Bulshada kala duwan ee ku nool daafaha dunidda wey kala duwan yihiin habka iyo hanaanka ay u maraan dhisida xukuumadda ama maamul ka turjuma iyaga una taagan danahooda gaar ahaaneed, dalal badan oo caalamka ah waxaa ka hirgaley habka dumuqraadiyada loo yaqaan oo inkastoo si kala duwan loogu dhaqmo hadana loo celiyo in umadu doorato cida hogaamineysa si xor iyo cadaaladda ah, wadamo badan oo kalena habka maamul ee jira waaba la iska dhaxlaa oo waa mid u xidhan cid kaliya sida boqoro iyo reer boqor, meelo badan oo kalena waxaa xukunka heysta kaligood taliyayaal awood iyo xoog ku heysta oo muddo badan maamula.
Iyadoo intaas oo qeybood xukuumad ama maamul ku gaadhi karo hab uu wax ku maamulo ayaa hadana waxaa jirta in maamul kasta oo jira ka turjumo go’aamada, baahiyaha iyo danta guud ee dadweynaha xukuumadaasi ama maamulkaasi matasho,
Hadaba, inkastoy ku xidhan tahey habka maamul ee umadi leedahey hadana waxaa jira arrimo xaasaasi ah oo sababi kara in xukuumad ama maamul dhisan oo qaran iyo bulsho metelaa burburo oo bulshadu ku kacdo, burburkaas oo noqon kara mid kooban tusaale ahaan xukuumaddda ama maamulkaa markaas jira meesha ka saara ama keena burbur qaran oo saheyda jiritaanka qaranimo iyo bulsheeda.
Qodobaas waxaa ka mid ah oo aynu ka soo qaadan karnaa tobanka Qodob ee xaga hoose Sudhan:
1. Cadaalad –darro ( unjustice)
Cadaaladu waa shey qaali ah oo laf dhabar u ah nolosha bini’aadamka, Allahena subxana watacaalaa farey umadiisa in ay dhexdooda cadaalada ku dhaqmaan nolosha guud ahaan, cadaaladda oo meesha ka baxdaa waxey shacabka dhaxalsiisaa burbur iyo aamin darro baahsan oo bulshada ka dhex dilaacda raad xun oo dheerna ku yeelata mustaqbalka umadeed.
Waxey cadaalad daradu hore u burburey umado badan oo xukuumadihii jirey iyo maamulkii ka talinayey u horseedey in cadaalada darro dhacdo gaar ahaan wadamo badan oo afrikaan ah. u cadaalad sameynta nolosha dhinac walba ayaa deeqda umad dooneysa horumar iyo higsi mustaqbaleed oo ifaya.
2. Musuqmaasuq ( Corruption)
Masuqmaasuqu waa ku tagri falka wax ay umadi leedahey oo si khaldan loo adeegsado oo sharciga Ilaahey waafaqsaneyn, taasi waxey keentaa in nolosha dhinac walba khalkhal ka galo oo jahawareer iyo burbur maamul soo dadajisa, la dagaalka musuqmaasuqa ayaa beesha caalamka iyo dowladaha horumarey kaga jira kaalinta koowaad iyagoo ku bixiya miisaaniyada badan iyo dadaal sidii ay u dabar jari lahaayeen musuqmaasuqa meel walba, Maamulka ama xukuumadda musuqda ama ku tagri fasha awooda maamul waxey ku danbeysaa burbur laxaad weyn oo saameyn togan ku yeesha kaabayaasha dhaqaale iyo ilaha dhaqaale ee qaran ama umadi leedahey, guud ahaan aduunkana gaar ahaan wadamada horumarey waxaa ka socda dagaal weyn oo lala galey muqus maasuqa iyo cida ka masuulka noqota, wadamada badan oo African u badan oo maanta meel hoose noloshoodu mareyso waxaa ku faafey oo ragaadiyey musuqmaasuq baahsan nolosha dhinacyadeed kala duwan oo dhan.
