KA BOGO: Muuqaallo Is Turjumaya Iyo Tii-dhexaadka Xafiis Wax Badan Ka Taraya  Isku Xidhka Bulshada Iyo Gaadiidka Cirka Oo Madaxweyne Siilaanyo Maanta Kormeer Ku Tegey+Warbixinta Af-hayeenka Xafiiskan+DAAWO SAWIRRADA  

0
39

Hargeysa (Hubaal)- Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Oo ka hor intii aanu Maanta ka dhoofin dalka kormeer ku siimaray isla markaana xadhiga ka jaray dhismaha cusub ee wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka Cirku ka binaysay kaamboolka Madaarka Caasimadda Hargeysa isla markaana ay xafiiskii Wasaaradda Duulistu guurtay xaruntaas cusub, waxa uu intii uu Madaxweynuhu Kormeerka ku marayay xafiisyada wasaaradda meelihii uu soo maray isla markaana ku hakaday kamid ahaa xafiiska xidhiidhka dadweynaha iyo wasaaradda duulista.

Madaxweynaha oo intii kormeerka ku marayay dhismayaasha wasaarada  iyo meelihii uu xadhiga ka jarayba warbixino kaga dhegeysanayay wasiirka wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka circa Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa markii uu gaadhay xafiiska xidhiidhka dadweynaha ee wasaaradda sidoo kale warbixin ku suntan qaab dhismeedka wasaaradda iyo sida ay u shaqayso siiyey madaxweynaha, afhayeenka wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Mr. Sadaam Maxamed Axmed isaga oo ka war bixiyey waxyaabaha uu xafiiskani qabto iyo kaalinta uu kaga jiro isku xidhka bulshada iyo wasaaraddaba.

Afyaheenka wasaaraddu waxa uu sidoo kale carrabka ku dhuftay in kaalin wax ku ool ah uu ka qaatay xafiiskiisu sidii ay bulshada Somaliland iyo guud ahaanba qaranka ugu bandhigi lahaayeen hab sami u socodka wasaaradda duulista iyo hadba waxyaabaha cusub eek u soo kordha, gaar ahaanna horumarka ay maalinba maalinta xigta ku tallaabsato wasaaraddu, maadaama ay xaruntani tahay meelaha ugu horreeya ee laga dheehan karo tadawurka qaranku gaadhay sidoo kalena farriinta koowaad ee beesha caalamku ka yaqiin sanayso horumarka Somaliland marka ay dalka ka soo deggaan madaarka Hargeysa.

Saddaam Maxamed Axmed, Afhayeenka Wasaaradda Duulistu waxa uu hal hal uga war bixiyey waxyaabihii wasaaradda duulista u qabsoomay muddadii uu xafiiskani shaqaynayay, taasina ay wax badan ka tartay waxyaabo badan oo markii hore aan indhaha bulshadu qaban jirin.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa sawirradii Kormeerka Madaxweynaha ee Xafiiska Afhayeenka iyo Muuqaalladii xafiiskaas.

Afhayeenka Duulista Hawada

10441097_766515210035691_8202728046779427256_n-vert

10269398_1491126777771275_823096868736530038_n-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here