Gulufkii “D-Day” iyo Gabyaaga Soomaaliyeed W/Q. Maxamed Haaruun

0
87

Koowdii xalaa taarku yimid, waana kululaaye.
Kornayladu ma seexdaane waa, Kuududaan waliye.
Anaa koon-lab, anigaa kurka ah, kay ha la gu daayo.
Kaliday anaa idin xukumi, Kaasi been noqoye.
Ninkii kibir-hawoodaba, midbaa xadhig ku keenayne.
Konton mayl hadaa loo jiraa, Karintii Baarliine.
Kurtin qiiqayaa labada dhinac, la ga kulaalaaye.
Muslimiinta Eebboow kor yeel, Koodu waa sahale.– (Xasan-Tarabbi)

Hadii aad idaacad ama TV furto, hadii aad website booqato iyo hadii aad wargays soo qaado ba, waxa maalmahan u gu badan ee kaa hor imanayaa waa sheekooyin ku saabsan xuska duulaankii maalinta ‘D-Day’ oo haatan todabaatan guuradeeda la joogo. Waxa la keenay xusaskaas oo dhan, askar ka nool ragii waagaas dagaalamay, oo haatan da’doodu 90 iyo wixii la jira tahay. Maalinta D-Day oo ku beegan 6da June, 1944, in kasta oo aanay ahayn maalintii dabshidka Dagaalkii labaad uu bilaabmay iyo markii uu dhamaaday toona, hadana muhiimadeeda goonida ah ayay lahayd, walina leedahay. Hujuunka D-day wuxu ahaa weerarkii ugu balaadhnaa ee bani-aadam qaado, isla markaana, wuxu sabab u ahaa in dabshidkii Dagaalkii Labaad uu sanad ka dib soo gabagaboobo. Dagaalkii Labaad iyo hujuunka D-day toona wax badan oo na ga khuseeya hadii aan Soomaali nahay ma ogi, wax se I soo jiitay, sidii ay suugaanyahanada Soomaalidu u ga fal-celiyeen dhacdooyinkaas taariikhi ga ah. Wixii maalintaas dhacay, iyo natiijadii ka dhalatay oo ahayd soo af-jariddii Dagaalkii Labaad ayaan si kooban wax u ga sheegi, waxaanan soo qaadi qaybo ka mid ah suugaantii ay Soomaalidu xiligaas ka tiriyeen dagalkan.
– Qarka Oruba, qaaliga France, qooriyada Marsey.
– Quruxda Almaaniya (Germany) iyo dhulkii, Muuse (Mussolini) la ga qaaday.
– Qalcadihii burburay reerahay, Qadhaydu yeedhaysay.
– Taangiga qafilan maalintuu, qaatay Minawaarku – (Markab dagaal).
– Wuxu qalinku meeraba markii, laysu wada qoofay.
– Qabaa rag isu geeyaye markay, qaraxday baaruudu.
– Ninna la ma qasbine waw qasdeen, inay qasaaraan.
(Waa Abwaan Timacade, oo I noo sharaxaaya dhulkii wax ka dahcaayeen, aaladihii la adeegsaday, iyo asbaabtii dirirta keentay ba).
Maalintan D-day ee 6 June, 1944, waxa loo diyaar garoobaayay muddo sanad ah oo ka horaysay. La ga soo bilaabo 1939 kolkii dagaalku bilaabmay, badiyaa waxa gacanta sare lahaa xoogagii Jarmalka, oo badda, cirka iyo dhulka ba ku adkaaday, Yurub badankeed na gacanta ku dhigay. Xoogagii huwan ta ahaa ee Reer-galbeedka, oo America ay hormuud u tahay waxay dabridka maalintan D-day u diyaariyeen in ka badan 150 kun oo askari, 4000 markab oo dagaal, iyo 12 kun oo diyaaradood oo cirka xeebta Normandy qariyay subaxnimadii 6 June, 1944. Quwadii binu aadam ee dagaal iyo dil loo adeegsado middii u gu xoogga badnayd baa maalintaas la isticmaalay. Gabal-dhicii maalintaas 6da June, 1944, dad ka badan 10 kun oo qof baa wax la dilay, wax dhaawacmay iyo wax la qafaashay isugu jiray. Dabshidka maalintan caanka ah ee D-day loo bixiyay waxa la qorsheeyay kolkii hore in uu noqdo 5 June, 1944, laakiin jawiga oo aad u xumaa awgeed, Janaral Dwight Eisenhower oo ciidamada huwan ta hogaaminaayay ayaa hujuunkii qorshaysnaa dib u dhigay muddo 24 saacadood ah.
