Hargeysa(Hubaal) Ganacsade Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacma Dheere) oo ka mid ah Ganacsatada Waa wayn ee Somaliland ee Xoolaha Dhoofisa ayaa ku dhintay , rasaas uu ku riday mid ka mid ah Askarta Booliska ee kaantaroolka Tuuladda Qoton-dabo ee ka tirsan Degmada Sabo-wanaag ee gobolka Maroodi jeex.
Sida Dad goob joog ahi noo xaqiijiyeen falkan, ayaa dhacay abaaro Lixdii Makhribnimo ee xallay,waxaana ganacsade Gacma-dheere la socday wafti uu hogaaminaayey Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Salebaan Xagla toosiye oo ka soo laabtay daba-garayaale, oo uu ka soo dhagax dhigay Xarun Caafimaad oo laga Dhisaayo Halkaasi waxaanay u soo jeedeen Magaaladda Hargaysa.
Wararku waxay intaasi ku dareen in markii Waftigani soo gaadhay Kaantaroolka Qoton dabo uu mid ka mid askartii ku sugnayd kaantaroolkaasi rasaas ku furay gaadhigii gacmo dheere Saarna, halkaasna uu ku dhaawacmay Ganacsade Gacma Dheere, iyadoo la sheegay in dhaawacu ka soo gaadhay Caloosha, loona qaaday magaaladda Hargays.
Hase yeeshe Ganacsade Gacma Dheere ayaa ku geeriyooday Dhexda isaga oo aan soo gaadhiin Cisbitaalka Magaalada Hargaysa
Askarigii falkan gaystay ayaa la sheegay inay qabteen ilaaladii la socday waftigan.
Ilaa hadda lama oga sababta keentay falkan ee askarigani u dilay Marxuunka Ganacsade Gacma Dheere ayaa ka mid ahaa Ganacsatada waa wayn ee Somaliland ee xoolaha u dhoofisa Dalka Sucuudiga