Hargeysa: DAAWO WAAYEEL Hargeysa Kaga Tiraabay Qeylo-dhaan Ka Dhan Ah DAHABSHIIL Oo Daba Socota Khilaafkii KULMIYE

0
38

Hargeysa (Hubaal) Xasan Cali Weyd oo kamid ah odayaasha Qurbe-jooga ah ayaa baaq dheer u diray qurbejoogta beesha Habar Awal inaanay lactooda ku soo dirin xawaaladda Dahab-shiil.

Hadalkana waxa uu ka sheegay xaflad habeenkii Xalay ahayd oo dhalinyarada beeshu ku qabsatay hoteelka Crown ee magaaladda Hargeysa.

Xasan Cali Weyd ayaa ku tilmaamay xawaaladda Dahab-shiil mid reer ah oo u adeegaysa reerka uu ka soo jeedo cida iska leh xawaaladda, waxa uu Xasan Cali ka dhawaajiyay in beesha Habar-Awal ay leeyihiin xawaaladdo ay lacaghooga dhigan karaan, isaga oo carabka ku dhuftay in xawaaladda Omaar ay haatan lacagahooga ku soo diri doonaan, cod dheerna ugu sheegay qurba-joogta beeshooda.

Hadalkan ayaa waxa uu yimid wakhti ay xasaasiyad dhanka siyaasada ahi ka jirto dalka oo loolan aad u adagi ka dhexeeyo Hoggaanka Xisbiga Kulmiye iyo madaxweyne Siilaanyo oo labada dhinacba ay abaabul ugu jiraan sidii uu midiba dhankiisa taageero ku heli lahaa.

xasan cali weyd

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here