Jarmalku way filaayeen in la soo weeraraayo, laakiin goobta iyo goorta hujuunka loo qorsheeyay ayaanay garanaynin. Adolph Hitler iyo Janaralaadiisa oo dhami waxay moodaayeen in bishii May oo jawigu aad u wacnaa hujuunka wayni dhacaayo, xeebta Kaalee (Calais) na ay tahay meesha dirirtu ka bilaabmayso, laakiin sidaas ma ahayn. Xogta ku saabsan goobta iyo goorta dagaalku bilaabmaayo waxay ahayd sir culus, oo xataa aanay ka war qabin janaraaladii ugu sareeyay ciidamada Huwantu. Habeenkii ka horeeyay 6 June, 1944, ayay kumanaan diyaaradaha Huwanta ahi ciidamo baarashuud la gu daadiyay ku dajiyeen meelo ka dambeeya difaacii ciidamada Jarmalka ee xeebta Normandy, oo ah halka loo qorsheeyay in dagaalku ka dhaco. Ciidamada hawada laga daad-gureeyay waxa ku xigay diyaaradaha bambaanooyinka xambaara oo sida roobka oo kale u garaacay difaacyadii adkaa ee Jarmalku ay ka sameeyeen xeebaha Normandy. In kasta oo ciidamada Jarmalku ay ka diyar garaw wacnaayeen kuwa Huwanta, hadana tiro ahaan baa la gu qarqiyay waa na la jiidhay.
Muddo hal usbuuc ah ayay Huwantu xeebaha France ku keeneen ciidamo xoojin ah oo gaadhaaya 600 oo kun oo askari iyo 90 kun oo baabuurta ciidamadu isticmaalaan ah. Dhimasho iyo burbur baaxad leh baa ka dhacay dhulkaasi, muddo laba bilood gudahood ah na, ciidamada Huwantu waxay qabsadeen magaaladda Paris. Charles de Gaulle iyo ciidamadii xoraynta Faransiiska ee jabhadda ahaa baa Paris wadooyinkeeda dhex lugeeyay. Xiligaasi waxa soo baxay, sida dib la ga ogaaday, in ciidamadii Huwanta, gaar ahaan kuwii Faransiisku ay askartii Afrika ka soo jeeday ee la dagaal gashay cunsuriyad ku la kaceen, iyaka oo ka reebay ciidamadii wadooyinka soo maraayay ee guusha muujinaayay. In kasta oo isku si loo dhintay, loo na dagaalamay, hadana cunsuriyaddu na waa garab socotay. Soomaalida ayaa ka mid ahayd askarta waagaas la yidhi waa madaw ee meelahaas ku qariya. Niman la soo gaadiid qaatay, oo aanay dagaalka wax u ga cabaaba jirin bay ahaayeen.
haaruundArintaas waxa geeraar ku sheegay nin la odhan jiray Maxamed Nuur-laangadhe, oo ka mid ahaa gabayaa badan oo Soomaaliyeed, oo Ingiriisku ka dalbaday in ay suugaan dacaayad dagaal ah (war propaganda) tiriyaan, si Soomaalida loo gu sheego in goobaha dagaalka oo dhan Ingiriisku ku gacan sareeyo. Maxamed Nuur-laangadhe oo sheegaaya in aan dagaalkaas Yurubiyan ka wax ka galay jirin, ayaa geeraar can noqday tiriyay, waxaana ka mid ahaa qaybahan:
Mar hadaan gurigayga
gidhligaanka gariiriyo
Garnayl loola tagaynin
Iglan baa gubanaysa
Maxaa iiga gidhiisha

Gudaha ceelka hargeysa
Weligay gees uma dhaafin
Bal maxaa laba gaal
oo abtirsiimo gudboon
Midkood aan u gumayn
Midna guusha u siin
Maxaa iiga gidhiisha

Gudaha ceelka hargeysa
Waligay gees uma dhaafin
Inta aan wax gasiintiyo
Intaan gaajo ku seexday
Hadii aan isu geeyo
Mala waa isku gow e
Mar haddaan ka gabyay
oon go’aygiina ka qaatay
Maxaa iiga gidhiisha

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here