Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Mawqifkiisa Ku Aadan Go’aankii Guurtidu Ku Xaliyeen Khilaafka Xisbiga KULMIYE

0
21

Hargeysa(Hubaal) -Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay aragtidiisa ku wajahan go’aankii ay maalintii shalay ahayd odayaasha guurtidu ku xaliyeen Khilaafka Xisbiga KULMIYE,waxaana uu sheegay in go’aanadaasi lagu xaliyey khilaafka Xisbiga KULMIYE ay yihiin kuwo ka nixiyey cadaw badan oo u dhagtaagayey in Somaliland uu khal khal ka dhaco.

Eng.Faysal-Cali-Waraabe.jpg

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaara oo uu siiyey Wargeyska Madaxabanaan ee Geeska Afrika,waxaana uu ugu horay uu hambalyo u diray gudidii ka shaqaynaysay dhexdhexaadinta khilaafka Xisbiga KULMIYE ee ku guulaysatay in ay soo af-jaraan khilaafkaasi waxaana uu tibaaxay in ay odayaasha Guurtidu yihiin kuwo marwalbal heegan u ah danta qaranka gaar ahaan xalinta waxii khilaafyo ah ee markaasi taagan,waxaana uu sida oo kale uu hambalyeeyey labadii garab ee KULMIYE ee iyaguna aqbalay go’aankii Guurtida ka soo baxay.

“Waxa aan Hambaliynayaa Golaha Guurtida oo dhameeyey Khilaafkii Muddada dheer taagnaa,waxaanay runtii mar walba  heegan u yihiin inay dhameeyeen wixii khilaaf ah ee markaas taagan, waxa kale oo aan hambaliyeynayaa Labada Garab ee Xisbiga Kulmiye ee aqbalay Go’aanadii, si kastaba ha ahaataan Go’aanadu balse waxa inoo sharaf ah inay aqbaleen”.Ayuu yidhi Eng:Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Somaliland waxa ay leedahay Cadaw aad u badan, oo doonaya inay dhibaato iyo dagaalo ka dhacaan dalka, iyaga oo doonayey in khilaafka Xisbiga Kulmiye ka dhashaan dagaalo ka dhaca Hargeysa iyo Somaliland, balse cadawgii ILLAAHAY SWT ayaa jabiyey, waxaana dhab ah in go’aamadaas lagu dhameeyey khilaafka Xisbiga Kulmiye inay ka nixiyeen Cadawgeenii”.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here