Dabley Hubaysan Oo Saaka Subaxdii Hore Gaadhi Wasaaradda Maaliyaddu Leedahay Ka Afduubay Magalaadda Boorama

0
63

Boorama (Hubaal) Dablay Hubaysan Oo Aan Haybtooda la Garanaynin Ayaa Saaka WaabarigiiAbaaro 4:00am ilaa 4:30 Subaxnimo Ayaa La Afduubay Dirawalkii iyo Xaajiyad Ay Leeyihiin Wasaarada Maaliyada Gaar ahaan waaxda Kastamka Borama, xiligaasi ayaa la sheegay in ay u baxaysay Hawlaheeda shaqo, xiliga uu afduubkani dhacay ayaa xaajiyadani ay ka soo baxaysay Hotel Borama oo Habeenkii lagu xereeyo,waxaa intaasi ay wararka hordhaca oo aan helaynaa intaasi raacinayaan in xiligaasi kaliya uu saarnaa gaadhiga Dirawalka oo kaliya oo lagu magacaabo Jamaal Boorama.”Markii aan Albaabka xaajiada ka soo xidhay ee banaanka Loo Saaray Waxaa Markiiba ku soo booday Rag hubaysan Oo Aan Tiradaadu ahayd 3nin Kuwaasi Oo Ku bilaabay Hanjabaad iyo Cagajuglayn waxaa uu isku dayey in uu ka baxsado Nasiib wanaagse awood ayaa lagu muquuniyey waxaana uu ii soo tuuray fure La hadana waa ay qaateen oo midbaa soo dagay ragii waxaana xaajiyadii ay u dhaqaaqday dhinacaasi iyo Galbeedka Borama. sidaasi waxaa boramanews u xaqiijay mid ka mid ah hablo ka shaqeeya Maqaaxi hotelka ku taala,

ilaa iyo hada lama garanka karo cida ay ahaayeen ragaasi weerarka afduubka gaystay iyo cida ka dambaysay balkse ciidamada Boolise ka oo aan la xidhiidhnay waa ay ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan dhacdadaasi wax aan ahayn hadalka ay dadka kala siman yihiin ee ah in la afduubay masuulkaasi

 source:boramanews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here