Wajaale (Hubaal)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Warancadde, ayaa xilkii ka qaaday madaxdii degmada Wajaale ee Gobolka Gabiley, isla markaana u magacaabay masuuliyiin cusub.
Md. Warancadde, ayaa digreeto uu soo saaray maanta xilka kaga qaaday guddoomiyihii degmada Wajaale, Xaashi Maxamed, Cabdi, Guddoomiye-ku-xigeenkiisii Maxamuud Sheekh Muuse Bookh iyo Xogyahihii Dawladda Hoose, Cabdinaasir Xasan Cabdillaahi, kuwaasoo xilalka hayay in ka badan 4 sanno.
Wasiirka Daakhiliga ayaa sidoo kale digreetada uu soo saaray xilalkaas ugu Md. Aadan Muuse Cilmi (Shiine) oo noqonaya Guddoomiyaha degmada Wajaale, guddoomiye-ku-xigeenkiisana Mursan Nuux Cismaan, halka Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoosena loo dhiibay Liibaan Maxamed Jibriil.
Lama sheegin sababaha keentay in mar qudha xilalka laga qaado masuuliyiintii maamulka Wajaale oo ku taal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo sida la sheegay in Guddoomiyaha cusub Md. Aadan Muuse Cilmi (Shiine) ee hadda loo magacaabay yahay qurba-joog ah oo la filayo inuu wax badan ka beddelo degmadaas, isla markaana ka shaqeeyo horumarkeeda, maadaama ay tahay xarun ganacsi oo hanti badan taal.