“….Da’yarta Daawaneysa, Wareysiga, Ma Laga Yaabaa In Ninkani Uu Farriin Maldahan Diray, Xataa Haddaanu Dirin, Miyaan Dadka Fursad U Siin Inay Ogaadaan Sida Uu Uga Jawaabay Su’aalaha La Weydiiyay?…..”
HALKAN KA DHUGO: Degelka Caalamiga Ah Ee AFTAHAN MEDIA Oo Daabacay Warbixin Uu Yuusuf Garaad Cumar Ku Naqdiyey Waraysi laga qaaday Nin Al-Shabaab ka tirsan
Muqdisho(Hubaal):- Madixii hore ee Idaacadda BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga Yuusuf Garaad Cumar, ayaa ka hadlay, isla markaana naqdiyey Waraysi lala yeeshay Nin lagu sheegay inuu ka tirsan yahay Kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya ka dagaallanta, kaasoo Weriye ka tirsan Idaacadda dawladda Soomaaliya ee Radiyo Muqdisho iyoTelefeshinka Qaranka ee SNTV uu Waraysi la yeeshay Ninkaas oo lagu magacaabo Xasan Muxiyadiin Xasan oo sheegay inuu ahaa ninkii fududeeyey weerarkii Salaasadii toddobaadkii hore lagu qaaday Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho. Yuusuf Garaad Cumar oo qoraal uu Internet-ka ku baahiyey ku naqdiyey Waraysigaas saamayntiisa taban iyo tiisa toban-ba, waxa uu qoraalkiisa ku bilaabay sida tan:- “Dad aan is aragnay iyo qaar dibedda igala soo xiriiray intuba waxay shalay iyo maanta aad u hadal hayaan wareysi Telefishinka Qaranka Soomaaliya SNTV shalay laga sii daayay welibana lagu cel celiyay. Wareysiga waxaa lala yeeshay Xasan Muxiyadiin Xasan oo lagu tilmaamay in uu ahaa ninkii fududeeyay weerarkii lagu qaaday Madaxtooyada Talaadadii.
Waan fahmi karaa in ay fursad weyn u tahay Weriyaha qaaday iyo Telefishinka laga sii daayay labadaba, marka loo fiiriyo tartanka Saxaafadda. Markaa, waan ugu hambalyeynayaa in ay heleen wareysi ay dadku aad u xiiseynayaan oo aan Telefishin kale heli karin.
Laakiin, ayaa jirta. Ujeeddada wareysiga laga lahaa, goorta la sii daayay, macluumaadka loogu deeqay ciddii weerarka abaabushay, muuqaalka guud ee uu bixiyay iyo khatarta ka imaan karta intaba waxaa ka muuqda khaladdaad aan loo cudur daari karin.
Khaladdaadku ma ahan kuwo uu mas’uuliyaddooda leeyahay SNTV oo wareysigan sii daayay. Waa khalad ka dhacay Hey’adaha Amniga, mas’uuliyaddeeduna ay u noqoneyso Dowladda.
Intaas marka laga soo tago waxaa la yaab noqotay 24 saacadood gudahood markii ninkan la qabtay in la hor geeyay saxaafadda. Su’aashu waxay noqotay yaa mudnaanta leh in saxaafaddu ay wareysato iyo in dembi baarayaashu ay wareystaan?
Mise dembi baarayaasha iyo hey’adaha kale ee amniga ayaa wareysigoodii iyo ka baaraan degidda wixii daba gal u baahan ay ku dhammaystay 24 saacadood?
Ninkani haddii uu galay dembiga uu ku eedeysan yahay, yaa damaanad qaaday in marka Telefishinka la soo fariisiyo aanuu isticmaali doonin hadal maldahan ama sarbeeb ah oo uu ugu baaqayo ciddii weerarka abaabushay?
Ma laga yaabaa ninkani in uu farriin maldahan u diray Xarakadiisa? Xataa haddii aanuu isagu farriin dirin, miyaan wareysigu dadkii abaabulka lahaa fursad wanaagsan u siin in ay ogaadaan ninkani su’aalaha la weydiiyay sida uu uga jawaabay? Taas oo u sahli karta in xogta kashifantay iyo midda aan kashifmin amaba aan la weydiin ay markiiba ogaadaan?
Da’yarta daawaneysa, wareysigu ma tusay wax ay ka cabsan karaan ama la foolxun oo ay tahay in ay ka digtoonaadaan? Ninkani wuxuu fadhiyay kuraas dabacsan, cayilan, qurxoon oo kuwa nasashada ah. Wuxuu gashanaa funaanad cusub oo midabbada calanka Soomaaliya leh. Waxaana lagu wareysanayaa Telefishin.
Dhanka kale, xuquuqdiisa shakhsiga ah marka la fiiriyo ninkan ma loo qabtay Qareen la taliya oo tilmaama?
Anigu saxaafadda aan aqaan waa ka mamnuuc, in ay guda gasho dacwad aan weli Maxkamaddu go’aan ka gaadhin. Waayo Garsooraha Maxkamaddu wuxuu ka mid yahay bulshada dhegeysata saxaafadda ama akhrisata ama labadaba. Saxaafaddu waxay saameyn kartaa fikirkiisa ku wajahan eedeysanaha la wareysanayo.
Marka qof la soo xiro ilaa ay Maxkamaddu go’aan ka gaarto dacwadda ku oogan qofkaas weriye looma oggolaado in uu wareysto.
Tusaale wareysigu wuxuu ninkan ugu yeeray dhagarqabe, wuxuu noo sheegay oo kale in walaaalihiis ay al Shabaab ka tirsan yihiin.
Bal u fiirso lama adeegsan ereyga eedeysane ee waxaa lagu tilmaamay dhagarqabe. Waa laga yaabaa in uu yahay dhagarqabe waxaase dhagarqabe ama dembiile loogu yeeri karaa keliya marka ay Maxkamadi ku xukunto.” Sidaa ayuu Madaxiii hore ee Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da Yuusuf Garaad Cumar ku yidhi qoraalkiisa oo aannu ka soo xigannay Blog-giisa uu ku leeyahay Internet-ka.