3. Eexeysi ( Nepotism)
Adeegsiga awooda xukuumadeed ama maamul ee lagu kala eexeysto umadda ama bulshadda ayaa keenta burbur balaadhan oo dhaawaca dhismaha dowladnimo iyo milgaha maamul. In umadda meel ku wada nool la kala faquuqo iyadoo lagu kala saarayo isir, diin ama mabda’ oo lagu kala eexeysanayo habka maamulka iyo hantida qaranka ayaa ah masiibo balaadhan oo bulshadu ka dhaxasho is neceb, burbur iyo dagaalo dabo dheeraada oo aargoosi gala. Waxeyna eexeysigu galaaftey dowlado badan iyo maamulo jirey oo bulshadooda cunfi iyo hagardaamo uga tagey.
4. Dhaqaalo Xumo Baahsan ( Economic crisis)
Dowlada ama maamul dal iyo duunyo xukuma waa ka masuul guud ahaan nolosha umadeed ee deegaankooda, dhaqaalo xumo baahsan oo laga dhaxley dhibaatooyin habka maamulku keeney ayaa sababta burburka qaranimo, dal walba ama umad kasta waxey leedahey ilo dhaqaale oo laf dhabar u ah noloshooda guud ahaan, u maamulida kheyraadka dalka waxey sababtaa dhaqaale xumo baahsan oo umadda ku timaada meeshana ka saarta tiirarka nolosha sida amniga iyo wada noolaanshaha.
5. Hanti Boobka ( Self- enrichment)
Umad waliba waxey leedahey hanti guud ahaaneed oo iyaga dhex u ah tusaale ahaan hanti qaran iyo hanti gaar ahaaneed oo dadweynuhu leeyihiin sida ganacsiyadda kala duwan. U ilaalinta hantidaa waxaa ka masuul ah dowlada iyo maamulka jira, hanti boob xukuumadeed iyo ilaalin la’aan guud ahaan hanti umadda ayaa bulshada ku keena burbur, iyadoo sababi karta dagaalo sokeeye oo riiq dheer reeba, maamulo badan oo soo marey dunidan waxey dadkii maamulka ahaa uga faaideysteen awoodii xukuumadeed hanti boobka umadeed iyadoo badankoodu ku halaagsamey bulshadoona dhaxal siiyey aafo aaney ka soo kaban dhinac walba.
6. Cabudhinta Xoriyatul Qowlka ( lack of freedom of expression)
Umaddu ama bulshadu xaq waxey u leedahey in ay xoriyad hesho oo aan la cabudhin, helitaanka ay umaddi hesho xoriyad ay qowlkeeda iyo ficilkeeda inta diinta ogoshahey ayaa ah tiirarka nololeed, cabudhinta lagu sameeyo xoriyatul qowlka ayaa ku badan wadamo badan oo habkooda maamul qalafsan yahey dhaxashana in bulshadu kacdo oo ay maamulka iyo xukuumadda jirta ka hor timaado.
7. Daryeel La’aanta Bulshada ( Lack of social welfare )
Dowlad kasta waa ka masuul daryeelida iyo hagajinta kaabayaasha nololeed ee bulshadeeda, waa in ay ahmiyada gaar ah la siiyo mar walba daryeelida bulshada iyo kor u qaadida adeegayadda aasaasiga ah ee bulshadu leedahey sida caafimaadka iyo waxbarashada, hadii maamulku daryeeli wayo baahiyaha balaadhan ee bulshada waxey keeneysaa burbur qaranimo iyo maamul oo soo food saara umadda.
8. Tamar La’aan Maamul ( Administrative weakness)
Tamar la’aan ku timaaada habka maamulka ee dhisan wuxuu meesha ka saaraa xaq ay dowladu ku leeyahey shacabka sida cashuuraha iyo ilaalinta amniga oo kale, bulshadu waxey mar walba waxey ka jawaab celisaa awooda xukuumada iyo maamulka, tamar la’aan ku timaadda maamulka waxey soo dadajisaa burburka maamul iyo awooda qaranimo, sidoo kale waxey sahashaa in awoodo iyo cadow shisheeya ka faaideystaan.
Dhawrkaa qodob ee kala duwan jiritaankooda waxey dhisaan maamul iyo qaran awood leh, xagal daac kasta oo ku yimaada midkood wuxuu saameyn toos ah ku leeyahey kuwa kale, maamul kasta oo jira ama bulshadu ha doorato ama hab kale ha ku yimaadee haduu sida saxda u hirgaliyo arrimahan waxaa shaki la’aan ah in bulshada uu u adeegayo ka turjimi karo.
Fouad Abdisalam
Waheliye08@hotmail.com