Hargeysa (Hubaal) Xoghayaha guud ururka saxaafadda Somaliland Maxamed Rashiid Muxumed Faarax ayaa tafaasiil ka bixiyey sababta keentay soo daynta guddoomiyaha Haatuf ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Anigu waxa aan halkan ka sheegayaa oo kaliya in madaxwaynaha ay ku khasbeen Midawga Yurub iyo dawladda Ingiriiska ee socdaalka imika ku tagay inuu sii daayo Guddoomiyaha Haatuf Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe. markaa culayskaas ayaa ku kalifay in la sii daayo”.
Maxamed Rashiid isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Bari maahee saadanbe waxa dalka imanaya waftigii ugu balaadhnaa Midawga Yurub oo u imanaya arrinta Yuusuf Cabdi Gaboobe, markaa ugu danbeyn waxaan leeyahay way mahadsan yihin dhamaan dadkii ka qaybqaatay arrintan ee ka soo horjeedsaday tacadiyada ka dhanka ah warbaahinta madaxbanaan ee Somaliland”.