Akhristoow,Ma Taqaan Majaajilaystihii Reer Suuriya Ee Shilinka LIIRAHA Ah Liqay Ee Maxkamada Lasoo Taagay Iyo Wixii Kala Qabsaday Xaakimkii?

0
32

Ninkii riwaayadaha meteli jirey ee u dhashay dalka suuriya lana odhan jirey Qawaar Dooshi iyo saaxiib kiisii Abu Cantar, ayaa sameeyey riwaayad ay ku tilmaamayeen mus maasuqu sida uu u biyo dhigey dalka Suuriya, waana xiligii uu dalka suuriya ka talinayey keligii taliyihii Xaafid Al Asad sanakii 1978.

Maalin maalmaha ka mida ayuu Qawaar tegey makhaayad shaaha laga cabo, isla markaana ay ku badnaayeen dhegeys tayaasha dadka afkooda eega iyo hadalada ay ka sheegayaan maamulka Asad, ka dibna Qawaar ayaa jeebada kala soo baxay hal Liire oo uu ku sawiran yahay Asad, dabeeto nimankii basaasiinta ahaa ayuu hortooda ku liqey ka dibna ninkii Qawaar inta la isku jebiyey oo gaadhi lugu tuurey ayaa xabsiga la dhigey, dhawr cisho ka dib ayaa maxkamada la geeyey, dabeeto xaakinkii ayaa u akhriyey dembiga loo haysto oo ah inuu liqey hal Liire oo qaranku leeyahay, isla markaana ku sawiran yahay hogaamiyaha qaranku.

Dembigaa ma qabtaa mise ma qabtid ayaa Qawaar la weydiiyey”.

Mujaahid-Cali-XaraaroQawaar ayaa yidhi; ma qabo debigaa, mana jirto, isla markiiba xeer ilaaliyihii qaranka oo ahaa ninka dacwada ku soo oogey ayaa soo boodey oo xaakinkii ka codsaday in imika loo diro mishiinka sawirada caloosha ee qaranku leeyahay si loo sawiro caloosha Qawaar xaakin kina wuu ka aqbalay codsigii xeer ilaaliyaha qaranka.

waxaa la geeyey Qawaar halkii mishiinku yaalay miis ayaa la saaray calooshii ayaa la sawirey markiiba waxa lagu soo celiyey maxkamadii dabeeto xaakin kii ayaa sawirkii ku arkay halkii liire oo dhex fadhiya calooshii qawaar, markaasuu isagoo xanaaqsan ku yidhi Qawaar beenaale ayaad tahay miyaanu kaa ahayn halkii liire calooshaada ka muuqda? ka dibna Qawaar ayaa xaakin kii ku yidhi is deji xaakin,aadna ha u xanaaqin waa dhab oo waan liqey halka liire hase yeeshee waxaan ku weydiiyey mishiinkan halka liire soo sawiray miyaanu sawiri karin kuwa malaayiinta liire liqa intii aanu ka jawaabin xaakinki ayaa waxa is taagey oo ka jawaabey su aashii Qawaar saaxiibkii Abu cantar oo ku yidhi Qawaar hadii kuwaa malaayiinta liqa mishiinka laga geeyo oo la saaro mishiinka ayaa khal khalaya oo xumaanaya.

Dabeeto Qawaar ayaa yidhi “haaaaaaaaa

Hadaba akhriste inta kale idinka ayaan idiin daayey

Qalinkii: Mujaahid Cali Xaraaro

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here