Nairobi (Hubaal)- Dawladda Kenya ayaa xidhay, isla markaana ruqsadihii ay ku shaqeyn jireen kala noqotay 13 xawaaladood oo Soomaalidu leeyihiin oo ka shaqeyn jiray gudaha dalkaas, iyadoo sidoo kale la hakiyey xisaabaadkii (account) ay Bangiyada ku lahaayeen 86 qof oo dhammaantood Soomaali ah.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Mr. Joseph Ole Nkaissery oo saxaafadda la hadlay maanta, ayaa shaaciyey xawaaladaha la xidhay loo adeegsan jiray in dhaqaale loogu diro Al-shabaab oo falal amni-darro ka riday gudaha dalkiisa, balse ma jiraan wax si rasmi ah u caddaynaya eedaha loo jeediyey xawaalaha iyo shaqsiyaadka Soomaalida ee xisaabahooda la xidhay.
Waxa kaloo uu amar ku siiyeen Bangiyada waaweyn ee ka shaqeeya Kenya in ayna wax adeeg siin karin Xawaaladaha iyo waliba shaqsiyaadka xayiraada lagu soo rogay, arrintaasoo isla markiiba si xooggan loo cambaareeyey, looguna baaqay Kenya inay ka noqoto go’aankaas oo saamayn xun ka dhalan karto.
Dadka qurba-jooga ah ee Soomaalida ah, ayaa eheladooda u dira lacago xawaaladaha loo mariyo oo xadigeedu dhan yahay ilaa $1.3 bilyan oo dollar sannadkii, taasoo waxweyn ka tarta hab-nololeedka dadka Soomaalida ah ee ku nool gudaha dalalka bariga Afrika.
Xawaaladaha waaweyn ee xayiraada la saaray waxa ka mid ah; Dahabshiil, Amal, Amaana, Kaah, Hodan Global, Jubba Express, Iftin, Bakaal iyo shirkaddo kale oo ku shaqo leh arrimaha lacagaha, kuwaasoo ay ka mid yihiin; UAE Exchange Money Remittance, Continental Money Transfer, Flex Money Transfer iyo Sky Forex limited, waxa sidoo kale la xayiray Hay’adda Nabad iyo Horumarka (Agency for Peace and Development), Legend International Consulting limited, Haki Africa, Muslim for Human Rights Groups (MUHURI) iyo kuwa kale, iyadoo qaar ka mid ah hay’adahaas la xayiray sheegeen in aanay wax lug ah ku lahayn eedaha la saaray, maxkamadna la tegi doonaan go’aanka Kenya.
Dadka tiradoodu dhan tahay 86-ka xubnood ee xisaabaadkooda la xayiray waxa ku jira culimada caanka ah ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal iyo Maxamed Sheekh Cismaan Cigaal.
Go’aanka dawladda Kenya ku xayirtay xawaaladaha iyo xisaabaadka shaqsiyaadka Soomaalida ah, ayaa ka dambaysay markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab qabsadeen jaamacad ku taal magaalada Garisa, kuna dileen in ka badan 150 qof toddobaadkii hore, iyadoo sidoo kale Al-shabaab weeraro iyo qaraxyo kala duwan ka fuliyeen degaanno muhiim ah oo ku yaal Kenya.
source:Jamhuuriyamedia