Guddoomiyeyaasha ururadan ayaa waxay madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyeen inaan labada reerood dagaal dhexdooda laga aloosin waxay sidoo kale sheegeen inay ku jiraan xukuumadda siilaanyo xubno wasiiro ah oo iyagu ka dhex wada colaad ay ka huriyaan deegaankaasi islamarkaana dhinac taageersan taas oo ay dhalinyaradani uga digeen in faraha ay kala baxaan oo arrinta ay soo dhex galaan salaadiin iyo guurti si cadaalad ah wax u xaliya