“Gebilay Ceeb Waxa Ku Ah In Dhuxul Siyaasi Looga Dhigo, Anigu Digasho Ayaan U Qaadanayaa”- Muj. Cali-Gurey
Hargeysa (Hubaal)- Guddoomiye ku xigeenka 3aad Ee xisbiga UCID Muj. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey) Ayaa Ka Hadlay Xiisadda Ka Oogan Magaalada Gabiley iyo Qaabka Ay xukuumadda Madaxweyne Axmed Sillaanyo ku doonayso inay ku maarayso shaqaaqooyinkii dhimashada iyo dhaawaca reebay ee dadka gobolka Gabiley xabbada nool ay ciidammadu ugu jawaabeen.
Cali Gurey oo qoraalo kooban oo hormo hormo u wada socda ku daabacay bogga uu ku leeyahay degelka FACE Book, Waxa uu wax laga xishoodo ku tilmaamay in deminta shaqaaqadaas ay xukuumaddu u wakiilatay xubmo dhego nugul oo uu ka mid yahay Ninka loo yaqaan Axmed Saleebaan Dhuxul Ee Madaxweyne Silaanyo Ugu magacaaban Afhayeennimada, kaasi oo ceeb iyo cirdi-xumo ku ah sharaftii haldoorka Gabiley oo caqligooda lagu Caayayo iyadoo laga dhigayo iyo shacbiga Metelayo.
Cali-Gurey Oo Qoraalladiisa qayb ka mid ah ku bilaabay Tix uu Abwaan Hadraawi Leeyahay, waxaa uu ku bilaabay
“Afku way hud-hudayaa
Hadal buu I leeyahay
Anna waan hor joogaa.
Wax la hado shil bay roon
Wax la helo lib bay mudan
Wax la huro naf baw culus
Wax la hubo wed baa jira..”
Tixdaas dabadeed waxaa Mujaahidku ku xigsiiyey qoraalkiisa “ Xisoonmaayaan. Waa waxa iyagoo weliba sheeganaya inay yihiin intii ugu xigtay Gebilay is dhex taagay ee caruurtii ay rasaasta la dhaceen oo maydkoodii iyo dhaawacoodii yaalo yidhi WELIBA NUSASAACIHII AANU KA QAADNAYNA WAA KAA OO WAA 2500$ WADADA CEERIGAABO AYAANU KU CAAWINAY..GEBILAY ANIGA AYAA TACSI IYO XAALBA ISU RAACINAY. Gebilay ceeb waxa ku ah in Dhuxul siyaasi looga dhigo. Iyada lafteeda anigu digasho ayaan u qaadanayaa.