Hargeysa, (Hhubaal)- Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, ayaa shaacisay inay ku guulaysatay in la isku xidho ama wada-hadlaan adeegga telefoonnada ee ay bixiyaan shirkadaha kala duwan ee dalka ka jira.
Shir Isniintii shalay masuuliyiinta Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiintu xaruntooda kula yeesheen wakiillo ka kala socday dhammaan shirkadaha isgaadhsiinta ee ka shaqeeya Somaliland, ayaa doodo iyo gorfayn dheer kadib waxa dhinacyadu isla qaateen in la mideeyo wadahadalka shirkadaha telefoonnada, isla markaana la sameeyo guddi madaxbannaan oo ka socota shirkadaha kala duwan oo ay wadashaqayn yeeshaan Wasaaradda Boosaha.
Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Maxamed Jaamac Abgaal oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in kulamo is-dabajoog ah oo ay la yeelanayeen shirkadaha ay wax badan isla garteen.
Wasiir Abgaal oo faahfaahinayey kulanka ay la yeesheen shirkadaha iyo natiijadiisana waxa uu yidhi, “Waxaynu ognahay in shirkadaha isgaadhsiinta ee dalkeennu mid waliba iskeed si gooni ah u shaqaysato, waxa ugu wayn ee dareenka dadweynaha aad culayska ugu hayaana waa in shirkadaheennii iyagoo isku Somaliland ah oo xarumahoodu wada degan yihiin Hargeysa aanay wadahadal oo dadkeenna qof waliba intii Telesom doonaysaa wadahadasho, intii Somtel doonaysaa gooni u wada hadasho, markaa aannu jirin hal telefoon oo innaga dhexeeya oo aynu ku wadahadali karnaa.
Sidaasi darteed, waxaannu la kulanay maanta shirkadaha sidii loo hirgelin lahaa barmaamijka isku xidhka oo ay wadahadlaan, markii aannu wadahadalnayna runtii way noo garaabeen inay laga maarmaan tahay in telefoon keliya laga wadahadlo oo shirkadu isku furnaadaan.”
Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Faysal Cali Sheekh, ayaa isna xusay in ay wasaarad ahaan dadaal xooggan ugu jiraan sidii ay u hirgelin lahaayeen adeegga boosta, iyagoo kaashanaya cid ay la wadaagaan mustaqbalka dhaw.
“Sida nidaamka suuqa xorta ah ee dawladdeennu qaadatay ayey u jiraan shirkado gaar loo leeyahay (private) oo dhinaca boosta ahi, waana muhim in dawladdu ugu yaraan ay qabsato dhexdeeda wixii dhukumenti u kala soconaya (boosta), horena waanu uga soo shaqaynay oo gobollada oo dhan waanu soo nidaaminay xarumihii ay lahayd wasaaradda boostu oo qorshaha guud ayaanu soo gelinay, laakiin in xarumihii oo dhan la dhisaa waxay u baahan tahay kharash, mustaqbalkana waxaannu isku dayeynaa in aannu cid la is-kaashan karo,” ayuu yidhi Agaasime Faysal Cali Sheekh.
DAAWO MUUQAALKA WARKAN