Musharax Isla Goobta Ugu Tanaasulay Musharax Farxaan Maxamed Cumar
Hargeysa, Somaliland, (Hubaal) – Dhallinyarada Beesha Aadan Madoobe (H/J) ayaa xaflad qado-sharaf ah oo laysku arkay ku soo dhaweeyay isla markaana ku taageeray Musharax Farxaan Maxamed Cumar oo dhawaan iclaamiyay inuu Xisbiga KULMIYE uga iskaga soo sharixi doono Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland ee la filayo inay dalka ka dhacdo sannadka 2015.
Xafladda oo shalay ka dhacday Hotel Safari ee magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale waxaa halkaas kaga tanaasulay qaar ka mid ah rag ay isku hayb yihiin Farxaan oo hore ugu dhawaaqay hankooda musharaxnnnimo ee doorashada Golaha Wakiilada Somaliland, waxaanay ku sababeeyeen tanaasulkoodaas kadib markii ay garowsadeen in xilkaas uu kaga haboon yahay Farxaan Maxamed Cumar inuu beesha ku metelo aqalka Golaha Wakiilada.
Ugu horeyn Oday Ibraahim Xariir Cabdi-Sagaar oo ku hadlayey afka odayaasha, ayaa si weyn ugu tiiq-tiiqsaday taageerada ay u hayaan beel ahaan inuu Farxaan Maxamed Cumar noqdo Musharaxa beeshooda iska soo sharaxaya xisbiga KULMIYE ee doorashada Golaha Wakiilada Somaliland, waxaanu sheegay in Farxaan yahay aqoonyahan wax badan ka tari doona golaha uu isku soo sharaxay.
Sidoo kale Ismaaciil Maxamed Faarax (Ismaaciil Odowaa) oo ku hadlayay afka dhallinyarada Beesha Aadan-Madoobe, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in musharaxnimada Farxaan ay ahayd mid si weyn loo sugayay dalka gudihiisa iyo dalka dibadiisaba, sidaas darteedna ay xaflado soo dhoweyn ah oo isdaba joog ah laga qaban doono gudaha iyo dibadaba, gaar ahaan wadamo ay ka mid yihiin UK.
“Farxaan Maxamed Cumar, in badan buu ka mid ahaa golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, isla markaana waxa uu ahaa ninkii ugu horeeyay ee Beesha Aadan-Madoobe ah ee ku dhawaaqa musharaxnimadiisa Golaha Wakiilada, muddadaas uu ku dhawaaqnay waxa uu muujiyay inay yahay nin ku haboon musharaxnimada. Sidaas darteed, way dhici kartaa inay jiraan rag kale oo beesha ka mid ah oo damac kaga jiro musharaxnimada Baarlamaanka, markaa waxaanu u soo jeedinaynaa idinkoo mahadsan oo raalina ah, Farxaan Maxamed Cumar, uga tanaasula oo taageera, waan hubaa oo Farxaan wuu haystaa taageero ku filan, haddana wuu u baahan yahay taageero intaas ka badan, ” ayuu yidhi Ismaaciil Odowaa oo ku hadlayay Afka dhallinyarada Beesha Aadan Madoobe.
Waxa isna halkaas ka hadlay Muuse Warsame Guuleed oo ka mid ah Suxufiyiinta Somaliland, isla markaana ay Musharax Farxaan Maxamed Cumar ka soo wada shaqeeyeen Idaacadii Horyaal ee xisbiga KULMIYE wakhtigii uu Mucaaridka ahaa, waxaana hadaladii ka mid ahaa. “Farxaan waa nin aanu saaxiib nahay, soo wada-halganay, soo wada-shaqaynay, sidaas darteed waxaan ugu bushaaraynayaa Beesha Aadan Madoobe, in aanu Farxaan haysan oo keliya taageer Beesha Aadan Madoobe, balse uu sidoo kale haysto taageerada dad farabadan oo bari ilaa galbeed Somalilad. Soomaalidu waxay tidhaahdaa ninka waxa lagu qiimeeyaa doodda, deeqda iyo dirirta, dabcan, saddexdaa haddii ninka laga helo ama uu koobsado, waxa uu u qalmaa inuu noqdo hoggaamiye. Sidaas darteed waxaan qirayaa in saddexdaas masalo ee lagu qiimeeyo ragga hogaamiyaha ah inuu Farxaan leeyahay. Ta kale Farxaan waa ninka keliya ee ka soo hadhay ama aan xil looga dhiibin ragii faraha badnaa ee halgankii lagu doonayay in Madaxweynaha hadda Axmed Siillaanyo ku guulaysto Madaxtinimada dalka Somaliland, haddana manta dakharka ugu badan ka soo gaadho suuqa, taas oo uu yahay nin xamilkeeda leh, isla markaana mujtamac badan oo wax tabanaya suuqa ku xanaaneeya, mid uu u amaahdo iyo mid uu si kaleba ku qanciyaba,” ayuu yidhi Muuse Warsame.
Eng. Deeq Axmed Ducaale, oo isagu ka mid ahaa ragga damaca musharaxnimo ku jiray ee beesha Aadan Madoobe ka tirsan, ayaa isaguu halkaas kaga dhawaaqay inuu u tanaasulay Musharax Farxaan Maxamed Cumar, waxaanu yidhi: “Runtii anigu waxaan markii hore ahaa musharax u taagan doorashada Baarlamaanka, laakiin markii aan arkay awoodda faraha badan ee uu Farxaan leeyahay waxaan goostay inaan u tanaasulo oo aan taageero. Kuwa kale ee leh musharax baanu nahayna waxaan u soo jeedinaynaa inay sidaas oo kale ugu tanaasulaan una taageeraan. Beeshuna Farxaan ayay isku wada ogtahay.”
Waxa kale oo isaguna halkaas ka hadlay wasiirkii hore ee Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Maxamed Ibraahim Madar, kaas oo sheegay inuu si weyn u soo dhaweynayo musharaxnimada Farxaan ee Baarlamaanka, isla markaana waxa uu u hambalyeeyay ninka madasha kaga dhawaaqay inuu u tanaasulay walaalkii Farxaan. “Waxaan qabaa inuu Farxaan yahay ragga ugu haboon ee ay tahay in loo soo doorto Baarlamaanka, isla markaana aan hubo inuu wax badan ka tari doono, waayo waa nin aan ogahay kartidiisa iyo aqoontiisa oo aanu ka soo wada-qayb qaadanay ololihii xukuumadda Maanta lagu soo doortay ee ay kaga badisay xukuumaddii talada haysay” ayuu yidhi wasiirkii hore ee Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Ugu dambayntii waxaa madashaas hadal ka jeediyay Musharax Farxaan Maxamed Cumar, waxaanu mahadnaq u jeediyay dhallinyarada samaysay qado-sharafta isaga lagu soo dhaweynayay iyo inta ka soo qayb-gashayba. Waxa kale oo uu aad ugu mahadnaqay bahda Saaxafadda oo uu sheegay inuu ahaa masuulkii Madaxweyne Siillaanyo xiligii mucaaridka u xilsaaray, ilaa haddana uu sidii saaxiib ula yahay Saxaafadda Somaliland.
Farxaan waxa kale oo uu si gaar ah ugu mahadceliyay Deeq Axmed Faarax oo isagu uga tanaasulay damaciisii musharaxnimo iyo dhallinyarada munaasibadda isku xilqaantay.