Boorama, (Hubaal) – Iyadoo weli aanu degin khilaafka loo maaro la’yahay ee ka dhex taagan xildhibaanada golaha deegaanka Boorama, ayaa dhinaca kale wax soo baxaya falal ku saabsan boob lagu hayo dhulka danta guud, dhismayaal sharci darro ah iyo xitaa wixii ka hadhay jidadkii magaaladda ee gaadiidka dadweynuhu mari lahaayeen oo maalinba maalinta ka dambaysa qaar ka mid ah dadweynuhu ku jarayaan dhisme, dhagxaan ama xayndaab.
Khilaafkan ragaadiyay adeegyadii guud ee dadweynaha, dakhli ururinta iyo arrimaha la xidhiidha bilicda magaalada ayaa waxa haatan ku soo kordhay shicib, iyagu jecel dawlad Hoose la’aan, doonayana inay meel kasta dhismayaal aan sharci ahayn ka samaystaan, kuwaasoo hadii xoghayaha cusub ee golahaasi, Muumin Xuseen iyo masuulyiinta golahaasi isku dayaan inay wax ka qabtaan arrimahan qayb kale oo isla xildhibaanada golahaasi iyo dad shicib ahiba u soo baxayaan si ay u difaacaan sharci darrada, sidaa darteedna aanay jirin cid awood u leh inay baajiyaan dhismayaasha sharci darada ah iyo boobka dhulka danta Guud.
Laba sano ku dhawaad ka hor xildhibaanada golaha deegaanka Boorama, waxaa ay qabsadeen xilka dawladda Hoose, muddo sannad ahnna qaar ka mid ah xildhibaanadu dagaal ayay kule jireen masuulyiinta golahaasi, waxaana haatan arrinta golahani gaadhay badhasaabka cusub ee gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleemaan Ramaax, kaasoo dhawaanta mar u tababar u furayey xildhibaanno ka tirsan golahaasi uu ku eedeeyey xil gudasho la’aan ,kuna ballan-qaaday inay ka dawlad ahaan tallaabo ka qaadi doonaan haddii shaqaalaha mushaarkooda la siin waayo, miisaaniyaddii degmadana la soo saari waayo. Waa badhsaabkii labaad ee arrintan golahani ka yaabban marka lagu daro badhasaabkii hore ee gobolka ,Cabdoo Axmed Aayir, kaasoo markuu isku keeni kari waayey, taladiisana la maqali waayey faraha kala baxay. Arrimaha khilaafka golahani lugta ku hayo ayaa dadka qaar u arkaan uun mid lagu doonayo in xilka lagaga qaado masuuliyiinta golahaasi ee haatan, balse waxa jira arrimo kale oo la xidhiidha dhinaca siyaasadda iyo xisbiyada, mucaarad iyo muxaafidna la isku hayo marka lagu daro khilaafka dhinaca beelaha oo xildhibaanada golahaasi qaarkood isu arkaan kuwa beelo metela ama u fadhiya meesha.
Si kastaba ha ahaatee golahani wuu tashan kari waayey, cid kastoo tashan weydana waxa waajib ah in loo taliyo sidaa daarteed. waxaa loo baahanyahay in xukuumaddu soo farageliso soona afjarto khilaafka caqabadda ku noqda horusocodka maamulka degmada.
source:saxafi