WAR HADDA SOO DHACAY: Madaxweyne Siilaanyo Oo Digreeto Ku Go’aamiyay Wakhtiga Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu Dalka Ka Bilaabmayso

0
49

Warsaxaafadeed uu ku sexeexan yahay xoghayaha gaarka ah ee xafiiska saxaafadda ee aqalka madaxtooyada Somaliland oo hadda na soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan:

Madaxweyne_Siilaanyo2013Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo

waxa uu digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3164/042015 ku go’aamiyey in Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabanto Gobollada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                     Qodobka 18aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007;

Markuu Arkay:                     Soo jeedinta Guddida Doorashooyinka Qaranka ee summadeedu tahay KDQ/XK/405/2015, ee ku taariikhaysan 09/04/2015 iyo Lifaaqa la socda ee ay ku caddahay Muddada Diyaarinta Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha iyo Muddada Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha;

Markuu Tixgeliyay:            Ahmiyadda Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu u leedahay in la qabto Doorasho xor ah oo xalaal ah;

Wuxuu Soo Saaray;

Xeerkan oo lagu go’aamiyey in Diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu ka bilaabanto Gobollada Dalka Jamhuuriyadda Somaliland taariikhdu marka ay tahay 21/07/2015.

 

ALLAA MAHAD LEH

                        Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here