DAAWO: Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Masar Loo Doortay Oo Kormeerkiisi Ugu Horeeyay Ku Tegay Cusbitaal Ay Jiifto Gabadh Taageerayaashiisa Ka Mid Ahayd

0
25

Madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka Masar Cabdi Fatax Sisi ayaa kormeerkiisi ugu horeeyay ee tan iyo intii si rasmi ah loogu doortay, madaxweyne-nimada dalkaas uu qaado ayaa ku tagay, cusbitaal milatariga dalkaasi leeyihiin oo ay ku jirto gabadh ka mid ah taageerayaashiisa oo lagu faro xumeeyay fagaaraha Taxriir xiligii ololayaashii lagu taageerayay lagu guda jiray.
Cabdi Fataax Sisi oo ay weheliyaan, wasiirada Caafimaadka, Guryaynta iyo Arrimaha bulshada ayaa si toos ah u booqday, qolka ay jiifto gabadh taageerayaasha Madaxweynaha ka mid ahayd oo lagu faro xumeeyay fagaaraha Taxriir.
Wasiiradan sadexda ah ee Madaxweynaha cusub ee dalka Masar wehelinayay ayaa warbaahinta u sheegay, in gabadhaas uu Madaxweynuhu uga tacsiyadeeyay dhibaatada ka soo gaadhay Taxriir Square, una sheegay in dawladu si deg deg ah wax uga qabanayso caddaaladana hor keeni doonto dadkii ka danbeeyay.
n16Madaxweyne Sisi ayaa go’aankiisi ugu horeeyay ee uu saxeexay, ku meel mariyay sharci adag oo lagula dagaalamayo, dhaqan xumada iyo xad gudubyada haweenka lagula kaco, kuwaas oo uu dalka Masar ka mid yahay waddamada dunida ugu badan ee kiisaska xad gudubka ku ah haweenku ay ka dhacaan.
Gabadhan iyo waalidkeeda ayaa la sheegay in ay la muraaqoodeen aadna ugu farxeen booqashada uu Madaxweynuhu ugu tagay iyo sida uu ahmiyada gaarka ah u siiyay, sababtoo ah waxa ay dhibaatadani u soo gaadhay halgankii ay ugu jireen soo bixistiisa.
Waalidka dhalay gabadhaas iyo iyada lafteeda ayaa la arkayay iyagoo farxad daraadeed ilmaynaya Madaxweynahana u ducaynaya oo Alle (SW), uga baryayaan inuu ku asturo hawsha iyo masuuliyada culus ee dusha loo saaray.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here