Faallo: Odayaashii Reer Muqdisho Miyaa Khilaafkan Inoo Soo Waariday? Maxamed Cumar Sheekh

0
27

Sida la og-yahay waxa bishii hore ee May bilowgeedii ama badhtameheedii dalka booqasho ku yimi ku dhawaad kontomeeyo xubnood oo sida la sheegay metelayey hogaamiye dhaqameedyada koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka mid ah dadweynaha iyo dalka Soomaaliland kala qaybgalay dabbaaldegyadii loo sameeyay sannadguuradii 23-aad ee ka soo wareegtay qarannimada dalka.

odayaasha muqdisho

Odayaashan reer koonfureedka ah oo siday sheegeen dalka u yimi inay arkaan dareenka dadweynaha Somaliland iyo sida ay uga go’antahay gooni isu taaggu ayaa la tuhunsanyahay inay qaarkood u socdeen siday isku soo dhaweyn lahaayeen labada dal una soo dhaweyn lahaayeen midnimadooda mar labaad.

Dhinaca kale, hadalhaynta bulshoweynta reer Soomaaliland ee odayaashaasi ayaa waxay ka bixiyeen aragtiyo kala duwan oo qaarkood socdaalka odayaashaasi ku tilmaameen mid dadweynaha iyo dalka Somaliland lagu waxyeelaynayay, odayaashaasina siteen baab ay ku jaahwareerinayaan reer Somaliland. Iyaga dhexdooda ayaa intii ay dalka joogeen laga yaabaa in baabkaasi kala qaybiyey, isla markaana xubno ka mid ahaa beelaha digil iyo midhifle iyo baadi cadduhu dib ugu laabteen Muqdisho. Dib u noqoshada degdegga ahayd ee xubnaha qaar ku laabteen koonfurta Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay dib ugu laabteen badbaadinta madaxweynaha Soomaaliya oo uu ku socday mooshin baarlamaanku xilka kaga qaadi lahaa,halka kuwii kalena dalka tegeen dhammaadka dabbaal degyadii 18kii May.

Haddaba markaan eegno sida siyaasadda Soomaaliland wakhtigaa u deggenayd iyo sida maanta ay tahay ayaa ah laba shay oo aad u kala fog .Waxa dalka ka taagan maanta welwel ku saabsan mustaqbalka siyaasadda Soomaaliland iyo waxay kala yeeli doonaan Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda oo haatan ay waanwaantooda ku kala dhex jiraan guddi ka tirsan golaha guurtida. Sidoo kale ayaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliland ama khilaaf kastoo soo kala dhex geli jiray aanu gaadhin halka maanta u gaadhay,d agaalka afka ah iyo mid laga yaabo inuu addinba ku daambeeyo ayaa dadka welwel ku haya, waxana durba abuurmay dareenno ammaan darro ah.

In kastoo aanay waxba ka dhex dhici doonin dadweynaha iyo dawladda ,balse cadhada siyaasadeed iyo sida loogu kala fogaaday arirmaha xisbiga Kulmiye ayaa noqon kara kuwa ay keeneen waxyaalo dheeraad ah oo ku dhacay siyaasiyiinta shacbiga iyo xukuumaddaba, hadiise xaalku maanta halkaa dhaafo, waxaa walaac laga qabaa in dib la iskugu soo celin kari waayo labada garab ee xisbiga Kulmiye, waxaana dadka qaar u arkaan inay reer Muqdisho kaga xuubsiibteen oo soo waarideen khilaafkii dhexdoodda. lamana oga cidda khilaafkaasi shakhsi ahaan keentay dalka ee ka mid ahayd odayaashaasi reer Muqdisho,waxayse isweydiintu tahay yaa falkaasi ka saari dalka, dadweynaha iyo xukuumaddaba ?

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here