Halkan Ka Akhriso: Dalka Masar Oo Xukun Fudud Ku Riday Madaxweynihii Afar Sanno Kahor Kursiga Laga Tuuray Iyo Wiilashiisii

0
42

Qaahira (Hubaal/w.wararka)- Maxkamad ku taal magaalada Qaahira ee dalka Masar, ayaa xukun xadhig ah ku riday Madaxweynihii hore Xusni Mubarak oo xabsiga ku jiray tan iyo markii xukunka laga tuuray ku dhawaad afar sanno ka hor.
Maxkamadda ayaa saddex sanno oo xadhig ah ku xukuntay kadib markii ay ku heshay dambi lagu soo eedeeyey oo ahaa inuu si xun u isticmaalay hantida qaranka.

Sidoo kale, laba wiil oo uu dhalay Mubarak oo magacyadooda la kala yidhaa Jamaal iyo Calaa ayaa iyaguna lagu xukumey midkiiba afar sanno oo xadhig ah kadib markii iyagana lagu heley isla dambiga aabahood galay ee lunsashada hantida qaranka.

Maxamed Xusni Mubaarak iyo Wiilashiisa
Maxkamadda ayaa Mubarak iyo wiilashiisa ku heshey in malaayiin dollar oo loogu talogaley in lagu dayactiro xafiisyada madaxtooyada ay u adeegsadeen dayactirka guryahooda lagu raaxeysto.

Waxa kale oo saddexdooda lagu xukumay inay bixiyaan ganaax dhan 3 milyan oo dollar, iyadoo sidoo kale lagu amrey inay khasnadda dowladda u celiyaan lacag ku dhow 18 milyan oo dollar.

Dacwaddan xukunkeedu dhacay ayaa ka mid ah laba kiis oo ka dhan ah Xusni Mubarak oo xabsiga ku jiray tan iyo wixii ka dambeeyey sannadkii 2011-ka kadib markii kacdoon dadweyne xukunka lagaga tuuray.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here