oo miisaanka maansada ku daabacay wargeyskii xiddigta Oktoober taariikhdu markii ay ahayd 17/Jenawari/1976- 29/May/1976, hawshana waxa ku dhiirigaliay Xaaji Muuse Galaal iyo Guush Andarawiski.

Gaarriye waxa uu ku dooday in uu yahay qofkii koowaad ee helay miisaanka maansada Soomaalida, taaasna ay qoraaladiisu marag ka yihiin, mar Gaarriye wax laga waydiiyay hadalka ka soo yeedhay Carraale, ee uu Carraale ku tilmaamay in uu daahfuray miisaanka maansada waxa uu yidhi “Carraale waxa uu goob ka joog ka haa marar badan oo aan arrintan kaga hadlayay jaamacadda Lafoole, waxa kale oo uu naqdin lahaa qoraaladii aan sameeyay Jenewari-May 1976, sidii ay dad kaleba doodooda wargeysa ugu soo bandhigeen ee aan aniguna isla wargeyska qudhiisa ugu jawaabay”.

Gaarriye waxa uu tibaaxay in uu jiro farqi u dhexeeya miisaankiisa iyo miisaanka Carraale, waxaanu tibaaxay in uu diyaar u yahay dood loo qabto isaga iyo Carraale, doodaasna uu ku soo bandhigi doono daah-furkiisii miisaanka maansada iyo waxbaabo kale oo ku saabsan suugaanta oo uu ku ogaaday cilmibaadhistii uu sameeyay. Si kastaba ha ahaatee Gaarriye waxa uu ku nuuxnuuxsaday in uu yahay daahfuraha miisaanka maansada.

Markii ay wareysidaas kala-maanka ah bixiyeen labadaas aqoonyahan suurtogal way ii noqon wayday in aan u garsooro labada aqoon yahan, waayo xilliga ay labada aqoon yahan soo bandhigeen hawshan maba aan dhalan anigu.

Dadwaynuhuna guud ahaan aad ayay ugu jahowareereen, weedhaha iska soo horjeeda ee ka imanaya labada aqoonyahan waa Abwaan Gaarriye iyo Professor Carraale. Bulsho badanina waxa ay dhursugaysay insha Allah inta dood fool ka fool ah, la isku soo horfadhiisinayo Gaarriye iyo Carraale. Garsoorna lagu kala saarayo iyada oo la eegayo caddaymaha uu mid walbaaba haysto. Garina laba nin kama wada qoslisee, labadooda mid ka mid ahna loo aqoonsanayo “Daahfuraha koowaad ee miisaanka maanada Soomaaliyeed”.

Waxa ay dad badani aad u farxeen markii mareegta hadhwanaagnews.com lagu arkay Ogeysiis sheegayay in Gaarriye iyo Carraale loo qaban doono dood ku saabsan cidda daahfurtay miisaanka maansada. Dadwaynahana lagu martiqaaday in ay ka soo qaybgalaan. Doodaas oo 2/December/2008 ka dhacaysay magaalada Oslo ee Caasimadda dalka Norway.

4.6.1.4 Qabashadii Doodda iyo Garsoorkii Guddiga

Dooddan oo aad loogala socday saxaafada kala geddisan, gaar ahaana warbaahinta qoraalka ah, sida mareegaha internetka, iyo jaraa’idkaba, waxa ay warkii ka soo baxay, natiijadii ay ku dhamaatay iyo war-murtiyeedkii laga soo saarayba u dhignaayeen sidan:

“29kii November (Sabti), ayay labada aqoonyahan iyo gudigu isugu timi guri ku yaalla Oslo, Norway, waxaanay gudigu dhagaysteen dood dhex martay labada aqoonyahan, waxayna arkeen qoraallo la socday bandhigga markhaati ahaan, qoraallada gudigu aragtay waxa uugu muhiimsanaa kuwan:

(1) Maqaal ka hadlaya miisaanka Maansada Soomaaliyeed oo ku soo baxay wargeyskii la odhan jiray “Xiddigta October” cadadkiisii 17l/Jenawari/1976-kii. Maqaalkaas waxa lahaa Gaarriye.

(2) Buug aan la daabicin, oo la yidhaahdo “Gorfeynta Gabayga”, buuggan waxa qoray Pro Cabdilaahi Diiriye Guuleed “Carraale”, waxaanu Carraale ku dacwiyay in uu buuggaasi dhammaaday 1976, kadibna uu Jaamacaddii Soomaaliya ka iibiyay.

(3) Buug kale oo uu qoray Pro Carraale, oo isna aan la daabicin kuna saabsan miisaanka maansada, taariikhdiisuna tahay 1977.

(4) Buugga daabacan oo uu Pro Carraale yidhi “Waxaan isugu geeyay, labada buug ee kor ku xusan”.Buuggaas waxa la daabacay 2003.

Markii labada aqoon yahan dhamaysteen doodda ayay guddigi u soo jeedisay in arrintaas loo abbaaro, sidii oodo dhacmeed loo kala guri jiray. Arrinta ku saabsan tayada miisaanka labada aqoonyahan, waxa ay u baahan tahay in dad suugaanta yaqaanaa ka gar naqaan. Waxa kale oo ay gudigu soo jeedisay dood dhexmarta labada aqoonyahan oo dadwaynaha oo la isu dhagaysto, wanaaga iyo sida ay u kala tayo roonyihiin labada miisaan, waxa kala saari kara dadwaynaha Soomaaliyeed iyo aqoonyahanno si khaas ah ugu xeel dheer barashada suugaanta.

Sidaas awgeed waxay gudigu ku talisay in arrintaas dhextaalla labada aqoonyahan, loo qaybiyo laba qaybood.

