“Maadaama Aanay Suurto-gelayn In Somaliland Ay Ka Tallaabaan Fallaago Lid Ku Ah Itoobiya, Taas Beddelkeeda Maxaa Sababay In Fallaago Somaliland Lid Ku Ahi Ay Itoobiya Ku Dhuuntaan?
W/Q: A. A. Dhoolayare-Wasiirkii Caddaaladda ee Dawladdii Rayaale
Marka aynu dib u jaleecno taariikhda dabcan Itoobiya waa dawlad guun ah oo wax la qaybsatay gumeystayaashi reer Europe ahaydna dal soo jireen ah ila xiligi maroodiga ee ay ku duuleen Maka,inkastoo aanu waddanku xilligaas ahayn dhul weynaha maanta ee uu ku koobna ardul xabash oo aanay xuduud jirin,balse dhulka inta kale waxa ku noola qomiyado ay Tigreega iyo Xabashidu ka ilbaxsanaayeen,taasi waxay keentay inay dal balaadhsi ku sameeyaan qomiyadaha oo ay ku qabsadaan iyaga oo ka faa’iidaystay dawladihii reer Europe awoodoodi kuna beer laxawsan jiray inay Diin wadaagaan.
Sidaasi waxay u sahashay inay yeelato dal balaadhan laakiin aan xeeb lahayn.Dawlada Itoobiya waxay in baddan ku dadaashay inay hesho marin badeed ay wax kala soo degto. Hase yeeshe umay suurta-gelin arintaasi .
Waxay isla soo qaadeen gumeystihi Ingiriiska inuu ugu bedelo Reserve Area ama dhulka Hawdka, xeebta Saylac iyo dhinaca Galbeed.Waxaynu ognahay dagaaladii dheera ee ka qabsaday Eretria. Isku soo duubo waxaas oo dadaal ah inay Itoobiya xeeb hesho may suurta-gelin ilaa maantana way u oomantahay inay hesho marin ay leedahay.
Nasiib-wanaag Itoobiya waxay heshay marinka Djibouti oo ah Dekedda dhaqaalaheedu ku tiirsan yahay lana noqotay saaxiib dhow xata gumaysigi Faransiis-ka ka dib dabcan Djibouti lafteeda dhaqaalaha ugu badan waxay ku tiirsan tahay dekedaha macmiilna u tahay Itoobiya.
Inkastoo ay Itoobiya tahay dawlad la qaxwaysay gumaystayaashi reer Europe hadana kumay talaabsan horumarka ay gaadheen dawladihii ay la qayr ahayd.Waxaana sabab u ahaa boqortooyo ragaadisay iyo inqilaabyo military dagaalo qadhaadh oo ay la gashay Erteria iyo Soomaaliyadi hore. Itoobiya horumarka ay maanta ku talaabsatay oo heshay dawlad mayalka u qabatay islamarkaana qoomiyadihi siisay ismaamul hoosaad ay badankoodu ku qanacsan yihiin inkastoo ay jiraan jabhado weli kula jira dagaalo gaadmo ah.
Si kastaba ha ahaate, waxa meesha ka baxay colaadi dhex taalay Soomaaliya iyo Itoobiya kadib burburki dawladi dhexe ee Soomaaliya. Sideeda-ba iyadoo ay jireen dal ay Soomaalidu sheegan jirtay oo colaada u sabab ahaa waxa meesha ka saaray taliskii Siyaad Bare oo u saxeexay inaanay Soomaalidu Itoobiya wax-ba ku lahayn,isaga oo xiliga ku bedeshay inay soo saarto Jabhadii SNM laakin u dhacday in laga tuuro xukunkaba SNM-na ku dhawaaqday inay soo ceshato xorriyadeedi ka luntay lixdankii taasina mar labaad u noqotay Itoobiya inay ka nasato colaadi ka dhaxaysay markay Soomaaliya jirtay. Islamarka waxa meesha ka baxay Dawladii Masar ee aynu u ahayn askarta u ilaalisa inaan Itoobiya Taataaban biyaha wabiga Niilka oo ay masar dan wayni ugu jirto inay sii jirto Somaliweyn si ay danaheeda ugu ilaashato. Taariikhda oo aan la soo koobi karin dulucdu waxay tahay Maanta Somaliland iyo Itoobiya oo soo maray marxalado dagaal oo la is waydaarsan jiray madaafiic maantase waxa lagu bedelay in ubax la isweydaarsado nabadna lagu naaloodo.
Hadaba Somalilanad oo aan haysan aqoonsi caalami ah lehna xeeb dheer,xuduud dheerna la leh ayaa waxa Itoobiya looga baahan yahay inay Somaliland garab joogsato iyadoo danteeda ilaashanaysa oo ay waajib tahay inay wax tarto lagu adkaynayo nabadgelyada dana u ah Itoobiya si aanay fursad u helin jabhadaha ONLF iyo Oromada ku kacsani aynu ognahay inay la tacaasho Somaliland ilaalinta inaan wax Itoobiya lagu dhibaateeyo ka gudbeen xadkeen.
Hase ahaate, aynu ognahay In Itoobiya anay door-weyn ka qaadan nabadgelyadaas dantu ugu jirto aya waxaynu ognahay in hore ay u dhacday in falaagada khaatumo dabada geliso Dhulka Itoobiya hadana waxa ku gabada Suldaanka falaagada ah ee reer Boorame (Wabar) ninkaas oo aan fakirin khasaaraha dagaalada iyo cidda ku dhibaatoonaysa oo ah reerkiisa oo ku naalooda nabad aanay marna la kulmin colaad wax dhibaato ahina ka soo gaadhin dagaaladii dhacay.
Sidaasi darteed maadaama aanay Somaliland ka suurta-galayn inay soo talaabaan falaago lid ku ah Itoobiya maxa u sabab ah inay dhacdo in ciidan falaago ahi ku dhuuntaan Itoobiya. labada dalna keeba u nugul falaago ku dhuumata dalkeeda,waxaan filaya inaanay Itoobiya ka qarsoonayn kaalinta nabadgelyada ee aanu kharash kaga bixin ee ay Somaliland kaga dayran tahay.
Waxaan ku soo koobaya haddii aanay wax u qarsooni jirin Itoobiya oo aanan fila hayn inay ku bedelan karto jaarnimada wanaagsan ee inaga dhaxayso .Taas waxa Itoobiya ay ku khasban tahay inay la shaqayso xukuumada oo aynu ognahay inay Itoobiya inooga baahi badan tahay ilaalinta nabada loogana fadhiyo inay ka taageerto Somaliland adkaynta nabad galyada iyo tababarka ciidamada”
W/Q: Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare)
Hargeysa Somaliland