Hargeysa (Hubaal) Guddidan Guurtida ah oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan, isla markaana ka koobnaa 16 xubnood oo ay ka mid ahaayeen Xaaji Cabdi-Kariim (Cabdi Waraabo), Muxumed Aw Axmed, ayaa qoraal ay soo saareen waxay ku sheegeen in go’aankoodani ka dambeeyay kadib markii ay dhegaysteen doodaha labada dhinac ee isku khilaafsanaa xisbiga Kulmiye oo ay kala hoggaaminayeen Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo garab ah iyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi oo dhinac.
Sidoo kale, qoraalkooda waxay guddida Guurtidu ku sheegtay in go’aankoodani ka dambeeyay kadib markii ay derseen qoraalo ay labada dhinac u soo kala gudbiyeen, iyo sidoo kale markii ay arkeen qodobo ka mid ah Dastuurka Xisbiga KULMIYE, Xeerka Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Xisbiyada qaranka ee Xeer Lr. 14 iyo weliba sidoo kale qoraalo ay hore uga soo saareen khilaafyadii kala dambeeyay ee xisbiga KULMIYE oo ay soo kala sareen Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Guddi Turxaan-bixineed oo uu hore Madaxweynuhu ugu magacaabay xisbiga KULMIYE.
Qoraalka Go’aanka ay khilaafka KULMIYE ka soo saareen Guddida Guurtida ee dhexdhexaadinaysay garabyada isku khilaafsan KULMIYE, ayaa isagoo dhammaystiran waxa uu u qornaa sidan:
Halkan Ka Dhageyso Codka: