AKHRISO: Mareego Wareed Oo Laga Cambaareeyay Masaajiddo Ku Yaalla Magaalada Boorama ee Gobolka AWDAL

0
43

Boorama (Hubaal) – Qaar ka mid ah culima aw diinka iyo dadweynaha magaalada Boorama ayaa shalay masaajidyadda Boorama ka cambaareeyey mid ka mid ah shabakadaha wararka ee u ololleeya midnimada Soomaaliya ee ay maamulaan qurbajoogga reer Awdal. Ka dib markii ay warar been ah ka faafisay mid ka mid ah culimada diinta iyo badhasaabka gobolka Awdal Cabdoo Aayir.

Saalddii duhurnimo ee shalay ayaa qaar ka mid ah culimada diinta ee Boorama kaga jawaabeen warar wax lagaga sheegay badhasaabka Awdal oo ay shabakadahaasi ka dhigeen nin Shisheeye ah oo Boorama xukuma, iyagga oo aan soo qaadin madaxda reer Awdal ee Gobolada kalle ee dalka maamusha, sidoo kalle wax lagaga sheegay Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jawhar oo ka mid ah Cullimadda sida weyn looga qadariyo dhulka Soomaalidu degto guud ahaan. Waxaana culimadu wararka wax lagaga sheegayo Culimadda iyo madaxdan ku tilmaameen kuwo lagu kala fogeynayo ummadda oo aan wax qiimo ah lahayn, waxaana ay Culimada ka hadashay arrintan u soo jeediyeen Bulshadda in aanay booqan shabakaddaha Intarnetk ee dagaalka ku haya Somaliland sidda shabakadda Boorama News oo warkan dhiifta kiciyay faafisay.

masjidu-jaamaca-qadiimi-boramaShabakadan ayaa inta badan buunbuuniya horumar ay sheegaan inay ku talaabsatay dawladda Soomaaliya, halka ay taas badalkeedda naqdiyaan talaabo kasta oo Somaliland qaado, iyagoo u mara kala qaybin bulshada ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here