1. Ta ku saabsan yaa hor curiyay miisaanka maansada, way ka garniqi kartaa guddigani, iyadoo markhaati looga raadinaayo qoraaladii lagu soo bandhigay doodda labada aqoonyahan.

2. Arrinta ku aaddan tayada, sida ay u kala waafisan yihiin labada miisaan, ha loo daayo dadwayne isu dhagaysta labada aqoonyahan, waana sida caalamkaba caadiga ah, laba ama ka badan oo wax isku mid ah wada qora, akhristeyaasha ayaa kala saara.

Markii qeexiddaa lagu heshiiyay, ayaa guddigu gooni u baxday si ay go’aan uga soo gaadho, labada aqoonyahan, kooda loo aqoonsado, curiyaha miisaanka maansada, gudigu waxay ka dooday qoraalladii la keenay ee kala ahaa: Maqaal lagu daabacay Xidiggta October, iyo buugagga aan la daabicin, keebaa loo aqoonsan karaa, qoraalka ka markhaati kici kara, kala horraynta soo saarka miisaanka maansada??.

Dood dheer kadib waxa ay guddigu isku raacday, in aan qoraallada la daabicin loo aqoonsan Karin markhaati, qoraalkii ku soo baxay Xiddigta October 17/January/1976 ee uu lahaa Abwaan Gaarriye ayay markaa gudigu u aqoonsatay in uu yahay markhaatiga qiray cidda soo hor saartay miisaanka maansada, iyadoo isugu dhan, ayay gudigu go’aankaa ku maqashiisay labada aqoonyahan.Waanay aqbaleen.

Golahaa koobnaa ee gudigu isugu keentay Carraale iyo Gaarriye, wuxuu meesha ka saaray qodobkii ugu xasaasinaa ee ahaa “Yaa hor daahfuray miisaanka maansada”. Wuxuu noqday gole lagu guuleystay, oo aad isugu soo dhaweeyay labadii aqoon yahan ee muranku dhexyaallay.

2/Dec/2008 oo ahayd maalin Salaasa ah, ayaa Jaamacada Oslo, laga diyaariyay dood ballaadhan dood ballaadhan oo dhex marta Carraale iyo Gaarriye, waxay ahayd dood cilmiyeed aad iyo aad u qiimo badan, oo labada aqoonyahan si heersare ah ugu soo bandhigeen aqoontooda iyo daraasada ay ku sameeyeen miisaanka maansada Soomaaliyeed iyaga oo wata abbaar ama hab kala duwan.Hayeeshee labadooduba waxa ay soo bandhigeen xisaab nuxurkeedu isku mid yahay oo lagu miisaamo maansada.

Labada aqoonyahanba way sii guda galeen gorfaynta miisaanka maansada, waxaanay soo bandhigeen daraasado culus oo aan hore loo maqal, waxay mujiyeen in ay yihiin aqoonyahanno isu haya ixtiraam iyo is qadarin, oo isu qiraya midba waxa uu ku soo kordhiyay cilmigan ku cusub suugaanta Soomaaliyeed.

Ugu dambayntii Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye, oo Xiddigta October ku qoray maqaalo ka hadlaya Miisaanka Maansada Soomaaliyeed 17/January/1976 ayaa loo aqoonsaday “Daahfurihii koowaad ee Miisaanka Maansada Soomaaliyeed”.

Gudiga ka garsoortay doodani waxa ay ahaayeen sagaal xubnood oo kala ah

1.Professor Xuseen Xasan Guuleed-Gudoomiye

2.Cabdilaahi Saleebaan Bide

3.Axmed Cawad Ismaaciil

4.Axmed Warsame “Axmed Dheere”

5.Cali Cismaan Cige

6.Cabdirisaaq Cismaan Fadal

7..Aadan Looshade

8. Axmed Xaaji Nuur iyo

9.Maxamuud Xaaji Ibraahim

Taariikhdu markii ay ahayd 27/7/2009, iyada oo la joogo gebagebada bandhig-dhaqameed loogu magacdaray Maxamed Mooge, oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, waxa Abwaan Gaarriye marag kale u furay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi”, oo sheegay in uu Gaarriye yahay ninkii koowaad ee Hadraawi uu ka maqlo daah-furka miisaanka Maansada bilawga sanadkii 1973, ka hor intii aan Hadraawi lagu xidhin xabsigii Qansaxdheere bishii May/1973, xabsigaas muddo oo uu Hadraawi ku xidhnaa muddo dhawr sanno ah.

Abwaan Gaarriye isaga oo ka hadlaya daahfurka miisaanka maansada waxa uu yidhi “ Anigu waan daahfuray markii koowaad miisaanka maansada, kadibna rag kale oo farabadan ayaa sii horumariyay, qoraalana ka sameeyay, mana ahi qofka ugu aqoonta badan miisaanka maansada, waa laga yaabaa in ay jiraan dad badan oo iiga aqoon badan miisaanka maansadu,waayo ?, imakadanba marka ay dhallinyarada qaarkood su’aalo i weydiiyaan, candhuufta ayaan dib u yara liqaa, maskaxdaydana waxa ku soo dhaca, in ay raggaasi yihiin, kuwii na beddeli lahaa.

Miisaanka maansadu ma aha wax aniga ii xidhan, oo aanay cid kale ka hadli karin, cid kasta oo miisaanka maansada ee aan daahfurey naqdiyeysa, ama wax cusub ku soo kordhinaysana waan soo dhawaynayaa, horumarinta miisaanka maansaduna waa cilmi uu qof kastaaba ka qayb qaadan karo, laakiin taariikhda lama qariyo, ee waxa aad ii xasuusnaataan, in aan ahay qofkii koowaad ee daahfuray miisaanka maansada”.

Imaam Siciid Maxamuud Gahayr

saedmgahair@hotmail.comPicture 104

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here